0-HORDHAC
1-nasabkiiscw
2-abraha
3-zamzamka
4-dhalashadiiscs
5-Baxiira
6-guurkiikhadiija
7-dhisidiikacbada
8-soodiriddiiscw
9-dadkiidiintaugusohoreeyey
10-muujintiidiinta
11-dhibkiisaxaabada
12-daartiiarqam
13-hijradiikowaad
14-hijradiilabaad
15-utegiddiiabiidaalib
16-dhibkiiqurayshscw
17-islaamiddiixamza
18-islaamiddiicumar
19-ergadiiqurayshescw
20-cunqabatayntiirerhashim
21-geeridiiabiidaalib
22-geeridiikhadiija
23-dhibkiireerdaaif
24-dheelmiskii
25-muminiintanrermakaahayn
26-islaamidiireermadiina
27-baycatulcaqabadiikowaad
28-baycatulcaqabadiilabaad
29-hijradiisaxaabadeemadiina
30-hijradiirasuulkascw
31-walaalayntii
32-heshiiskiiscwyuhuudimadiina
33-dhisiddiimasjidkascw
34-heshiiskiiubayaiyoquraysh
35-fasixiddiijihaadka
36-bilaabidiidulamadajihadka
37-badarqkowaad
37b-badarqlabaad
37c-badarqsadexaad
37d-badarqafaraad
37e-badarshanaad
38-duulaankiibaniisulaym
39-shirqoolkiiscw
40-balanbixiiqaynuqaac
41-duulaankiisuwayq
42-dilkiikacabbinuashraf
43-duulaankiidiiamariyobaxraan
45-ilaaladiseydbinuxaarith
46-uxudqkoowaad
46a-uxudqlabaad
46b-uxudqsadexaad
46c-uxudqafaraad
46d-uxudqshanaad
47-dulamadiiuxudkuxigey
48-mugdigiirajiic
49-murugadiibirumacuun
50-duulaankiibanuunadiir
51-najdiiyobadartiilabaad
53-duulaankiiduumatuljundul
54-duulaankiiaxzaab
55-duulaankiirerbaniiqurayda
56-dilkiiabuuraafic
57-ilaaladiimbinumaslama
58-duulaankiibanuulixyaan
59-israacraaciiilaalooyinka
60-duulaankiibaniimusdaliq
61-beenabuurkii
62-ciidankiikuxigeybaniimusdaliq
63-heshiiskiixudaybiya
64-waraaqihiiscwdiray
65-duulaankiidiiqirad
66-dagaalkiikhaybar
67-duulaankiidaaturiqaac
68-ilaalooyinkiidaaturiqaackadib
69-cumradiilasooqaleeyey
70-ilaaloyinkicumratulqadaakadib
71-dagaalkiimu-ta
72-ilaaladiidaatusulaasil
73-duulaankiifatxumakka
74-dagaalkiixunayn
75-ururintiizakada
76-dhaqdhaqaqyadiidaaifkadib
77-duulaankiitabuuk
78-xajkiiabuubakar
79-sanadkiiwufuudda
80-xajjatulwiddaac
81-ciidankiiusaama
82-geeridiirasuulkascw
83-haweenkiirasuulkascw
84-sifadiirasuulka

55- Duullaankii reer banii Qurayda

Isla maalinkii Rasuulka SCW iyo asxaabtiisu ka soo laabteen Axsaab oo ay guryahoodii yimaadeen ayaa Malaku Jabriil u yimid Rasuulka SCW oo ku qubeysanaya gurigiisii Ummu Salama. Jibriil ayaa markaas ku yiri "hubkiinnii miyaad dhigteen, malaa'igtu weli hubkoodii ma dhigine?", waxaanna hadda u soo laabtay raadin aan raadinayo ee u soo baxa adiga iyo wixii kula socda reer banuu Qureyda, aniguna waan kaa sii hormarayaa oo waxaan quluubtooda ku ridayaa argagax, waxaanna gilgilayaa dhufeyskooda". Wuxuu markaa Rasuulku SCW amar ku bixiyey in si degdeg ah loogu baxo reer banii Qureyda, wuxuu yiri "qofkii Alle iyo malaalinka aakhiro rumeeyey yuusan casarka ku tukan meel aan reer banii Qureyda ahayn, calankii muslimiintana wuxuu u dhiibay Cali binuu Abii-dhaalib oo faray in uu sii hormaro, Madiinana wuxuu u xilsaaray Cabdullaahi ibnu ummi Maktuum.

