0-HORDHAC
1-nasabkiiscw
2-abraha
3-zamzamka
4-dhalashadiiscs
5-Baxiira
6-guurkiikhadiija
7-dhisidiikacbada
8-soodiriddiiscw
9-dadkiidiintaugusohoreeyey
10-muujintiidiinta
11-dhibkiisaxaabada
12-daartiiarqam
13-hijradiikowaad
14-hijradiilabaad
15-utegiddiiabiidaalib
16-dhibkiiqurayshscw
17-islaamiddiixamza
18-islaamiddiicumar
19-ergadiiqurayshescw
20-cunqabatayntiirerhashim
21-geeridiiabiidaalib
22-geeridiikhadiija
23-dhibkiireerdaaif
24-dheelmiskii
25-muminiintanrermakaahayn
26-islaamidiireermadiina
27-baycatulcaqabadiikowaad
28-baycatulcaqabadiilabaad
29-hijradiisaxaabadeemadiina
30-hijradiirasuulkascw
31-walaalayntii
32-heshiiskiiscwyuhuudimadiina
33-dhisiddiimasjidkascw
34-heshiiskiiubayaiyoquraysh
35-fasixiddiijihaadka
36-bilaabidiidulamadajihadka
37-badarqkowaad
37b-badarqlabaad
37c-badarqsadexaad
37d-badarqafaraad
37e-badarshanaad
38-duulaankiibaniisulaym
39-shirqoolkiiscw
40-balanbixiiqaynuqaac
41-duulaankiisuwayq
42-dilkiikacabbinuashraf
43-duulaankiidiiamariyobaxraan
45-ilaaladiseydbinuxaarith
46-uxudqkoowaad
46a-uxudqlabaad
46b-uxudqsadexaad
46c-uxudqafaraad
46d-uxudqshanaad
47-dulamadiiuxudkuxigey
48-mugdigiirajiic
49-murugadiibirumacuun
50-duulaankiibanuunadiir
51-najdiiyobadartiilabaad
53-duulaankiiduumatuljundul
54-duulaankiiaxzaab
55-duulaankiirerbaniiqurayda
56-dilkiiabuuraafic
57-ilaaladiimbinumaslama
58-duulaankiibanuulixyaan
59-israacraaciiilaalooyinka
60-duulaankiibaniimusdaliq
61-beenabuurkii
62-ciidankiikuxigeybaniimusdaliq
63-heshiiskiixudaybiya
64-waraaqihiiscwdiray
65-duulaankiidiiqirad
66-dagaalkiikhaybar
67-duulaankiidaaturiqaac
68-ilaalooyinkiidaaturiqaackadib
69-cumradiilasooqaleeyey
70-ilaaloyinkicumratulqadaakadib
71-dagaalkiimu-ta
72-ilaaladiidaatusulaasil
73-duulaankiifatxumakka
74-dagaalkiixunayn
75-ururintiizakada
76-dhaqdhaqaqyadiidaaifkadib
77-duulaankiitabuuk
78-xajkiiabuubakar
79-sanadkiiwufuudda
80-xajjatulwiddaac
81-ciidankiiusaama
82-geeridiirasuulkascw
83-haweenkiirasuulkascw
84-sifadiirasuulka
Haweenkii uu Rasuulku SCW guursaday waxa ay ahaayeen Saddex iyo Toban oo uusan labo la aqal galin iyo labo adoomo ah, waxayna kala ahaayeen Saqaal uu kadhintay oo ahaa: Caa'isha bintu Abiibakar-Sidiiq, Xafsa bintu Cumar binu Khadhaab, Umu Xabiiba binu Abii-Sufyaan binu Xarbin, Umu Salama bintu Abii-Umaya binu Muqiira, Sawda bintu Samca binu Qays, Saynaba bintu Jaxshin binu ri'aab, Maymuuna binu Xaarith, Juwayriya bintu Xaarith binu Abii-Daraar, Safiya binu Xuyey binu Akhdhab, iyo labo hortiis dhimatay oo kala ahaa: Khadiija bintu Khuwaylid iyo Saynaba bintu Khusayma, iyo labo uusan la aqal galin oo kala ahaa: Asmaa bintu Nucmaan iyo Camra bintu Yasiid, iyo labo Adoomo ah o kala ahaa: Maariyatul