0-HORDHAC
1-nasabkiiscw
2-abraha
3-zamzamka
4-dhalashadiiscs
5-Baxiira
6-guurkiikhadiija
7-dhisidiikacbada
8-soodiriddiiscw
9-dadkiidiintaugusohoreeyey
10-muujintiidiinta
11-dhibkiisaxaabada
12-daartiiarqam
13-hijradiikowaad
14-hijradiilabaad
15-utegiddiiabiidaalib
16-dhibkiiqurayshscw
17-islaamiddiixamza
18-islaamiddiicumar
19-ergadiiqurayshescw
20-cunqabatayntiirerhashim
21-geeridiiabiidaalib
22-geeridiikhadiija
23-dhibkiireerdaaif
24-dheelmiskii
25-muminiintanrermakaahayn
26-islaamidiireermadiina
27-baycatulcaqabadiikowaad
28-baycatulcaqabadiilabaad
29-hijradiisaxaabadeemadiina
30-hijradiirasuulkascw
31-walaalayntii
32-heshiiskiiscwyuhuudimadiina
33-dhisiddiimasjidkascw
34-heshiiskiiubayaiyoquraysh
35-fasixiddiijihaadka
36-bilaabidiidulamadajihadka
37-badarqkowaad
37b-badarqlabaad
37c-badarqsadexaad
37d-badarqafaraad
37e-badarshanaad
38-duulaankiibaniisulaym
39-shirqoolkiiscw
40-balanbixiiqaynuqaac
41-duulaankiisuwayq
42-dilkiikacabbinuashraf
43-duulaankiidiiamariyobaxraan
45-ilaaladiseydbinuxaarith
46-uxudqkoowaad
46a-uxudqlabaad
46b-uxudqsadexaad
46c-uxudqafaraad
46d-uxudqshanaad
47-dulamadiiuxudkuxigey
48-mugdigiirajiic
49-murugadiibirumacuun
50-duulaankiibanuunadiir
51-najdiiyobadartiilabaad
53-duulaankiiduumatuljundul
54-duulaankiiaxzaab
55-duulaankiirerbaniiqurayda
56-dilkiiabuuraafic
57-ilaaladiimbinumaslama
58-duulaankiibanuulixyaan
59-israacraaciiilaalooyinka
60-duulaankiibaniimusdaliq
61-beenabuurkii
62-ciidankiikuxigeybaniimusdaliq
63-heshiiskiixudaybiya
64-waraaqihiiscwdiray
65-duulaankiidiiqirad
66-dagaalkiikhaybar
67-duulaankiidaaturiqaac
68-ilaalooyinkiidaaturiqaackadib
69-cumradiilasooqaleeyey
70-ilaaloyinkicumratulqadaakadib
71-dagaalkiimu-ta
72-ilaaladiidaatusulaasil
73-duulaankiifatxumakka
74-dagaalkiixunayn
75-ururintiizakada
76-dhaqdhaqaqyadiidaaifkadib
77-duulaankiitabuuk
78-xajkiiabuubakar
79-sanadkiiwufuudda
80-xajjatulwiddaac
81-ciidankiiusaama
82-geeridiirasuulkascw
83-haweenkiirasuulkascw
84-sifadiirasuulka

62- Diritaankii ciidammeed ee ku xigey banii Musdaliq

1. Wuxuu Rasuulku SCW direy bishii Shacbaan, sannadkii 6aad ee hijriga ciidan uu hoggaaminayey Cabdiraxman binu Cawf, wuxuuna u direy qabiilka la yiraahdo banii Kilaab, wuxuu Rasuulku SCW u dardaarmay Cabdiraxman arrimo ku saabsan dagaalka, wuxuuna ku yiri "haddii ay ku adeecaan (islaamaan) guurso gabadha uu dhalay ninkooda madaxda ah". Cabdiraxman iyo ciidankiisii waxay ka ambabaxeen Madiina, markii ay gaareen meeshiii ay qabiilkaasi degganaayeen way degeen, waxayna islaamka ugu yeerayeen saddex maalmood, markaas ayey islaameen. Ka dib Cabdiraxman wuxuu guursaday gabadh uu dhalay ninkii odeyga u ahaa oo la oran jirey Tamaadar bintu Asfaq.

