0-HORDHAC
1-nasabkiiscw
2-abraha
3-zamzamka
4-dhalashadiiscs
5-Baxiira
6-guurkiikhadiija
7-dhisidiikacbada
8-soodiriddiiscw
9-dadkiidiintaugusohoreeyey
10-muujintiidiinta
11-dhibkiisaxaabada
12-daartiiarqam
13-hijradiikowaad
14-hijradiilabaad
15-utegiddiiabiidaalib
16-dhibkiiqurayshscw
17-islaamiddiixamza
18-islaamiddiicumar
19-ergadiiqurayshescw
20-cunqabatayntiirerhashim
21-geeridiiabiidaalib
22-geeridiikhadiija
23-dhibkiireerdaaif
24-dheelmiskii
25-muminiintanrermakaahayn
26-islaamidiireermadiina
27-baycatulcaqabadiikowaad
28-baycatulcaqabadiilabaad
29-hijradiisaxaabadeemadiina
30-hijradiirasuulkascw
31-walaalayntii
32-heshiiskiiscwyuhuudimadiina
33-dhisiddiimasjidkascw
34-heshiiskiiubayaiyoquraysh
35-fasixiddiijihaadka
36-bilaabidiidulamadajihadka
37-badarqkowaad
37b-badarqlabaad
37c-badarqsadexaad
37d-badarqafaraad
37e-badarshanaad
38-duulaankiibaniisulaym
39-shirqoolkiiscw
40-balanbixiiqaynuqaac
41-duulaankiisuwayq
42-dilkiikacabbinuashraf
43-duulaankiidiiamariyobaxraan
45-ilaaladiseydbinuxaarith
46-uxudqkoowaad
46a-uxudqlabaad
46b-uxudqsadexaad
46c-uxudqafaraad
46d-uxudqshanaad
47-dulamadiiuxudkuxigey
48-mugdigiirajiic
49-murugadiibirumacuun
50-duulaankiibanuunadiir
51-najdiiyobadartiilabaad
53-duulaankiiduumatuljundul
54-duulaankiiaxzaab
55-duulaankiirerbaniiqurayda
56-dilkiiabuuraafic
57-ilaaladiimbinumaslama
58-duulaankiibanuulixyaan
59-israacraaciiilaalooyinka
60-duulaankiibaniimusdaliq
61-beenabuurkii
62-ciidankiikuxigeybaniimusdaliq
63-heshiiskiixudaybiya
64-waraaqihiiscwdiray
65-duulaankiidiiqirad
66-dagaalkiikhaybar
67-duulaankiidaaturiqaac
68-ilaalooyinkiidaaturiqaackadib
69-cumradiilasooqaleeyey
70-ilaaloyinkicumratulqadaakadib
71-dagaalkiimu-ta
72-ilaaladiidaatusulaasil
73-duulaankiifatxumakka
74-dagaalkiixunayn
75-ururintiizakada
76-dhaqdhaqaqyadiidaaifkadib
77-duulaankiitabuuk
78-xajkiiabuubakar
79-sanadkiiwufuudda
80-xajjatulwiddaac
81-ciidankiiusaama
82-geeridiirasuulkascw
83-haweenkiirasuulkascw
84-sifadiirasuulka

36- Billaabitaankii Duullaammada (Jihaadka)

Rasuulku SCW markuu dejiyey Madiina oo muslimintii ka dhigay dad isku duuban wax kastana diyaar u ah, yahuuddii Madiina degganaydna uu heshiis la samaystay, ayuu bilaabay inuu qabaa'ilkii agagaarka magaalada Madiina deganaa uu heshiisyo la samaysto. Heshiisyadaas oo ay ka mid ahaayeen ineysan qabaa'ilkaas magan galin karin qureysh maalkeeda iyo nafteeda, muslimiintana ku soo xad gudbi karin. Wuxuu kaloo Rasulku SCW direy duullaamo iyo ilaalo is daba joog ah si qureysh cunaqabateyn loogu sameeyo oo la soo qabto safarradeeda Shaam iyo Makka u kal socda.

1. Rasuulka SCW wuxuu direy bishii Ramadaan ee sannadkii 1aad ee hijriga ciidan uu hoggaaminayo Xamsa binu Cabdimudhalib oo gaaraya 30 nin oo muhajiriin ah, wuxuuna u direy badda xeebteeda si ay u soo qabtaan safar qureysh oo Shaam ka yimid, ayna wadeen 30 nin oo Abii Jahal madax u yahay. Xamsa iyo ciidankiisii markay gaareen meeshii loo diray oo ay safarkii haleeleen ayaa waxaa kala dhex galay oo ku kala hagoogtay nin la yiraahdo Majdi ibnu Camar oo odey u ahaa qabiil meeshaas degganaa oo labada qolaba heshiis la ahaa. Sidaas ayaa Xamsa iyo Ciidankiisii ku soo laabteen iyadoo uusan wax dagaal ihi dhicin.