Qibdhiya iyo Rayxaana bintu Sayd, intaas weeye haweeenkii Rasuulka SCW oo isugu jiray wuxuu la aqal galay iyo wuxuusan la aqal galin, waxaana u soo qaadanaynaa mid mid anagoo raacayna siday ukala horeeyeen: 1. Khadiija bintu Khuwaylid binu Asad waxa ay ahayd haweentiisii ugu horaysay waxaana u guuriyey Aabaheed Khuwaylid ama walaalkeed Camar binu Khuwaylid, waxayna jirtay 40 sano Rasuulkuna SCW wuxuu jiray 25 sano, waxay Rasuulka SCW hortiis soo guursatay Labo nin oo kala ahaa abii-haala binu Maalik oo ay u dhashay labo caruur ah iyo Catiiq binu Caabid oo asna ay labo caruur ah u soo dhashay. Rasuulku SCW wuxuu Khadiija qabay ilaa uu 50 sano gaaray, lamana uusan guursan. Khadiija waxa ay Rasuulka SCW u dhashay caruurtiisa oo dhan Ibraahim ma ahane. 2. Sawda bintu Samca binu Qays waxa uu Rasuulku SCW ku guursaday Makka sannadkii 11aad ee nabinimada markii ay Khadiija dhimatay waxaana u guuriyey Sulaydh binu Camar ama Abuu-Xaadhib binu Camar, waxaa isaga hortii soo guursaday ina adeerkeed Sakraan binu Camar oo kamid ahaa muslimiintii Xabashida u hijrootay ka dibna ku soo laabtay maka oo ku geeriyooday. 3. Caa'isha bintu Abii bakar-Sidiiq wuxuu Rasuulku SCW ku guursaday Makka sanadkii 11aad ee Nabinimada Sawda ka dib iyada oo lix sano jirta, wuxuuna ku dhistay Madiina iyada oo Sagaal sano jirta, waxaa u guuriyey aabeheed Abuubakar, mana guursan Rasuulku SCW bikro aan iyada ahayn oo haweenkiisa inta kale garoobo ayey ahaayeen, waxa ay ahayd haweenkiisa mida uu ugu jeclaa uguna cilmiga badnayd. 4. Xafsa bintu Cumar binu Khadhaab waxa uu Rasuulku SCW ku guursaday Madiina sannadkii 3aad ee hijriga, waxaana u guuriyey aabeheed Cumar, waxaana Rasuulka SCW hortii guursaday Khunays binu Xudaafa oo ku shahiiday dagaalkii Badar. 5. Saynaba bintu Khusayma oo lagu naanaysi jiray hooyadii masaakiinta siday ugu naxariisan jirtay oo ay ugu jilicsanayd darteed, wuxuu Rasuulku SCW guursaday sanadkii 4aad ee hijriga, waxaana u guuriyey Qabiisa binu Camar, waxaa hortiis soo guursaday Cabdullaahi binu Jaxshin oo ku shahiiday dagaalkii Uxud, waxayna dhimatay guurka Rasuulka SCW labo bilood ama Sadex bilood ka dib. 6. Umu-Salama bintu Abii-Umaya oo magaceeda la oran jiray hinda wuxuu Rasuulku SCW guursaday isla sanadkii 4aad ee hijriga waxaana u guuriyey wiilkeedii Salama ibnu Abii-Salama waxaana Rasuulka hortii kadhintay Abii-Salama binu Cabdi Asad oo magaciisa la oran jiray Cabdullaahi una dhintay dhaawac ku soo gaaray dagaalkii Uxud, waxayna usoo dhashay Abii-Salama Afar caruur ah oo kala ahaa: Salama, Cumar, Saynab, iyo Ruqiya. 7. Saynaba bintu Jaxshin binu Ri'aab wuxuu Rasuulku SCW guursaday sanadkii 5aad ee hijriga, waxa ayna ahayd Rasuulka SCW ina eedadiis waxaana hortiis soo guursaday Sayd binu Xaarith, Alle ayaana u guuriyey sababteedana waanu soo marnay. 