Ciidankii muslimiinta oo (hal bil) dhufeys ku jirey ayna ka muuqato daal, gaajo iyo rafaad, markaasna guryahoodii yimid oo aan weli nasan, ayaa markii ay maqleen dhawaqii jihaadka iyo amarkii Rasuulka SCW hal mar yaacay, iyaga oo aan u aabba yeelin dhib kasta oo ay ku jireen, dantoodii khaaska ahaydna ka doortay dantii guud ee islaamka. Taasina waxay ku tusineysaa sida iimaanku quluubtooda u buuxiyey, har iyo habeenna ay heegan ugu ahaayeen uguna taagnaayeen diita Rabbi iyo u jihaadka kalimaddiisa in ay kor noqoto.

Asxaabtii markii ay bexeen oo ay dhex sii marayaan, iyaga oo aan weli reer banuu Qureyda gaarin ayaa salaaddii Casar u soo gashay, markaas ayaa qaarkood dheheen "aan tukano", qaarkii kalena yiri "tukan mayno ilaa aan gaarno reer banii Qureyda maxaa yeelay Rasuulku SCW wuxuu na amray in aannaan ku tukan meel ka sokeysa reer banuu Qureyda guryohooda". Markaas ayey kuwii hore dheheen "Rasuulku SCW ulama jeedin arrinka sidaas ee wuxuu ula jeeday in aan degdeg ku baxno". Sidaas ayey markaa isku khilaafeen oo qolona dhexda ugu tukatay, qoladii kalena tukadeen markii ay gaareen meeshii reer banuu Qureyda. Rasuulkuna SCW markii loo sheegay labadii qolo midna wax ma dhihin oo wuxuu u sugay in ay labaduba sax yihiin maxaa yeelay mid walbaba wuxuu fuliyey sidii uu amarkii Rasuulka SCW ka fahmay.

Culimada fuqahadu waxay ka hadlaan Labada qolo kii sii saxsanaa, qolo waxay tiri "waxaa sii saxsanaa kuwii salaadda dib dhigay maxaa yeelay amarkii Rasuulka SCW ayuu siduu u ahaa u fuliyeen ta ta'wiilkiina way iska daayeen", qoloda kalena waxay tiri "kuwii dariiqa ku tukaday ayaa sii saxsanaa maxaa yeelay salaaddii ayey wakhtigeedii ku tukadeen amarkii Rasuulka SCW ee bixitaanka ahaana way fuliyeen sidii uu Rasuulku SCW ula jeeday ayeyna u fahmeen, kuwaanaana faqiihsanaa, labadii ajarna way wada kulan sadeen". Calaa kuli xaal labada qoloba waa sax siduu Rusuulku SCW u sugay. Arrintaani waxay ka mid tahay meelaha laga qaato khilaafka furuuciga ah ee culimadu isku khilaafaan in uusan dhib lahayn haddii aan nas cad la khilaafayn, Rasuulkuna SCW wuxuu xadiis ku yiri "haddii ninka xaakimka ihi dadaalo oo uu asiibo labo ajar ayuu leeyahay, haddii uu gefana hal ajar".