2. Sidoo kale wuxuu Rasuulku SCW direy isla bishii Shacbaan ee sannadkii 6aad ee hijriga ciidan uu hoggooaaminayo Cali binu Abii-dhaalib, wuxuuna u direy qabiilkii la oran jirey banii Sacad banii Bakar oo ciidammo ururinayey yahuuddii Khaybar degganayd. Wuxuuna dhammaa ciddankaas 200 oo nin, waxayna socon jireen habeenkii maalinkiina way degi jireen. Markii ay dhex marayaan ayey qabteen nin qabiilku ay Khaybar iyo yahuud u dirsadeen, markii ninkii la wareystayna wuxuu u sheegay in Khaybar loo diray si uu yahuudda Khaybar ugu bandhigo in ciidan loo soo diro iyaguna ay timirta Khaybar wax ka bixiyaan. Ninkii ayey markaas kaxeysteen si uu u tusiyo meesha ay cadowgu ku shirayeen. Qabiilkii reer banii Sacad markii ay ciidankii muslimiinta maqleen way kala yaaceen. Ciidankii muslimiintu waxa ay meeshii ka soo kaxeysteen 500 oo geel ah iyo 2,000 oo ari ah, dabadeedna waxa ay ku soo laabteen Madiina.

3. Waxaa iyana sidoo kale dhacay bishii Shawaal isla sannadkii 6aad ee hijriga in kooox rag ah oo u dhashay qabiilooyinka la kala yiraahdo Cukal iyo Cureyna ay soo islaameen oo Madiina yimaadeen. Maalmo markii ay Madiina joogeen ayey jirradeen, markaas ayuu Rusuulku SCW wuxuu u direy geel sadaqo ahaa oo magaalada duleedkeeda loogu hayey, wuxuuna amray in ay isku darsadaan caanaha iyo kaadida geela oo ay cabbaan. Markii ay sidii yeeleen oo caafimaadeen ayey ninkii geela ilaalinayey dileen, geeliina dheceen. Warkii ayaa Rasuulka SCW soo gaaray, markaas ayaa Rasuulku SCW ka daba direy ciidan ka kooban 20 nin oo uu madax u ahaa Kuras binu Jaabir. Kuras iyo ciidankiisii way ka daba tageen, muddo dabadeedna iyaga oo wada ayey keenee. Wuxuu markaa Rasuulku SCW amray in nimankaas lugaha iyo gacmaha la jaro, indhahana maddane dabeysan looga soo saaro. Dabadeedna waxaa lagu tuuray kulaaleyda Madiina iyaga oo ku dhawaaqaya "biyo" ilaa ay ka naf baxeen, taas oo ahayd abaal marintoodii maxaa yeelay way riddoobeen, ninkii muslimka ahaa ee Rasuulka SCW geela u hayeyna way dileen, geeliina way dheceen. Waxay isku darsadeen gaalnimo, dil iyo tuuganimo. Allaahna waxa uu qur'aankiisa ku yiri isaga oo tilmaamaya arrinkooda iyo kuwa la midka ah sida qaadhicu dariiqiinta wadada istaaga oo dadka dila xoolahana dhaca sidan:

((ABAAL MARINTA KUWA LA DAGAALAMA ALLE IYO RASUULKIISA OO DHULKA FASAAD KULA SOCDA WAA IN LA DILO AMA LA SALBIYO AMA GACMAHA IYO LUGAHA IS DHAAF LOO GOOYO AMA DHULKA LAGA MUSAAFIRIYO, TAASINA WAXAA WEEYE IN AY LEEYIHIIN ADDUUNKA DULLE, AAKHIRANA CADAAB WAYN)), (Suuurtul-Maa'ida 33).