8. Juwayriya bintu Xaarith waxa uu Rasuulku SCW guursaday sanadkii 6aad ee hijriga waxayna kamid ahayd dadkii lagu soo qabsaday duulaankii banii musdhaliq waxaana qayb ahaan u helay Thaabit binu Qays markaasuu kitaabeeyey, Rasuulka SCW ayey u timid si uu uga gudo markaasuu Rasuulku SCW ku yiri "makuu sameeyaa wax taas kaaga khayr badan?" waxay tiri "waa maxay", wuxuu yiri "waan kaa gudayaa waana ku guursanayaa", waxay tiri "waayahay". Markaasuu ka guday ka dibna guursaday. 9. Umu-Xabiiba bintu Abii-Sufyaan oo magaceeda la oran jirey Ramal wuxuu Rasuulku SCW guursaday Sanadkii 7aad ee hijriga waxaana hortii soo guursaday Cubaydilaah binu Jaxshin oo ay u wada hijroodeen Xabashida markaasuu ka ridoobay islaamkii dabadeedna ku dhintay halkaas, hase yeeshee Umu-Xabiiba islaamkeedii ayey ku sugnaatay sidaa darteed markii Rasuulku SCW uu Najaashe Asxam warqada udirayey sanadkii 7aad ayuu ku codsaday in uu kusoo meheriyo oo usoo diro Najaashana sidii ayuu yeelay, wuxuuna kusoo daray Shuraxbiiil ibnu Xasna. 10. Safiya bintu Xuyey wuxuu Rasuulku SCW guursaday sanadkii 7aad ee hijriga waxayna ahayd reer banii Israa'iil oo waxay kamid ahayd dadkii lagu soo qabsaday duulaankii Khaybar markaasuu iyada ka doortay oo xoreeyey ka dibna guursaday, waxaana isaga hortii guursaday kinaana binu Rabbiic ibnu Abil-Xaqiiq. 11. Maymuuna bintu Xaarith wuxuu Rasuulku SCW guursaday sanadkii 7aad ee hijriga markuu Cumratul-Qadaa gutay, waxaana u guuriyey adeerkiis Cabaas binu Cabdi-Mudhalib oo ay gurigiisa joogtay walaasheed Umu Fadlina qabay, Rasuulka SCW hortiisna waxaa soo guursaday Abii Ruhmi binu Cabdi Cusaa. Kow iyo Tobankaas ayey ahaayeen xaasaskii Rasuulka SCW marka laga reebo labadii adoomada ahaa oo kala ahaa: Maariyatu Qibdhiya oo boqorkii Isandariya xukumayey usoo hadiyeeyey sanadkii 7aad ee hijriga waana gabadha u dhashay wiilkiisii Ibraahim, iyo tan kale oo ahayd Rayxaana bintu Sayd oo kamid ahayd dadkii lagu qabsaday duulaankii banii Qurayda oo uu markaa naftiisa u doortay. Labada uusan laguri galin sidaan soo sheegnayba waa Asma bintu Nucmaan iyo Camrata binu Yasiid, lagumana tiriyo Labadaan Umuhaatul-Muminaatka, maxaa yeelay kama aysan mid ahayn xaasaskii Rasuulka SCW. Waxaa intaa noogu dhamaaday waxyaabihii aan ka ishaarnay guurkii Rasuulka SCW, waxa ay arrintaanina ka mid tahay meelaha ay cadawga islaamku wax ka xoq xoqdaan markii ay waayeen meel ay Rasuulka SCW ceeb uga raadiyaan, iyaga oo aad isugu taxalujiya in ay ceeb u helaan shakhsiyadda nadiifka ah ee Rasuulka SCW, taas oo Alle nusqaan ka dahiray. Haddaba haddii aan wax ka tilmaanno