Ciidankii ugu horreeyey ee gaara degaankii reer banuu Qureyda waxaa ka mid ahaa Cali Abii-dhaalib, oo waday calankii muslimiinta, Rasuulkuna SCW hore usii direy. Markii uu Cali meeshii tegey ayuu maqlay cay daran oo ay yahuuddu caayayaan Rasuulka SCW, markaas ayuu u adkeysan waayey oo meeshii ka soo noqday, wuxuuna ka hor yimid Rasuulka SCW oo la socda ciidankii dambe, markaas ayuu ku yiri "Rasuulku Allow ha tegin meeshaas way caytamayaane". Rasuulku SCW wuxuu yiri "iska daa haddii aan u tago ma caytami doonaane", markii uu u tegey oo ay arkeen ayey caydii joojiyeen oo baryootameen. Rasuulku SCW ciidankii uu watay wuxuu ahaa 3,000, waxayna wateen 30 faras. Wuxuu Rasuulku SCW hareereeyey yahuuddii, iyagiina waxay galeen dhufeysyadoodii. Muddo markii ay ku jireen oo ay rafaadeen ayaa ninkii madaxda u ahaa oo la oran jirey Kacab binu Asay wuxuu u soo jeediyey dadkiisii saddex fikradood:

Arrinta koowaad wuxuu yiri "Islaama oo gala diinta Maxammed, dhiiggiina, maalkiinna, carruurtiinna iyo dumarkiinnuba aammin bay noqonayaane, Ilaah baan ku dhaartaye way idiin caddahay in uu yahay nabi la soo direy, waana kii aad ka helayseen (ku yaalay) kitaabkiinna dhexdiisa". Waxay dheheen "Tawreet ka tegi mayn".

Wuxuu markaas yiri "haddii aad taas diiddeen laaya carruurtiinna iyo dumarkiinna, ka dibna idinka oo seefihiinna keliya wata dagaalka gala ilaa aad kan idiinku dambeeyaa uu dhinto, haddii la idinka guuleysto dumar iyo carruur aad u baqaysaan oo la idinka helayo ma jiraan, haddii aad guuleysataanna dumar iyo carruur waayi meysaan". Waxay dheheen "ma dumarkayaga iyo carruurtayada ayaan gacantayada ku dilnaa, ma jirto taasi".

Wuxuu ugu dambayntii ku yiri "haddii aad taasna diiddeen berri waa Sabti, Maxammed iyo asxaabtiisuna way is dhiganayaan oo waxay og yihiin in aannaan Sabtida dagaallamin, marka aan weerar ku qaadno", waxay dheheen "ma Sabti baannu dagaallanaa?, yeeli mayno".

Kacab binu Asad markii uu saddexdaa talo keenay oo ay ku diideen ayuu isaga oo careysan wuxuu ku yiri "nin idinka mid ihi ma baryin habeen samanka ka mid ah isaga oo go'aan leh, laga soo bilaabo markii ay hooyadiis dhashay".

Muddo markii ay yahuuddii meeshii ku jireen oo ay ku rafaadeen, kana bixi waayeen ayey Rasuulka SCW u soo fareen in uu u soo diro Abaa Lubaaba si ay ula tashadaan maxaa yeelay Abaa Lubaaba xiliif ayuu la ahaa, wuxuuna degganaa aaggooda. Rasuulka SCW wuu ka yeelay oo wuu u diray Abaa Lubaaba. Markii uu Abaa Lubaaba u tegey ayaa raggii u istaageen, dumarkii iyo carruurtiina ku soo yaaceen iyaga oo ku hor ooyaya, waxayna dheheen Abaa Lubaaba "ma aragtaa in aan isu dhiibno xukunka Maxammed?", wuxuu yiri "haah", waxay dheheen muxuu nagu samaynayaa, wuxuu gacantiisa ku ishaaray dhuuntiisa oo u sheegay in la gowracayo, markaas ayuu xasuustay in uu Alle iyo Rasuulkiisii khayaanay oo bixiyey sirtii muslimiinta. Orad ayuu markaa is xaabiyey oo Rasuulkii SCW iyo muslimiintii kuma uusan leexane wuxuu toos u tegey masaajidkii Rasuulka SCW, wuxuuna isku xirey tiir ka mid ahaa tiirarka masaajidka, wuxuuna ku dhaartay in uusan iska fureynin ilaa uu Rasuulku SCW gacantiisa uga furo, sidoo kale wuxuu ku dhaartay dhulkii reer banuu Qureyda oo dambigaasu uga dhacay in uusan dib dambe u tegin.

