0-HORDHAC
1-nasabkiiscw
2-abraha
3-zamzamka
4-dhalashadiiscs
5-Baxiira
6-guurkiikhadiija
7-dhisidiikacbada
8-soodiriddiiscw
9-dadkiidiintaugusohoreeyey
10-muujintiidiinta
11-dhibkiisaxaabada
12-daartiiarqam
13-hijradiikowaad
14-hijradiilabaad
15-utegiddiiabiidaalib
16-dhibkiiqurayshscw
17-islaamiddiixamza
18-islaamiddiicumar
19-ergadiiqurayshescw
20-cunqabatayntiirerhashim
21-geeridiiabiidaalib
22-geeridiikhadiija
23-dhibkiireerdaaif
24-dheelmiskii
25-muminiintanrermakaahayn
26-islaamidiireermadiina
27-baycatulcaqabadiikowaad
28-baycatulcaqabadiilabaad
29-hijradiisaxaabadeemadiina
30-hijradiirasuulkascw
31-walaalayntii
32-heshiiskiiscwyuhuudimadiina
33-dhisiddiimasjidkascw
34-heshiiskiiubayaiyoquraysh
35-fasixiddiijihaadka
36-bilaabidiidulamadajihadka
37-badarqkowaad
37b-badarqlabaad
37c-badarqsadexaad
37d-badarqafaraad
37e-badarshanaad
38-duulaankiibaniisulaym
39-shirqoolkiiscw
40-balanbixiiqaynuqaac
41-duulaankiisuwayq
42-dilkiikacabbinuashraf
43-duulaankiidiiamariyobaxraan
45-ilaaladiseydbinuxaarith
46-uxudqkoowaad
46a-uxudqlabaad
46b-uxudqsadexaad
46c-uxudqafaraad
46d-uxudqshanaad
47-dulamadiiuxudkuxigey
48-mugdigiirajiic
49-murugadiibirumacuun
50-duulaankiibanuunadiir
51-najdiiyobadartiilabaad
53-duulaankiiduumatuljundul
54-duulaankiiaxzaab
55-duulaankiirerbaniiqurayda
56-dilkiiabuuraafic
57-ilaaladiimbinumaslama
58-duulaankiibanuulixyaan
59-israacraaciiilaalooyinka
60-duulaankiibaniimusdaliq
61-beenabuurkii
62-ciidankiikuxigeybaniimusdaliq
63-heshiiskiixudaybiya
64-waraaqihiiscwdiray
65-duulaankiidiiqirad
66-dagaalkiikhaybar
67-duulaankiidaaturiqaac
68-ilaalooyinkiidaaturiqaackadib
69-cumradiilasooqaleeyey
70-ilaaloyinkicumratulqadaakadib
71-dagaalkiimu-ta
72-ilaaladiidaatusulaasil
73-duulaankiifatxumakka
74-dagaalkiixunayn
75-ururintiizakada
76-dhaqdhaqaqyadiidaaifkadib
77-duulaankiitabuuk
78-xajkiiabuubakar
79-sanadkiiwufuudda
80-xajjatulwiddaac
81-ciidankiiusaama
82-geeridiirasuulkascw
83-haweenkiirasuulkascw
84-sifadiirasuulka

48- Mugdigii Rajiic

Bishii Safar, isla sannadkii 4aad ee hijriga, ayaa waxaa Rasuulka SCW u yimid wafdi ka socda labadii qabiil ee la kala oran jirey Cadal iy Qaara, waxayna Rasuulka SCW u sheegeen in ay soo islaameen, ka dibna waxay codsadeen in uu ku daro rag diinta bara oo qur'aanka u akhriya. Waxaa markaa Rasuulku SCW ku daray 10 nin oo asxaabtiisa ka mid ahaa, wuxuuna madax uga dhigay Caasim binu Thaabit. Markii ay is raaceen oo ay sii marayaan meesha la yiraahdo Rajiic, oo uu degganaa qabiilka reer Hudeyl, ayaa waxaa maqlay qabiil Hudeyl ka mida ahaa oo la oran jirey banuu Xayaan, markaas ayey 10kii nin oo asxaabta ahaa ka daba direen 100 nin. Dabadeedna way hareereeyeen, waxa ayna ku dheheen "ballan baan idinka qaadaynaa haddii aad is dhiibtaan in aannaan cid idinka dilin", laakiin Caasim oo 10kaa madax u ahaa wuu diidey arrinkaas, wuuna dagaallamay isaga iyo raggiisii ilaa ay ka dhinteen 7 nin oo uu Caasim ku jiray. Mar labaad ayey 3dii nin oo soo hartay ku yiraahdeen "haddii aad is dhiibtaan waxa aannu idiin ballanqaadaynaa in aannaan hal nin idinka dilin". Markii ay 3dii nin is-soo dhiibeen ayey ula soo baxeen xargo ay rabeen in ay ku xiraan, markaas ayaa nin 3dii ka mid ihi yiri "tani waa ballan jebintii ugu horreysey", wuuna dagaallamay ilaa ay ka dileen. Labdii nin oo soo hartay, oo kala ahaa Khubeyb iyo Seyb binu Dathina, ayey qafaasheen, waxa ayna u geeyeen oo ka iibsadeen reer Makka.