2. Rasuulka SCW markii uu hal sano joogey ayuu bishii Safar ee sannadkii 2aad ee hijriga wuxuu la baxay ciidan dhan 70 nin oo muhaajiriin ah. Rasuulku SCW wuxuu u baxay safar ay qureyshi leedahay oo lagu sheegay meel u dhexaysa Madiina iyo Makka. Magaalada Madiina wuxuu Rasuulku SCW madax uga sii dhigay Sacad binu Macaad. Rasuulka SCW iyo ciidankuu hoggaaminayey waxay ka dib gaareen meesha la yiraahdo Waddaan ama abwaa, hase yeeshee wax dagaal ihi ma dhicin oo la isma arag. Halkaas wuxuu Rasuulku SCW heshiis kula soo saxiixday ninka layiraahdo Camar ibnu Makhshiye oo madax u ahaa qabiilkii la oran jirey banuu Damra. Heshiiskaa waxaa qodobbadiisii ka mid ahaa: in Rasuulku SCW aammin gelin doono reer banuu Damra naftooda iyo maalkooda, loona hiilin doono haddii lagu xad gudbo iney Ilaahay diintiisa la dagaallamaan maahee. Markaa ka dib Rasuulku SCW wuxuu u soo laabtay Madiina iyadoo duullaankaasi ahaa kii ugu horreeyey ee Rasuulku SCW duulo, wuxuuna Madiina ka maqnaa 15 beri.

3. Bishaas uu soo laabtay ee Rabbiicul Awal wuxuu Rasuulku SCW diray ciidan gaaraya 60 ilaa 80 nin, wuxuuna madax uga dhigay Cubeyda ibnu Xaarith. Cubeyda iyo ciidankiisii way baxeen ilaa ay gaareen meesha la yiraahdo Thaniyatu Murra halkaas oo ay kula kulmeen ciidan badan oo qureysh ah hase yeeshee dagaal ma dhicin laakiin fallaaro ayaa la is weydaarsaday. Fallaarahaas qaar ka mid ihi waxay ku dheceen Sacad binu Abii Waqaas oo muslimiinta ka mid ahaa, waana fallaartii u horreysey oo islaamka lagu soo gano, dabadeedna ciidankaasi waa soo laabtay.

4. Isla bishaa Rabbiicul Awal Rasuulka SCW iyo ciidan uu hoggaaminayo ayaa baxay, wuxuuna Madiina madax uga sii dhigay Saa'ib binu Cismaan binu Madcuum. Rasuulka SCW iyo Ciidankiisii waxay gaareen meesha la yiraahdo Buwaadh oo u dhow Yunbuc hase yeeshee waxba lama soo kulmin. Bishii Rabbiicul Awal aakhirkeed ayey Madiina ku soo laabteen.

5. Bishii Jamaadul Uulaa ee isla sannadkaas ayaa Rasuulka SCW iyo ciidan uu hoggaaminayo ka bexeen Madiina. Ciidankaasu waxay gaarayeen 150 ilaa 200 oo nin. Sababta uu Rasuulku SCW u baxay waxay ahayd isaga oo maqlay safar ay qureysh leedahay oo Makka ka baxay una sii socda Shaam. Magaalada Madiinana wuxuu madax uga si dhigay Abaa Salama ibnu Cabdil-Asad. Rasuuulka SCW iyo ciidankiisii waxay gaareen meesha la yiraahdo Dil-cusheyra oo Yunbuc u dhow hase yeeshee la isma arag. Dabadeed Rasuulku SCW wuxuu halkaas heshiis kula soo saxiixday qabiilka la yiraahdo Mudlaj iyo xulafadooda reer banii Dumra. Ka dib wuxuu Madiina ku soo laabtay bisdhii Jamaadul Aakhir.

6. Isla markuu soo laabtayba Nabiga SCW wuxuu diray koox ciidan ah oo ka kooban 8 nin uuna madax u yahay Sacad binu Abii Waqaas. Sacad iyo kooxdiisii waxay gaareen meesha la yiraahdo Kharraar oo Xijaas ka mid ah, dabadeedna way soo laabteen iyagoo aan wax ciidan ah la soo kulmin. Isla bishii Jamaadul Aakhir ayaa Rasuulka SCW iyo ciidan uu hoggaaminayo ka bexeen Madiina, ka dib markii ay soo gaartay in safar qureysheed oo shaam u socda uu makka kasoo baxay, wuxuuna Rasuulka SCW iyo ciidankiisii u bexeen ilaa ay ka gaareen meesha la yiraahdo Safwaan oo ceelka Beder u dhoweyd, ka dibna wuu soo laabtay isagoo aan waxba helin.