Markii Rasuulka SCW loo sheegay arrinkii Abaa Lubaaba wuxuu yiri "haddii uu ii imaan lahaa waan u dembi dhaaf weydiin lahaa, laakiin haddii uu isagu sidaa isku sameeyey ka furi maayo ilaa Ilaahay uu ka toobad aqbalo". Arrinkaan iyo kuwo la mid ah waxaa laga qaadanayaa sida asxaabtii Rasuulka SCW haddii uu gef ka dhaco uu dhulku ugu ciriiriyoon jirey, Rusuulka SCW wuxuu xadiis ku caddeeyey in haddii qofka mu'minka ah gef ka dhaco uu buur ku soo dhacaysa kala weyn yahay, laakiin haddii uu munaafaqa dambi ka dhaco uu diqsi hortiisa maray kala fudud yahay.

Nimankii reer banuu Qureyda wuxuu Ilaahay ku riday cabsi iyo argagax, Allaahna garabkooda ayuu ka baxay, ciddii Allaah garabkooda ka baxana wax u gargaari kara ma jiraan. Reer banuu Qureyda iyaga oo awooday in ay muddo dheer dhufeyska ku jiraan ama ay dagaallamaan oo ciidan iyo hubba heystey, ayaa Alle ku riday cabsi iyo badin waxayna isu dhiibeen xukunka Alle iyo Rasuulkiisa SCW.

Rasuulku SCW markii ay is dhiibeen wuxuu amray in raggooda la xirxiro, dumarkoda iyo carruurtoodana laga fogeeyo goobta. Raggii iyaga oo xirxiran ayaa guri lagu xareeeyey, waxaa markaa Rasuulka SCW u yimid rag asxaabta ka mid ah oo u dhashay reer Aws, oo ay reer banuu Qureyda xulufo ahaan jireen (islaamka ka hor) waxayna Rasuulka SCW ku dheheen "Rasuulkii Allow yahuuddii hore ee reer Qaynuqaac waa tii aad iska deysey markii ay walaalahaya Khasraj oo ay xulufo ahaan jireen kaala hadleen, annagana (Aws) kuwan baa xulufadayada ahaan jirey ee wanaaji", wuxuu Rasuulku SCW yiri "ma ku raalli noqoneysaan in uu xukumo nin idinka mid ah (Aws)?", waxay dheheen "waa ku raalli noqoneynaa", wuxuu yiri "waa Sacad binu Mucaad", waxay dheheen "raalli baanu ku nahay".

Wuxuu markaa Rasuulku SCW u cid diray Sacad binu Mucaad, dameer ayaa markaas la soo saaray Sacad. Markii la keenay ayaa rag reer Aws ihi dhinacyada ka galeen iyaga oo leh "Sacadow wanaaji xulufadaadii, Rasuulku SCW wuxuu kaaga xaakim yeelay in aad wanaajiso", hase yeeshee Sacad uma jawaabin laakiin markii ay hadalkii ka badiyeen ayuu ku yiri "Alle dartiis uga biqi maayo nin dagaallamaya dagaalkiis". Ka dib markii Sacad soo gaaray meeshii uu Rasuulku SCW joogey ayaa Rasuulku SCW yiri "u istaaga sayidkiinna", dabadeed markii dameerkii laga soo dejiyey ayaa lagu yiri "Sacad kuwani waxa ay sugayaan xukunkaaga", markaas ayuu yiri "xukunkeygu ma ku fulayaa?", waxa la yiri "haa", wuxuu yiri "muslimiintuna ma fulinayaan?", waxay dheheen "haa", markaas ayuu haddana tilmaamay Rasuulka SCW in uu fulinayo, Rasuulkuna SCW "haa" ayuu yiri. Sacad ayaa markaa xukumay, wuxuuna ku xukumay in raggooda la laayo, maatadooda iyo maalkoodana lala wareego. Markaas ayaa Rasuulku SCW ku yiri "Waxaad ku xukuntay xukunkii uu Alle ku xukumay".

