0-HORDHAC
1-nasabkiiscw
2-abraha
3-zamzamka
4-dhalashadiiscs
5-Baxiira
6-guurkiikhadiija
7-dhisidiikacbada
8-soodiriddiiscw
9-dadkiidiintaugusohoreeyey
10-muujintiidiinta
11-dhibkiisaxaabada
12-daartiiarqam
13-hijradiikowaad
14-hijradiilabaad
15-utegiddiiabiidaalib
16-dhibkiiqurayshscw
17-islaamiddiixamza
18-islaamiddiicumar
19-ergadiiqurayshescw
20-cunqabatayntiirerhashim
21-geeridiiabiidaalib
22-geeridiikhadiija
23-dhibkiireerdaaif
24-dheelmiskii
25-muminiintanrermakaahayn
26-islaamidiireermadiina
27-baycatulcaqabadiikowaad
28-baycatulcaqabadiilabaad
29-hijradiisaxaabadeemadiina
30-hijradiirasuulkascw
31-walaalayntii
32-heshiiskiiscwyuhuudimadiina
33-dhisiddiimasjidkascw
34-heshiiskiiubayaiyoquraysh
35-fasixiddiijihaadka
36-bilaabidiidulamadajihadka
37-badarqkowaad
37b-badarqlabaad
37c-badarqsadexaad
37d-badarqafaraad
37e-badarshanaad
38-duulaankiibaniisulaym
39-shirqoolkiiscw
40-balanbixiiqaynuqaac
41-duulaankiisuwayq
42-dilkiikacabbinuashraf
43-duulaankiidiiamariyobaxraan
45-ilaaladiseydbinuxaarith
46-uxudqkoowaad
46a-uxudqlabaad
46b-uxudqsadexaad
46c-uxudqafaraad
46d-uxudqshanaad
47-dulamadiiuxudkuxigey
48-mugdigiirajiic
49-murugadiibirumacuun
50-duulaankiibanuunadiir
51-najdiiyobadartiilabaad
53-duulaankiiduumatuljundul
54-duulaankiiaxzaab
55-duulaankiirerbaniiqurayda
56-dilkiiabuuraafic
57-ilaaladiimbinumaslama
58-duulaankiibanuulixyaan
59-israacraaciiilaalooyinka
60-duulaankiibaniimusdaliq
61-beenabuurkii
62-ciidankiikuxigeybaniimusdaliq
63-heshiiskiixudaybiya
64-waraaqihiiscwdiray
65-duulaankiidiiqirad
66-dagaalkiikhaybar
67-duulaankiidaaturiqaac
68-ilaalooyinkiidaaturiqaackadib
69-cumradiilasooqaleeyey
70-ilaaloyinkicumratulqadaakadib
71-dagaalkiimu-ta
72-ilaaladiidaatusulaasil
73-duulaankiifatxumakka
74-dagaalkiixunayn
75-ururintiizakada
76-dhaqdhaqaqyadiidaaifkadib
77-duulaankiitabuuk
78-xajkiiabuubakar
79-sanadkiiwufuudda
80-xajjatulwiddaac
81-ciidankiiusaama
82-geeridiirasuulkascw
83-haweenkiirasuulkascw
84-sifadiirasuulka
Abii-dhaalib wuxuu ahaa Nabiga SCW adeerkiisii soo koriyey toban sanana difaacayey oo qureysh uga biqi jirtey, muddo badanna ay odeyaashii qureysheed ku soo noqnoqdeen iyagoo uga dacwoonaya Rasuulka SCW dhibaatooyin badanna ka soo gaadheen difaaciddii Nabiga SCW iyadoo sababta uu u difaacayeyna ahayd ficilo qabiil iyo inaan wiilkuu adeerka u yahay lagu xad gudbin intuu nool yahay. Tobankaa sano ee uu Rasuulka SCW difaacayey ma uusan qaadan islaamka isagoo ujeeda inuu xaq yahay oo xitaa gabay ku sheegay in islaamku yahay diin xaq ah sababta uu u rumeyna waxay ahayd Ilaah oo aan la damcin hanuunka. Sannadkii 10aad ee soo diriddi Rasuulka SCW markay cunaqabatayntii dhammaatay ka dib ayuu Abii-dhaalib xanuunsaday, xanuunkaas oo ahaa kii uu u geeriyooday. Odeyaashii qureysh markay maqleen xanuunkaas Abii-dhaalib ayey shir qaateen waxayna is dheheen "waad maqasheen in uu Abii-dhaalib xanuunsan yahay waxaana la arkaa inuu u dhinto, annaga iyo Maxammedna is gefi mayno oo xaaladdiisu meel adag ayey taagan tahay, haddaan waxyeelleyno markii Abii-dhaalib dhintana carab ayaa na ceebeynaysa oo dhahaysa "intii Abii-dhaalib noolaa wax way yeeli kari waayeen laakiin markuu dhintay ayey waxyeelleeyen" sidaa darteed waa hadda u tagnaa Abii-dhaalib oo ku dhahnaa annaga iyo wilkaaga arrin cad nakala sii oo ha nabad geliyo ilaahyadayada iyo diintayada annaguna waa nabad gelineynaaye." waxay markaa Abii-dhaalib