0-HORDHAC
1-nasabkiiscw
2-abraha
3-zamzamka
4-dhalashadiiscs
5-Baxiira
6-guurkiikhadiija
7-dhisidiikacbada
8-soodiriddiiscw
9-dadkiidiintaugusohoreeyey
10-muujintiidiinta
11-dhibkiisaxaabada
12-daartiiarqam
13-hijradiikowaad
14-hijradiilabaad
15-utegiddiiabiidaalib
16-dhibkiiqurayshscw
17-islaamiddiixamza
18-islaamiddiicumar
19-ergadiiqurayshescw
20-cunqabatayntiirerhashim
21-geeridiiabiidaalib
22-geeridiikhadiija
23-dhibkiireerdaaif
24-dheelmiskii
25-muminiintanrermakaahayn
26-islaamidiireermadiina
27-baycatulcaqabadiikowaad
28-baycatulcaqabadiilabaad
29-hijradiisaxaabadeemadiina
30-hijradiirasuulkascw
31-walaalayntii
32-heshiiskiiscwyuhuudimadiina
33-dhisiddiimasjidkascw
34-heshiiskiiubayaiyoquraysh
35-fasixiddiijihaadka
36-bilaabidiidulamadajihadka
37-badarqkowaad
37b-badarqlabaad
37c-badarqsadexaad
37d-badarqafaraad
37e-badarshanaad
38-duulaankiibaniisulaym
39-shirqoolkiiscw
40-balanbixiiqaynuqaac
41-duulaankiisuwayq
42-dilkiikacabbinuashraf
43-duulaankiidiiamariyobaxraan
45-ilaaladiseydbinuxaarith
46-uxudqkoowaad
46a-uxudqlabaad
46b-uxudqsadexaad
46c-uxudqafaraad
46d-uxudqshanaad
47-dulamadiiuxudkuxigey
48-mugdigiirajiic
49-murugadiibirumacuun
50-duulaankiibanuunadiir
51-najdiiyobadartiilabaad
53-duulaankiiduumatuljundul
54-duulaankiiaxzaab
55-duulaankiirerbaniiqurayda
56-dilkiiabuuraafic
57-ilaaladiimbinumaslama
58-duulaankiibanuulixyaan
59-israacraaciiilaalooyinka
60-duulaankiibaniimusdaliq
61-beenabuurkii
62-ciidankiikuxigeybaniimusdaliq
63-heshiiskiixudaybiya
64-waraaqihiiscwdiray
65-duulaankiidiiqirad
66-dagaalkiikhaybar
67-duulaankiidaaturiqaac
68-ilaalooyinkiidaaturiqaackadib
69-cumradiilasooqaleeyey
70-ilaaloyinkicumratulqadaakadib
71-dagaalkiimu-ta
72-ilaaladiidaatusulaasil
73-duulaankiifatxumakka
74-dagaalkiixunayn
75-ururintiizakada
76-dhaqdhaqaqyadiidaaifkadib
77-duulaankiitabuuk
78-xajkiiabuubakar
79-sanadkiiwufuudda
80-xajjatulwiddaac
81-ciidankiiusaama
82-geeridiirasuulkascw
83-haweenkiirasuulkascw
84-sifadiirasuulka

35- Oggolaanshihii Jihaadka

Markii muslimiinta 13 sano la soo dhibayey, nooc walba oo dhib ahna lagu sameeyey, iyagana aan Ilaahay weli u idmin iney dagaallamaan oo raddi ficil (gacan celin) sameeyaan, intaasna lagu boorrinayey iney ku sabraan dhibka iyo wax walba oo gaalada ka soo gaara, ayaa markii ay Madiina yimaaddeen, oo dad iyo degaanba ay heleen, waxaa loo idmay jihaadkii waxaana soo degey aayadahan:

((WAXA LOO IDMAY KUWII LALA DAGAALLAMAYEY (INAY DAGAALLAMAAN) MAXAA YEELAY WAA LA DULMIYEY, ALLENA GAR GAARKOODA WAA KARAA, WAA KUWII GURYAHOODA LOOGA BIXIYEY XAQ DARRO IYO IN AY YIRAAHDEEN RABBIGAAYO WAA ALLE, HADDAYSAN JIRINNA IN ALLE DADKA QAARKIIS QAARKA KALE KU DIFAACO WAXAA LA DUMIN LAHAA SAWAAMICDA (MEELAHA YAHUUDU KU TUKATO), BIYACA (KANIISADDA), MEELAHA LAGU TUKADO, IYO MASAAJIDDA DHEXDEEDA LAGU XUSO MAGACA ALLE WAX BADAN, ALLE WAA U GAR GAARAYAA CIDDII U GAR GAARTA (DIINTIISA), ALLENA WAXA UU AHAADAY (ALLE) QOWI AH OO CASIIS AH)), (Suuratul-Xaj 39-40).