Sacad binu Mucaad wuxuu acdaa'daa Alle ku xukumay xukunkaas aadka u wanaagsan oo caddaaladda badan, kaas oo waafaqay kii Alle, waxaana acdaa'daa la mariyey abaalkoodii maxaa yeelay waxa ay xiqdi iyo xaasidnimo darteed u beeniyeen Rasuulkii Alle SCW iyaga oo og, kitaabkoodana loogu sheegay, waxayna la dhinactameen Alle iyo Rasuulkiisa SCW, waxayna ka bexeen ballantii Alle iyo Rasuulkiisa SCW ay la galeen weliba markii ugu xumeyd iyaga oo caddeystay dagaal oo rabay in Ilaahay nuurkiisa ay damiyaan. Waxay intaas islaamka iyo muslimiinta u maleegayeen makri, waxayna muslimiinta u diyaarsadeen hub gaaray 1,500 oo seefood, 2,000 oo waran, 300 oo canbuur bireed iyo 500 oo gaashaan. Hubkaas iyo xoolohooddii oo dhanba wuxuu Alle ku wareejiyey Rasuulkiisa SCW.

Markii la xukumay ka dib wuxuu Rasuulku SCW amray in raggooda lagu xereeyo daar lahayd haween reer banii Najaar ah, suuqii Madiina agtiisa waxaa looga qoday godad, ka dibna inta la soo bixiyo oo goddadka la dul geeyo ayaa qoorta loo dheereynayey. Markii shaqadii iyo dilkii lagu bilaabay ayey odeygoodii Kacab binu Asad ku dheheen "xaggee na loo wadaa?", markaas ayuu ku yiri "weli wax ma fahmaysaan miyaa, miyeydaan u jeedn qofkii lala baxo in uusan soo laabanayn, Ilaah baan ku dhaartaye waa dilniin".

Waxaa raggaas reer banuu Qureyda ee la leynayey ku jirey sheydaankii reer banuu Nadiir oo ahaa ninkii ka dambeeyey soona abaabulay duullaankii Axsaab, lana oran jirey Xuyey binu Akhdhab, wuxuuna ninkaasi dhalay gabar Rasuulka SCW xaaskiisa ka mid ahayd oo la oran jirey Safiya bintu Xuyey oo uu guursaday sannadkii 7aad ee hijriga. Wuxuuna ninkaas Xuyey dhufeyska kula jirey reer banuu Qureyda maxaa yeelay waa tuu awal ballanta ku qaaday in uu Kacab dhufeyska la geli doono haddii ay Qureysh iyo Qadafaan laabtaan iyaga oo aan Rasuulka SCW waxba gaarsiin. Sidaa darteed isaga oo fulinaya ballantaas ayuu dhufeyska la galay. Markii la soo bixiyey isaga oo qaba jaakad uu meel walba ka jeex jeexay si aan muslimiintu ugu intifaacin, gamihiisa iyo qoortiisuna isku xiray yihiin, ayuu Rasuulka SCW la hadlay oo ku yiri "Alle ayaan ku dhaartaye naftayda kuma dagaalayo la colleytankaaga, laakiin qofkii Alle guusha siiyo ayaa guuleysanaya", wuxuu misna la hadlay dadkii oo ku yiri "dadow dhib ma leh amarka Alle, waana qoraal iyo qaddar iyo imtixaan uu Alle u qoray reer banii Israa'iil". Ka dib quu fadhiistay oo qoorta ayaa loo dheereeyey, sidaas ayaana loo wada laayey raggii reer banuu Qureyda, waxayna tiradoodu u dhexeysay 600 ilaa 700 oo nin oo ahaa raggii qaangaaray, wuxuuna Rasuulku SCW amray in la dilo wiilkii ay timaha hoose u soo bexeen, kii aysan u soo bixinna la iska daayo. Waxaana raggii aysan u soo bixin oo la iska daayey ka mid ahaa Cadiyatul Quradi oo ka dib soo islaamay. Dumarkii reer banuu Qureyda waxaa laga diley hal naag, iyadana waxaa loo qisaasay nin muslimiinta ka mid ahaa oo ay dhagax ku soo duurtay ka dibna dhintay. Ninkaas waxaa la oran jirey Khilaad binu Suweyd.

