0-HORDHAC
1-nasabkiiscw
2-abraha
3-zamzamka
4-dhalashadiiscs
5-Baxiira
6-guurkiikhadiija
7-dhisidiikacbada
8-soodiriddiiscw
9-dadkiidiintaugusohoreeyey
10-muujintiidiinta
11-dhibkiisaxaabada
12-daartiiarqam
13-hijradiikowaad
14-hijradiilabaad
15-utegiddiiabiidaalib
16-dhibkiiqurayshscw
17-islaamiddiixamza
18-islaamiddiicumar
19-ergadiiqurayshescw
20-cunqabatayntiirerhashim
21-geeridiiabiidaalib
22-geeridiikhadiija
23-dhibkiireerdaaif
24-dheelmiskii
25-muminiintanrermakaahayn
26-islaamidiireermadiina
27-baycatulcaqabadiikowaad
28-baycatulcaqabadiilabaad
29-hijradiisaxaabadeemadiina
30-hijradiirasuulkascw
31-walaalayntii
32-heshiiskiiscwyuhuudimadiina
33-dhisiddiimasjidkascw
34-heshiiskiiubayaiyoquraysh
35-fasixiddiijihaadka
36-bilaabidiidulamadajihadka
37-badarqkowaad
37b-badarqlabaad
37c-badarqsadexaad
37d-badarqafaraad
37e-badarshanaad
38-duulaankiibaniisulaym
39-shirqoolkiiscw
40-balanbixiiqaynuqaac
41-duulaankiisuwayq
42-dilkiikacabbinuashraf
43-duulaankiidiiamariyobaxraan
45-ilaaladiseydbinuxaarith
46-uxudqkoowaad
46a-uxudqlabaad
46b-uxudqsadexaad
46c-uxudqafaraad
46d-uxudqshanaad
47-dulamadiiuxudkuxigey
48-mugdigiirajiic
49-murugadiibirumacuun
50-duulaankiibanuunadiir
51-najdiiyobadartiilabaad
53-duulaankiiduumatuljundul
54-duulaankiiaxzaab
55-duulaankiirerbaniiqurayda
56-dilkiiabuuraafic
57-ilaaladiimbinumaslama
58-duulaankiibanuulixyaan
59-israacraaciiilaalooyinka
60-duulaankiibaniimusdaliq
61-beenabuurkii
62-ciidankiikuxigeybaniimusdaliq
63-heshiiskiixudaybiya
64-waraaqihiiscwdiray
65-duulaankiidiiqirad
66-dagaalkiikhaybar
67-duulaankiidaaturiqaac
68-ilaalooyinkiidaaturiqaackadib
69-cumradiilasooqaleeyey
70-ilaaloyinkicumratulqadaakadib
71-dagaalkiimu-ta
72-ilaaladiidaatusulaasil
73-duulaankiifatxumakka
74-dagaalkiixunayn
75-ururintiizakada
76-dhaqdhaqaqyadiidaaifkadib
77-duulaankiitabuuk
78-xajkiiabuubakar
79-sanadkiiwufuudda
80-xajjatulwiddaac
81-ciidankiiusaama
82-geeridiirasuulkascw
83-haweenkiirasuulkascw
84-sifadiirasuulka