Labadan nin waxay ka mid ahaayeen asxaabtii dagaalkii Badar ka qayb gashay oo wax ka laayey madaxdii qureysh. Seyb binu Dathina waxaa gatay Safwaan binu Umaya oo uu aabihiis diley, Khubeybna wax xireen ka dibna waxay ay ku xikumeen dil. Waxay khubeyb ka soo bixiyeen xaramka iyaga oo u wada meesha la yiraahdo Tanciim oo ay rabeen in ay ku dilaan. Wuxuuna ku yiri "i daaya aan labo rakcadood tukadee", way u oggolaadeen, markii uu labadii rakco tudadayna wuxuu yiri "Ilaah baan ku dhaartaye haddii aydaan dhahayn wuu argagaxay waan badsan lahaa (salaadda)", sidaa darteed Khubeyb waa ninkii ugu horreeyey ee jideeyey in uu qofku labo rakcadood tukado marka la dilayo. Ka dibna Allaah ayuu baryey oo wuxuu yiri "Allahayow tiradooda koob una laa si kala taksan, axadna ha ka reebin". Abuu Sufyaan ayaa markaa ku yiri "Ma ku farax gelineysaa in uu Maxammed nala joogo oo aan qoorta u dheereyno, adiguna aad reerkaagii la joogtid?". Khubeyb wuxuu ku jawaabay "maya, Ilaah baan ku dhaartaye ima farax gelineysto in aan reerkaygii la joogo, Nabi Maxammedna SCW booskaan aan joogo uu joogo oo qodax dhibeysaa ay muddo". Ka dib waxay Khubeyb dilkiisa u saareen Cuqba binu Xaarith, oo aabihiis uu Khubeyb Badar ku dilay.

Khubeyb intii uu xirnaa waxaa la arkay isaga oo cunaya Canab aan markaa Makka oollin. Sidoo kale isaga oo xiran ayaa reerkii uu u xirnaa wiil kamid ah u keenay mindi, markaas ayaa reerkii ka naxeen arrintaas hase yeeshee Khubeyb waxba ma yeelin wiilkaas.

Qureyshtu waxay cid u dirsadeen meeshii lagu laayey 8dii nin ee kale si qaby ka mid ah jirkii Caasim, hoggaamiyihii 10ka xaabi loogu keeno maxaa yeelay Caasim wuxuu maalinkii Badar diley rag badan oo odeyaashii qureysh ka tirsanaa. Allaah, oo had iyo jeer ah gargaaraha mu'miniinta, wuxuu meydkii Caasim u soo diray oo isku hareeraysay shinni aad u tiro badan. Markii ay ku dhici kari waayeen ayey ka tageen oo dheheen galabta aan u soo laabanno hase yeeshee intii ay maqnaayeen ayaa Alle u soo diray daruur roob ah oo daad ayaa qaaday meydkiisii, meel uu geeyeyna lama oga. Markii ay gaaladii galabtii u soo laabteena waxay yimaadeen meeshii oo aan waxba oollin sidaa awgeed shayna jirkiisii kama aysan helin. Caasim intii uu noolaa wuxuu Ilaahay kula ballamay in aan mushrik taaban jirkiisa isna uusan taaban.

Cumar binu Khadhaab, oo arrintaas ka hadlaya, wuxuu yiri "Allaah addoonkiisa mu'minka ah wuu xifdiyaa markii uu dhinto sida uu markaa noolyahayba u xifdiyo".