guurkii Rasuuulka SCW waxaa ku jiray xikmooyin badan oo Alle SW uu garanayo, waxaana xikmooyinkaas ka mid ahaa kuwakan: 1. Waxaa jiray arrimo badan oo daruuri ahaa oo ay dadka muslimiinta ahi u baahnaayeem, aysanna ogaan karin cid aan haweenkiisa ahayn sida; jiifkiisii, qubayskiisii, soo toosiddiisii, salaatu-laylkiisii, janaabadiisii, mucaamaladiisii haweenka iyo hawlihiisii khaaska ahaa oo dhan. Waxaan in badan arkaynaa in ay haweenkiisu ka wariyeen axaadiis aad u tiro badan, siiba kuwa ku saabsan arrimaha aan soo tilmaanay. 2. Guurku waxa uu ahaa sunnadii anbiyadii Ilaahay, qaarkoodna wayba ka haween badnaayeen Rasuulka SCW sida; Nabi Sulaymaan iyo Aabihii Nabi Daa'uud, sidaa darteed Rasuulku SCW waa uu guursaday, dadka muslimiinta ahna waa uu ku booriyey, waxaana dhici kari lahayd haddii uusan Rasuulku SCW guursan lahayn in dad badan oo muslimiiin ah ka tagi lahaayeen guurka, iyagoo ku dayanaya Rasuulka SCW, markaasna waxaa lumi lahayd muhiimaddii wayneyd oo ahay din la is guursado si bani aadamku u tarmo, uusanna u dabar go'in, waxaa sidoo kale dhici kari lahay din muslimiintu haddii ay guurka ka tagaan ay yaraadaan, gaaladuna ay badato, sidaa daraadeed Islaamku waa uu reebay in guurka iyo hawlaha kale ee addunkaba laga fogaado sida suufiyada qubuuraha gala ama cilmaaniyiinta dhaha konton sano ayaan ku guursanayaa. Rasuulku SCW waxa uu maqlay sadex nin oo kala go'aansaday in aysan seexan, salaatu-layl u taagnaadaan, maalinkii soomanaadaan, aysanna guursan, markaasuu Rasuulka SCW yiri "anigu waan seexdaa, waan tukadaa (salaatu-laylka), waan soomaa, waan afuraa, dumarkana waan guursadaa, qofkii sunnadayda khilaafana iga mid ma ahan (Ummadayda kama mid ahan). 3. Sidoo soo tilmaanayba dumarkii uu Rasuulku SCW guursaday waxa ay u badnaayeen dumar ragoodii oo dhintay oo dhibaataysan, sidaa daraadeed si uu ugu kaalmeeyo, diintoodana u dhawro ayuu u guursaday, sidoo kale waxa ay dumarkaasi u badnaayeen dadkii Ilaahay diintiisa ugu horeeyey oo loo dhibay Alle dartii, qaarkoodna waxa ayba ka mid ahaayeen dadkii markii dhibku ka batay u cararay dhulka Xabashida sida; Umu-Xabiiba oo markii ay dhulkaa fog taktay ninkeediina ka ridoobay, Umu-Salama iyo Sawda oo iyagana markiii ay hijrada ka soo laabteen ka dib ragoodii hinteen, sidoo kale waxa uu qaarkood u guursaday in u kaalmeeyo caruurtana la koriyo maadaama ay ragoodii u dhinteen Alle dartii. 