u direen 25 nin oo odeyaashoodii ka tirsanaa oo go'aankaas ula tegey. Abii-dhaalib markuu arrinkoodii dhegaystay ayuu Rasuulka SCW u yeeray oo ku yiri "adeer reer tolkaa arrintaan bay la yimaadeene ka warran" Rasuulka SCW wxuu yiri "adeer hal kalimad keliya ha ii dhahaan", Abii-jahal ayaa hadlay oo yiri 'hal keliyaa.. iyada iyo toban la mid ah ayaan kuu dhahayaa". Rasuulka SCW wuxuu yiri waxaad dhahdaan "LAA ILAAHA ILLA LAAH". Nimankii qureysheed markay maqleen "ninkaani wax uu idiin oggol yahay ma jirtee naga soo kiciya meesha". Ibnu Hishaam wuxuu yiri arrintani waa qisada ay ka warramayso suuradda la yiraahdo SAAD bilwgeeda. Waxaa is weyddiin leh sababtaa ay u diideen iney hal mar yiraahdaan kalimmadaas tawxiidka, maxay se toban jeer intay afka ka dhahaan ay howshooda isaga wadan waayeen? Su'aalahas jawaabtoodu waxay weeye, waxay ogaayeen macnaha ka dambeeya kalimaddaas iyo iney dhaqankooda oo dhan beddelayso, mana aysan rumeysneyn sida ay maanta in badan oo muslimiin sheeganayaa ay ku kadsomeen oo kalimmadaas iney afka uga dhawaaqaan ahayn maxaa yeelay islaamku waxaa weeye inu qofku qalbiga ka ictiqadiyo xubnahana uga dhaqmo Ilaahna si toos ah ugu xirnaado. Sidaa kale Allah isagoo tilmaamaya in markii allah keliya la sheego ay dhabarka jeedinayaan waxuu yiri: "((Waxaan quluubtooda yeelnay dabool in ay fahmaan qur'aana, dhagahoodana culays, haddii aad (Nabiyow) qur'aanka dhexdisa ku xusto Rabbigaa kaligii waxay jeedinayaan dabada iyagoo cararaya), (Suuratul-Israa 46). Ugu dambayntii Abii-dhaalib xanuunkii ayaa ad ugu siyaaday, Rasuulka SCW wuxuu aad isugu hawlay siduu adeerkiis uga badbaadin lahaa cadaabka Alle, laakiin Alle ayaan hanuun la damcin. Maalinkii ugu dambeysey ee sakaraadku hayey ayaa waxaa u yimid Rasuulka SCW isagoo ay la joogaan Abii-jahal iyo Cabdullaahi ibnu abii Ummaya oo doonaya in Abii-dhaalib ku dhinto diintii aabbayaashood, markaasuu Rasuulka SCW adeerkiis ku yiri "adeerow dheh LAA ILAAHA ILLA LAAH kalimmad aan Ilaahay agtiisa kaaga doodo" Abii jahal iyo Cabdullaahi ibnu abii Ummaya ayaa ka daba hadlay o yiri "Abii-dhaalib, ma diintii Cabdimudhalib baad ka tegeysaa?", kama aysan suulin iney ka daba hadlayaan mar kasta oo uu Rasulka SCW u bandhigo adeerkiis kalimmaddaas tawxidka ilaa uu markii dambe ka yiri "waxaan ku dhimanayaa diinta Cabdimudalib". Abii-dhaalib waa uu ogaa in diinta Nabi Maxammed SCW uu wataa ay xaq tahay sida uu ku caddeeyey gabayaduu tiriyey, laakiin wuxuu xaqa u diiday armaa lagu yiraahda markuu dhimanayey buu baqdin daraaddeed u islaamay. Calla kulli xala ilaah ayaan hanuun u qorin sidaa ayuuuna ku geeriyooday. Allaah markuu arkay Rasulka SCW sida uu u jecel yahay adeerkiis isaguna hawlay hanuunkiisa ayuu aayaddaan ku soo dejiyey Rasulka SCW, oo ku yiri: ((Adigu ma hanuunin kartid ciddaad jeceshahay laakiin Alle ayaa hanuuniya ciddduu doono, isagaana og kuwa hanuunaya)), (Suuratul-Qasas 56). Markii uu kufrigaas ku dhintay ayuuu Rasuulka SCW yiri "wan kuu dambi dhaaf weyddiin intaan la iga reebin" Hase yeeshee muddo ka dib markii Madiino loo wareegay ayaa Allaah soo dejiyey aayaddaan looga reebayo Rasuulka SCW iyo mu'miniinta iney gaalo dambi dhaaf u dalbaan. ((Uma haboona Nabiga iyo kuwa rumeeyey in ay Mushrikiin u dambi dhaaf wayddiiyaan, haba ahaadeen (mushirikiintaasi) qaraabadood, ka dib intay u caddaatay in ay yihiin (gaalo) ehelu Jaxiima), (Suuratu-Tawbah 113).
|