Aayadahaas wixii ka dambeeyey waxaa si is daba joog ah u bilaabmay isuna raacraacay aayadihii ka hadlayey jihaadka, oo muslimiinta amrayey kuna boorrinayey iney u dagaallamaan jidka Allaah iyo iney kalimadda Allaah noqoto midda koreysa oo caalamka ka talisa. Waxaana uu Ilaahay u ballan qaaday dadka mujaahidiinta ah iney leeyihiin labada wanaagsan midkood: Shahiidnimo ama Guul. Sidaa kale wuxuu Allaah sheegay in dadka ku dhinta jihaadka aysan dhiman balse ay Ilaahay agtiisa ku nool yihiin.

Jihaadka qur'aanka iyo sunnaduba aad ayey uga hadleen uguna boorriyeen muslimiinta, aayadaha iyo axaadiista ku soo arooreyna aad ayey u badan yihiin. Jihaaddku waa waajib marna wuxuu noqdaa fardul ceyn marna fardul kifaaya. Wuxuu fardul ceyn noqdaa oo qof walba oo muslim ah ku waajib noqdaa markii beled islaam ah lagu soo duulo ama ciddii uu imaamka muslimiintu amro in ay jihaad u baxdo. Fardul kifaayana wuxuu noqonayaa markii muslimiintu iska deggan yihiin oo iyagu duullaanka qaadayaan, haddiise wax u quma la waayo dhammaantood waajibkii waa saaran yahay waana dambiilayaal oo ciqaab bay ku muteysanayaan.

Sidoo kale nusuusta islaamku waxay noo sheetay in cisiga islaamku uu ku jiro jihaadka, markii laga tagana uu Ilaahay dulli badayo muslimiinta. Wuxuu Rasuulku SCW yiri isagoo arrintaa ka hadlaya: "qofkii dhinta isagoo aan duullaan gelin (jihaad) ama aan naftiisa ugu sheekayn jihaadka wuxuu dhintay dhimasho jaahili.

Allaahna sidoo kale isagoo mu'miniinta ku boorrinaya jihaadka wuxuu yiri:

((ALLAAH WUXUU DADKA MU'MINIINTA AH NAFTOODA IYO MAALKOODA UGA IIBSADAY INAY JANNO U AHOOTO, WAXAY KU DAGAALLAMAAYN JIDKA ALLAAH, WAY LAYNAYAAN WAANA LA LAYNAYAA, WAANA YABOOH XAQ AH OO KU SUGAN TOWREET, INJIIL IYO QUR'AANKA, YAA KA OOFIN BADAN ALLE BALLANKIISA, KU BISHAARAYSTA (MUJAAHIDIINTOW) BAYCIINII AAD ALLE LA GASHEEN, ARRINKAASINA WAXAA WEEYE LIIBAAN WAYN)), (Suuratul-Tawbah 111)

Haddana wuxuu Ilaahay qur'aankiisa ku yiri:

((KUWA MU'MINIITA AHOW MA IDIN TUSIYAA TIJAARO IDINKA KORINEYSA CADAAB DAR; WAXAAD RUMEYNEYSAAN ALLAAH IYO RASUULKIISA, WAXAADNA KU JIHAADAYSAAN JIDKA ALLAAH NAFTINNA IYO MAALKIINNABA, TAAS AYAANA IDIIN KHEYR BADAN HADDII AAD WAX GARANAYSAAN)), (Suuratu-Saff 10-11).

Rasuulka SCW wuxuu jihaadka uga hadlay axaadiis tiro badan kala duwan wuxuuna yiri: "Carraabo jidka Allaah (loo carraabo) waxay ka khayr badan tahay adduunka iyo waxa ku jira". Sidoo kale wuxuu Rasuulka SCW yiri "waxaa la ila soo saaray saacadda (qiyaamaha) horteeda seef ilaa Allaah keliya laga caabudo, resqigeygana waxaa la yeelay warankeyga harkiisa hoostiisa, dulli iyo xaqiraadna waxaa la dul yeelay qofkii amarkayga khilaafa, qofkii dad isu ekeysiiyana (ku deyda) iyaguu ka mid yahay". Sidoo kale xaddiis, uu Imaam Axmed weriyey qaybtiisa ugu dambaysa wuxuu Rasuulku SCW ku yiri "markaad jihaadka ka tagtaan Alle wuxuu idinku ridayaa dulli, idinkana qaadi maayo ilaa aad diintiinna u noqotaan".