4. Carabtu waxa ay waagaas aad u xurmayn jirtay xididka oo way qadarin jireen, sidaa darteeed waa la wada og yahay booska ay islaamka u joogeen afartii khulaaf'ul-Raashidiin oo uu Rasuulku SCW xididka la ahaa, sidoo kale qabiilooyin iyo dad awal islaamka la dagaalamayey ayaa markii uu Rasuulku SCW la xididay dhibtii joojiyey, dabadeedna sooba islaamay, sida reer banii musdhaliq oo soo islaamay markii uu Rasuulku SCW ka guursaday Juweyriya bintu Xaarith oo aabeheed ciddaas oday u ahaa, sidoo kale Abii Sufyaan oo si daran Rasuulka iyo islaamkaba ula colaytamay markii uu Rasuulku SCW guursaday gabadhiisii Umu-Xabiiba waa soo jilcay ilaa uu ka islaamay isaga iyo qabiilkii uu madaxda u ahaa ee quraysh. Haddaba dhawrkaas qodob oo aan soo tilmaanay iyo kuwa kaleba waxa ay ina tusinayaan xikmooyinkii iyo faa'iidooyinkii ku jiray guurkii Rasuulka SCW. Waxa ay mustashraqiinta diin laaweyaasha ahi mararka qaarkood qoraan iyaga oo raadinaya meel ay Rasuulka SCW iyo islaamkaba ceeb uga helaan in Rasuulku SCW u guursaday haweenka badan shawwo ahaan, waxaase qofkii wax garad ahi garan karaa in aysan jirin arintaas ay acdaada Alle ku mayraysanayaan, maxaa yeelay sida la wada ogsoon yahay Rasuulku SCW markuu dhalinyarada ahaa ma uusan guursan haween badan, sidoo kale ma uusan guursan gabdho yar yar ee waxa uu guursaday Khadiija oo markaa da'ahayd oo soo guursatay labo nin, isla markaana ma uusan guursan haween kale ilaa ay dhimatay isaga oo konton jira ah, markii ay dhimatayna ma uusan guursan gabar yare waxa uu guursaday Sawda oo ahayd islaan weyn oo garoob ah, sidoo kale saan soo tilmaanayba dumarkii uu Rasuulu SCW guursaday oo dhan waxa ay wada ahaayeen garoobo Caa'isha mooyee, wuxuuna haweenka badan guursaday sannadihii ugu dambeeyey cimrigiisa. Ugu dambayntii saan soo ishaarnayba waxaa Rasuuulka SCW guurkiisa ku jirey xikmooyin uu Alle garanayo, annaguna aannaan wada koobi karin, mana haboona in qof muslim ah is waydiiyo sababta uu Alle ugu baneeyey Rasuulkiisa SCW dumarkaa badan, maxaa yeelay waxa ay taasi noqonaysaa in uusan qofku ka raali noqon xukunka Alle oo uu la dhinactamo Alle iyo Rasuulkiisa SCW, qofkii uu waxyaalahaas shaydaanku ku waswaasiyana waa qof ka shakisan diinta Alle, maxaa yeelay Alle waa Xakiim shay walbaba meeshii ku haboon dhiga, isagaana Rasuulkiisa SCW iyo Rusuhii kale ee ka haweyn badnayd Rasuulka SCW u baneeyey haweenkaa badan. Ka dib markii uu Rasuulku SCW isu keenay sagaal haween ah (oo nikaaxiisa isugu yimid) ayaa Alle ka xarimay in uu haween dambe guursado, waliba waxaa isaga gaar looga xarimay oo lagu siyaadiyey in uu haweenkuu qabay ku badelo haween kale, wuxuuna Alle isagoo arrintaa tilmaamaya qur'aankiisa ku yiri: ((XALAAL KUUMA AHAN NABIYOW DUMAR (KALE) DIB DAMBE, KUMANA BADALI KARTID (HAWEENKA AAD QABTO) DUMAR KALE, HABA KU CAJAB GALIYO (DUMARKA KALE) WANAAGOODU, KUWAY MIDIGTAADU HANATAY MA AHANE (KUWA GAALADA LAGA QABSADO), ALLENA WAXA UU AHAADAY SHAY KASTA KII LA SOCDA)), (Suuratul-Axsaab 52).
|