0-HORDHAC
1-nasabkiiscw
2-abraha
3-zamzamka
4-dhalashadiiscs
5-Baxiira
6-guurkiikhadiija
7-dhisidiikacbada
8-soodiriddiiscw
9-dadkiidiintaugusohoreeyey
10-muujintiidiinta
11-dhibkiisaxaabada
12-daartiiarqam
13-hijradiikowaad
14-hijradiilabaad
15-utegiddiiabiidaalib
16-dhibkiiqurayshscw
17-islaamiddiixamza
18-islaamiddiicumar
19-ergadiiqurayshescw
20-cunqabatayntiirerhashim
21-geeridiiabiidaalib
22-geeridiikhadiija
23-dhibkiireerdaaif
24-dheelmiskii
25-muminiintanrermakaahayn
26-islaamidiireermadiina
27-baycatulcaqabadiikowaad
28-baycatulcaqabadiilabaad
29-hijradiisaxaabadeemadiina
30-hijradiirasuulkascw
31-walaalayntii
32-heshiiskiiscwyuhuudimadiina
33-dhisiddiimasjidkascw
34-heshiiskiiubayaiyoquraysh
35-fasixiddiijihaadka
36-bilaabidiidulamadajihadka
37-badarqkowaad
37b-badarqlabaad
37c-badarqsadexaad
37d-badarqafaraad
37e-badarshanaad
38-duulaankiibaniisulaym
39-shirqoolkiiscw
40-balanbixiiqaynuqaac
41-duulaankiisuwayq
42-dilkiikacabbinuashraf
43-duulaankiidiiamariyobaxraan
45-ilaaladiseydbinuxaarith
46-uxudqkoowaad
46a-uxudqlabaad
46b-uxudqsadexaad
46c-uxudqafaraad
46d-uxudqshanaad
47-dulamadiiuxudkuxigey
48-mugdigiirajiic
49-murugadiibirumacuun
50-duulaankiibanuunadiir
51-najdiiyobadartiilabaad
53-duulaankiiduumatuljundul
54-duulaankiiaxzaab
55-duulaankiirerbaniiqurayda
56-dilkiiabuuraafic
57-ilaaladiimbinumaslama
58-duulaankiibanuulixyaan
59-israacraaciiilaalooyinka
60-duulaankiibaniimusdaliq
61-beenabuurkii
62-ciidankiikuxigeybaniimusdaliq
63-heshiiskiixudaybiya
64-waraaqihiiscwdiray
65-duulaankiidiiqirad
66-dagaalkiikhaybar
67-duulaankiidaaturiqaac
68-ilaalooyinkiidaaturiqaackadib
69-cumradiilasooqaleeyey
70-ilaaloyinkicumratulqadaakadib
71-dagaalkiimu-ta
72-ilaaladiidaatusulaasil
73-duulaankiifatxumakka
74-dagaalkiixunayn
75-ururintiizakada
76-dhaqdhaqaqyadiidaaifkadib
77-duulaankiitabuuk
78-xajkiiabuubakar
79-sanadkiiwufuudda
80-xajjatulwiddaac
81-ciidankiiusaama
82-geeridiirasuulkascw
83-haweenkiirasuulkascw
84-sifadiirasuulka

26- Islaamiddii reer Madiina

Dadkii uu Rasuulka SCW kula kulmay mawaasimtii xajka ee uu dacwada gaarsiinayey: waxaa ka mid ahaa lix nin oo reer Madiina ah oo u yimid xaj, lixdaas oo kala ahaa: Ascad binu Suraarah, Cawf binu Xaarith, Raaafic binu Maalik, Qudba binu Caamir, Cuqbah binu Caamir, iyo Jaabir binu Cabdullaahi binu Ri'ab. Siduu kula kulmayna waxay ahayd habeen Nebiga SCW iyo Abuubakar oo ku wareegaya dadka xajka u yimid oo dacwada gaarsiinaya siduu Nabigu xajwalba samyn jiray, ayuu yiri: Kuwamaad tihiin? waxay dheheen koox reer Khasraj ah ayaan nahay. Wuxuu yiri: waalidii Yahuudba? Waxay dheheen haa. Wuxuu yiri: maad fariisataan aan idinla hadlee? Waxay dheheen waa yahay. Markaas Rasuulku SCW u bandhigay islaamka, wayna qaateen; waxayna ku laabteen Madiina, wuxuuna waqtigaasi ahaa sannadkii 11aad laga soo bilaabo soo diriddii Rasuulka SCW.

Sidaa la ogsoon yahay magaalada Madiina waxaa wada degganaa laba qabiil oo carab ah iyo saddex qabiil oo yahuud ah. Yahuuddu waxay rumeysneyd diintii Nabi Muuse oo waxay ahaayeen Ehlu-Kitaab; carabtuna waxay ahaayeen mushrikiin asnaamta caabuda oo aan diin heysan, marar badanna wixii mas'alo diin ah oo ay qabaan waxay weydiin jireen yahuudda. Yahuuddu waxay carabta ugu faani jirtey in uu imaan doono Nabi diintoodu sheegtay oo aakhiru-semaanka imaan doono oo ay rumeyn doonaan iyagu (yahuuddu) lana dagaallami doono iyaga (Carabta). Sidaa daraaddeed lixdaa nin markay Rasuulka SCW arkeenba hore ayey ka islaameen, waxayna xaqiiqsadeen inuu yahay Nabigii ay yahuuddu sheegi jirtay. Ka dibna waxay ku laabteen Madiina iyagoo Ducaad ah, waxayna ku faafiyeen Madiina dacwadii islaamka.