0-HORDHAC
1-nasabkiiscw
2-abraha
3-zamzamka
4-dhalashadiiscs
5-Baxiira
6-guurkiikhadiija
7-dhisidiikacbada
8-soodiriddiiscw
9-dadkiidiintaugusohoreeyey
10-muujintiidiinta
11-dhibkiisaxaabada
12-daartiiarqam
13-hijradiikowaad
14-hijradiilabaad
15-utegiddiiabiidaalib
16-dhibkiiqurayshscw
17-islaamiddiixamza
18-islaamiddiicumar
19-ergadiiqurayshescw
20-cunqabatayntiirerhashim
21-geeridiiabiidaalib
22-geeridiikhadiija
23-dhibkiireerdaaif
24-dheelmiskii
25-muminiintanrermakaahayn
26-islaamidiireermadiina
27-baycatulcaqabadiikowaad
28-baycatulcaqabadiilabaad
29-hijradiisaxaabadeemadiina
30-hijradiirasuulkascw
31-walaalayntii
32-heshiiskiiscwyuhuudimadiina
33-dhisiddiimasjidkascw
34-heshiiskiiubayaiyoquraysh
35-fasixiddiijihaadka
36-bilaabidiidulamadajihadka
37-badarqkowaad
37b-badarqlabaad
37c-badarqsadexaad
37d-badarqafaraad
37e-badarshanaad
38-duulaankiibaniisulaym
39-shirqoolkiiscw
40-balanbixiiqaynuqaac
41-duulaankiisuwayq
42-dilkiikacabbinuashraf
43-duulaankiidiiamariyobaxraan
45-ilaaladiseydbinuxaarith
46-uxudqkoowaad
46a-uxudqlabaad
46b-uxudqsadexaad
46c-uxudqafaraad
46d-uxudqshanaad
47-dulamadiiuxudkuxigey
48-mugdigiirajiic
49-murugadiibirumacuun
50-duulaankiibanuunadiir
51-najdiiyobadartiilabaad
53-duulaankiiduumatuljundul
54-duulaankiiaxzaab
55-duulaankiirerbaniiqurayda
56-dilkiiabuuraafic
57-ilaaladiimbinumaslama
58-duulaankiibanuulixyaan
59-israacraaciiilaalooyinka
60-duulaankiibaniimusdaliq
61-beenabuurkii
62-ciidankiikuxigeybaniimusdaliq
63-heshiiskiixudaybiya
64-waraaqihiiscwdiray
65-duulaankiidiiqirad
66-dagaalkiikhaybar
67-duulaankiidaaturiqaac
68-ilaalooyinkiidaaturiqaackadib
69-cumradiilasooqaleeyey
70-ilaaloyinkicumratulqadaakadib
71-dagaalkiimu-ta
72-ilaaladiidaatusulaasil
73-duulaankiifatxumakka
74-dagaalkiixunayn
75-ururintiizakada
76-dhaqdhaqaqyadiidaaifkadib
77-duulaankiitabuuk
78-xajkiiabuubakar
79-sanadkiiwufuudda
80-xajjatulwiddaac
81-ciidankiiusaama
82-geeridiirasuulkascw
83-haweenkiirasuulkascw
84-sifadiirasuulka

22- Geeridii Khadiija rc

Sidaan ogsoon nahay Khadiija waxay ahayd xaaskii Rasuulka SCW ee ugu horreysey haweenkiisa, carruurtiisa oo dhanna u dhashay Ibraahim maahane, Rasuulka SCW aad ayuu u jeclaa, aad beyna u garab istaagtay Rasuulka SCW mar kasta oo u murugoodana way ka baabi'in jirtey nafteedii, maalkeedii iyo waqtigeediina waxay u hurtay diinta islaama waxayna ahayd qofkii labaad ee ay gaaladu ku qaddarin ugana baqi jireen Rasuulka SCW. Waxay Khadiijo dhimatay waqtigii uu Abii-dhaalib dhintay wax yar kadib.

Khadiijo waxay lahayd fadli aad u tira badan oo aan la soo koobi karin haddiise aan wax ka mid ah soo qaadanno. Maalin ayaa malaku Jibriil u yimid Rasuulka SCW markaasuu ku yiri "Rasuulkii Allow tani waa Khadiijo oo wadda weel uu ku jiro cunto ama cabbitaan ama iidaan, hadday kuu timaaddo gaarsii salaan xagga Alle ka timid uguna bishaaree guri Jannada ku yaalla oo ka samaysan Lu'Lu' oo aan dhib iyo daal lahayn".

Ugu dambayntii Khadiijo wuxu Ilaahay oofsaday sannadkii 10aad ee soo diritaankii Rasuulka SCW iyadoo jirta 65 sano, Nabiguna wuxuu jirey 50 sano, waxayna wada joogeen 25 sano. Sannadkaas ay iyada iyo Abii-dhaalib dhinteenna waxaa la yiraahdaa Sannadkii Murugta, waxaana Rasuulka SCW soo foodsaartay dhib aad u weyn maxaa yeelay waa labadii qof oo ay gaaladu Rasuulka SCW ugaga hakan jireen.

Hase yeeshee Rasuulku SCW iyo asxaabtiisu uma jixinjixin dhib kasta oo ku timaaddda, Allahna qur'aank ayuu intaa ku soo dejinayey uu ku boorrinayey iney ku sabraan dhibka ogaadaanna iney ciribta dambe iyagu iska leeyihiin. Rasuulka SCW wuxuu sannadkaas 10aad markay Khadiijo dhimatay Sawda bintu Samca oo ka mid ahayd muslimiintii hijradii labaad ee dhulka Xabashida aaday ninkeediina halkaas ku dhintay.