7. Bishii ka dambeysey ee Rajab wuxuu Rasuulku SCW direy koox ciidan ah oo ka kooban 12 nin oo uu madax u yahay Cabdullaahi binu Jaxshi, wuxuuna u direy Makka iyo Dhaa'if dhexdooda, wuxuuna Cabdullaahi u qoray warqad, wuxuuna ku yiri "ha furin ilaa aad labo maalmood socoto". Cabdullaahi iyo kooxdiisii way bexeen dabadeedna markay labo maalmood dhex ku sii jireen ayuu furay warqaddii Rasuulka SCW, waxaana ku qornaa "haddaad warqaddeyda aragto soco ilaa aad ka gaartid meesha la yiraahdo Nakhla oo u dhexeysa Makka iyo Dhaa'if, halkaasna u gal saffarrada qureysheed ee ka imaanaya Dhaa'if, wararkoodana noo soo gudbi". Cabdullaahi markuu hadalladaa akhriyey ayuu yiri "waan maqlay waana adeecay", kooxdii la socoteyna wuxuu ku yiri "Rasuulku SCW wuxuu i amray inaan socdo ilaa aan ka gaaro Nakhla oo aan qureysh safarradeeda u galo, wararkanan uga keeno, wuxuuna Rasuulku SCW iga reebay inaan khasbo qof idinka mid ah ee qofkii shahaado doonayaa ha isoo raaco, qofkii nacayana ha iska laabto, anigu waxaan ku soconayaa amarka Rasuulka SCW".

Ragii dhamantood wey ku wada raalli noqdeen waxayna diyaar u noqdeen shahaado ay awalba jeclaayeen. Waxay laba iyo tobankoodu wateen lix rati oo lababa rati saarnayd, markii meel dhexe la maray oo ayaa la degay, markaas ayaa waxaa lumay ratigii ay saarnaayeen Sacad binu abii Waqaas iyo Cutba binu Qaswaan. Ratigi ayey baadi dooneen hase yeeshee markii muddo la sugayey labadoodii oo la waayey ayaa tobankii kale baxday oo waxaa meeshii soo maray safar ay qureyshi leedahay oo ay wadeen afar nin oo qureysh ah oo uu madax u ahaa Camar binu Xadrami. Waqtigaasna waxa uu ahaa maalinkii ugu dambeysey bisha Rajab oo ka mid ah bilaha xurmada leh oo aan la dagaallamin. Cabdullaahi iyo sagaalkii nin ee la socday arrintii ayey ka wada hadleen oo waxay dheheen "haddaan la dagaallanno maanta Bilihii xurmada lahaa ayaan dagallanay, haddaan ilaa caawa oo bisha kale dhalanayso deynana xaramka ayey naga gelaayaan". Waxay ka wada hadlaanba ugu dambaynti waxay go'aan ku gaareen iney safarka iyo raggaba qabtaan. Dabadeedna weerar ayey ku qaadeen waxayna dileen ninkii madaxda u ahaa Camar ibnu Xadrami, nin la oran jirey Nawfal binu Cabdullaahina waa fakaday, labadii kale oo la kala oran jirey Xakam ibnu keysaa iyo Cusmaan ibnu Cabdullaahi way qabteen, dabadeedna waxay ku laabteen Madiina iyagoo soo qafaashay labadaa nin iyo safarkii. Rasuulku SCW wuxu ku yiri "maxaad u dagaalanteen dagaal idinma amrine'.

Nimankii iyo safarkiiba Rasuulku SCW wuu u kadiyey. Qureysh iyo reer makkana waxay dheheen "Maxammed iyo asxaabtiisii waxay xalaashadeen bilihii xurmada lahaa, dhiig bay daadiyeen, maalna way qaateen, dadna way qafaasheen". Allaah ayaa markaas soo dejiyey aayaddaan:

((KU DILA MEESHAAD KA HESHAANBA, KANA SAARA MEESHAY IDINKA SAAREEN (MAKKA) FIDNADA (OO GAALNIM AH) AYAANA KA DARAN DILKA, HANA KULA DAGAALAMINA MASAAJIDKA XURMADA LEH AKTIISA ILAA AY IDINKULA DAGAALAMAAN DHEXDIISA, HADDAY IDIN KULA DAGAALAMAAN LAAYA SIDAAS WEEYE ABAALKA GAALADUYE, HADDAY REEBTOOMAAN (OO GAALNIMADA IYO FIDNADA JOOJIYAAN) ALLE WAA DHAAFID BADANE NAXARIIS BADAN, LA DAGAALAMA (OO LA JIHAADA GAALO IDILKEED) ILAA GAALNIMO LA WAAYO, OO DIINTU U AHAATO ALLE, HADDAY REEBTOOMAAN LA LAMA COLAYTAMO CID AAN DAALIMIIN AHAY)), (Suuratul-Baqara 191-193).

Qureysh waxay u soo cid dirsatay labadoodii nin, Rasuulkuna SCW wuxuu yiri "idiin sii deyn maayo ilaa ay ka yimaaddaan labadaydii nin oo ratigu ka lumay oo ahaa Sacad binu abii Waqaas iyo Cutba binu Qawsaan". Markii ay yimaaddeen labadaa nin Rasuulku SCW wuu u sii daayey labadoodii nin. Labadii nin ee la sii daayey, Xakam wuu islaamay, Cusmaanse gaalnimo ayuu ku dhintay.