Aayadaha iyo axaadiista ku soo arooray baabkan jihaadka way tiro badan yihiin sidaan soo sheegnayba, jihaadkuna waa waajib ka mid ah qaybaha islaamka ugu waaweyn, Rasuulku SCW uu ku tilmaamay inuu yahay islaamka baarkiisa, qofkii inkiraana waa gaal murtad ah oo dhiiggiisu bannaan yahay. Waayahan dambena waxaa soo baxay kuwo murtadiin ah oo ka shakisan islaamka qaatayna fikradihii gaalada oo dhahaya "muxuu islaamku jihaadka u waajib yeelay?". Kuwa noocaas u fekeraaya ma mudna in loo jawaabo maxaa yeelay waa sufaho aan caqli lahayn oo murtadiin ah, waxayse mudan yihiin in iyaga la weydiiyo, "haddaysan muslimiintu jihaadin ma la nabad gelinayaa? adduunkase dad badan oo aan muslimiin ahayn baa ku noole ma dagaallamaan miyaa?". Su'alahaas jawaabtooda qofkii wax garad ihi waa garanayaa, jihaadkana waxaa nagu waajibiyey Allaah SW oo naga og waxa ay maslaxadda iyo wanaaggu noogu jiraan.

Jihaadka waajibnimadiisa waxaa ku jira xikmado iyo faa'iidooyin aad u tiro badan oo aanan wada koobi karin, islaamkuna wuxuu meel walba ku gaaray wuxuu ahaa jihaad. Jihaadku wuxuu muslimiinta ka saaray dulligii iyo dulmigii ay ku jireen saddex iyo toban sano ee Makka oo aan jihaadka la waajib yeelin, kuwaas oo ahaa in marar badan la isku dayey in Nabiga SCW la dilo, muslimiintana la dabar gooyo. Jihaadku wuxuu sababay in islaamku dunida ku faafo, adduunkuna wuxuu xasillooni iyo nabadgelyo ku noolaa markii ay muslimiintu hoggaaminayeen. Laakiin markii ay muslimiintii ka tageen jihaadkii, Allaah dulli ayuu baday ka dibna waa la qabsaday oo la gumeystay lana kala qayb qaybiyey. Adduunkiina wuxuu ilaa maanta ka bixi la'yahay xad gudub iyo dulmi lagu hayo dadka muslimiint ah, meel walbana lagu gawracayo, dhiiggooduna noqday wax aad raqiis u ah oo aan labo is weydiin, qofka gaalka ihina wuxuu noqday mid aad qaali u ah oo ummad dhan loo rogo.

Haddaba xaqiiqadu waxay tahay cisiga islaamku wuxuu ku jiraa Aljihaad Fii Sabiilillaah. Waaggii ay muslimiintu jihaadi jireen qof muslim ah gaal kuma xadgdubin jirin. Gabar marada laga xayday ayaa ciidamo dhan loo diri jirey. Sideedaba haddii uusan bani aadamku Ilaahay ka cabsanayn ama bini aadam kale ka baqayn dhulka wuu fasahaadiyaa. Allaahna isagoo arrintaa tilmaamaya wuxuu yiri:

((HADDAAN ALLAAH DADKA QAARKIIS QAARKA KALE KU REEBI LAHAYN DHULKU WAA FASAHAADI LAHAA, LAAKIIN ALLE WA FADLI U SAAXIIB (UGU DEEQAY)), (Suuratul-Baqara 251).

Jihaadku waqti walba waa uu soconayaa, wuxuuna ku egyahay ilaa qiyaamuhu ka dhaco. Rasuulkuna SCW isagoo tilmaamaya waqtiga uu jihaadku ku eg yahay waxaa uu yiri: "Jihaadku wuu soconayaa ilaa yawmul-qiyaame". Sidoo kale Alle SW isagoo tilmaamaya waxa uu qur'aankiisa ku yiri:

((LA DAGAALLAMA IYAGA (GAALADA) ILAA (ADDUUNKA) GAALNIMO LAGA WAAYO OO DIINTA DHAMMAANTEED ALLE U AHAATO, HADDAY REEBTOOMAAN (OO GAALNIMO IYO XUMAAN JOOJIYAAN) ALLE WUU ARKAA WAXAY CAMAL SAMAYNAYAAN)), (Suuratul-Anfaal 39).

Ugu dambayntii muslimiintu baabkan jihaadka ah waa ineysan fududeysan oo aysan hilmaamin, hurdadana ka kacaan, Ilaahay diintiisana u dhintaan, diyaargarow iyo isticdaadna sameeyaan, naf jeclaysigana iska daayaan kolley naftu markii loo qoray uun ban baxaysaa kana hor mari mayso kana dib dhici mayso.