45- Ilaaladii Seyd Binu Xaarith>

Markii la gaaray waqtigii jiilaalka ee qureysh Shaam u safri jirtey ayey qureyshtu isu diyaariyeen safar, markaas ayey ka wada tashadeen waddadii ay safarkooda marin lahaayeen, maxaa yeelay cunaqabatayn ayaa saaran oo waddo kasta oo ay isku dayaan muslimiinta ayaa ugaarsanaya. Waxaa markaa hadlay Safwaan binu Umaya, oo ay u doorteen in uu safarka kexeeyo, wuxuu yiri "ma garanayo wax aanu ku samayno Maxammed iyo asxaabtiisa, dadka xeebta degganna way la heshiiyeen oo badankoodu isaga ayey la jiraan, mana garanayno meel aan marno, haddii aan guryahayaga iska joognana waxa aan cuneynaa lafahayagii oo waxba noo hari mahayaan, noloshayada Makkana waxa ay ku dhisan tahay ganacsiga jiilaalka ee Shaam iyo kan xagaaga ee Yaman". Arrimahaas markii uu Safwaan ka warramay ayaa laga wada hadlay mawduucii, waxaana fikrad keenay Aswad binu Cabdimudhalib oo ku yiri Safwaan: "iska daa waddada xeebta, waxaadna qaaddaa waddada Ciraaq", waddadaas Ciraaqna waxa ay ahayd waddo dheer oo sii marta Najdi ilaa Shaam laga gaaro, Madiinana waxaa laga marayaa dhinaca bari ee qorrax ka soo bax oo aad uga fog Madiina, qureyshna ma aqoon waddadaas, mana marin markaas ka hor. Sidoo kale wuxuu Aswad u tilmaamay safwaan in uu kexeysto ninka la yiraahdo Furaat binu Xayaan, oo u dhashay qabiilka la yiraahdo Banii Bakar, si uu safarka waddada u mariyo.

Safwaan iyo safarkiisii waa ay bexeen isagoo wata koox rag ah, waxayna qaateen waddadiii cusbeyd, iyagoo ku baxay si qarsoodi ah. Hase yeeshee sirtoodii waa la helay, sida lagu helayna waxa ay ahayd: nin la yiraahdo Sulayd binu Nucmaan, oo muslim ahaa, iyo nin gaalada ka mid ahaa oo la oran jirey Naciim binu Mascuud Al-ashjaci, ayaa meel khamro ku wada cabbey (waana intaan khamrada laxarimin). Markii ay sakhraameen ayaa Naciim si tifafiran uga warramay khiddada safarkka iyo meesha uu mari doono, markaas ayaa Suleyd si degdeg ah khabarkii Rasuulka SCW ugu soo gudbiyey. Rasuulku SCW markii loo keenay wuxuu direy ciidan gaaraya Boqol nin oo rakuubley ah, wuxuuna madax uga dhigay Seyd binu Xaarith.

Ciidankii waxay jidka ku sii jiraan waxa ay si kedis ah ku qabteen safarkii. Raggii waday oo uu Safwaan madaxda u ahaana way carareen, muslimiina waxay soo qafaasheen safarkii iyo ninkii la oran jirey Furaat binu Xayaan, oo ahaa ninkii dhul yaqaanka ahaa oo safarka hor socday. Riwaaayadaha qaarkood waxay ku daraan in Furaat iyo laba nin oo kale la qabtay. Ka dib waxa ay ciidankii u tageen Rasuulka SCW iyagoo safarkii wata. Alaabta safarkaa saarnayd waxaa lagu qiyaasay 100,000 oo Diinaar. Rasuulku SCW markii uu ka saaray khumuskii ayuu xoolihii u qeybiyey raggii duullaankaas galay. Ninkii ahaa Furaat ee la soo qabtayna waa uu islaamay.

Nimankii qureysh ahaa waxaa u hoydey murugo iyo calool xumo, waxaana ku caddaatay talo, maxaa yeelay waddada sidaa loogu galay waa waddadii keliya ee ay naf bidayeen. Sidaa darteed waxa ay duruufu kala dooransiisey in aysan safar dambe gelin, oo ay cunaqabatayntaa ku jiraan in ay Rasuulka SCW heshiis la samaystaan iyo in ay dagaallamaan, oo iyaga iyo Nabi Maxammed SCW fooda is daraan. Waxayna doorteen midda u dambeysa oo dagaalka ah, waxay xoojiyeen tabaabulshihii ay ku jiree, waxayn qadeen olole ballaaran sidii ay Rasuulka SCW ula dagaallami lahaayeen.