Waxaa reer banuu Qureyda ka islaamay intii aysan is dhiibin koox, kuwaas oo loo daayey maalkoodii iyo carruurtoodii. Sidoo kale waxaa habeenkii ka baxay nin la oran jirey Camar oo ahaa nin aan ka qayb gelin dhagartii iyo ballan jebintii yahuudda, markaas ayaa waxaa arkay Maxammed binu Maslama oo Rasuulku SCW madax uga dhigay ciidankii ilaalinayey markaas ayuu iska daayey meel uu ninkaasi aadeyna lama yaqaan.

Rasuulku SCW intaa ka dib maalkoodii ayuu asxaabtii u qaybiyey markii uu ka bixiyey Khumuskii, wuxuuna u kala siiyey sidan: ninkii faras watey saddex saami ayuu siiyey, kii aan wadanna hal saami ayuu siiyey. Arrinkaasna xikmadda ku jirta waxay ahayd dhiirrigelin lagu dhiirrigelinayo in ay fardo gataan si ay ugu xoogeystaan jihaadka maxaa yeelay waxa ay farduhu waagaasi joogeen booska ay maanta diyaaraduhu u joogaan ciidammada. Rasuulku SCW wuxuu maatadoodii u dhiibay koox uu madax u yahay Sacad binu Seyd Al-ansaari si uu u geeyo dhulka Najdi oo uu ugu soo beddelo fardo iyo hub.

Duullaanka reer banuu Qureyda waxaa muslimiinta uga dhintay oo ay yahuuddu dileen ninkii ay haweeneydu ka dishay. Waxa kale oo muslimiinta intii ay ku hareereysnaayeen banuu Qureyda ka dhintay nin la oran jirey abuu Sinaan binu Muxsin.

Markii arrintii reer banuu Qureyda ay dhammaatay oo Madiina lagu laabtay ayaa Sacad binu Mucaad dhaawicii ku soo kacay, Rasuulkuna SCW Khaymad ayuu masaajidka dhexdiisa uga dhisay si uu had iyo jeer u soo booqdo, ka dibna dhiiggii ayaa burqaday ilaa uu ka dhintay. Sacad Alle wuxuu u aqbalay ducadiisii uu ka baryey markii nabarku ku dhacay. Sacad oo ahaa nin islaamka boos weyn u joogay waxa ay saxiixaynku ka weriyey Jaabir ibnu Cabdullaahi in Rasuulku SCW yiri "Carshigii Raxmaanka ayaa u ruxmay geerida Sacad binu Mucaad". Sidoo kale Tarmadi wuxuu weriyey in Anas binu Maalik yiri "markii la qaaday janaasadii Sacad binu Mucaad ayey munaafiqiintii dheheen "maxaa fududeeyey janaasadiisa?" markaas ayuu Rasuulku SCW yiri "malaa'igta ayaa xambaarsanayd".

Ninkii ahaa Abaa Lubaaba wuxuu tiirkii masaajidka ku xirnaa lix habeen, xaaskisa ayaana cuntada u keneysey, una fureysay salaadaha iyo bannaankaba. Markii Rasuulku SCW soo laabtay ayaa waqtiga suxuurta Ilaahay tawbaddiisii ku soo dejiyey Rasuulka SCW oo jooga guriga xaaskiisa Ummu Salama, markaas ayey Ummu Salama qowladdeedii horteedii inta ay istaagtay tiri "Abaa Lubaabow bishaareyso Ilaah waa kaa tawbad aqbalaye". Asxaabtii masaajidka joogtay ayaa ku yaacay si ay xariga uga furaan hase yeeshee wuu diidey in cid aan Rasuulka SCW ahayn furto". Markii uu Rasuulku SCW salaaddi subax yimid ayuu ka furay.

Duullaankan reer banuu Qureyda wuxuu dhacay bishii Dulqacda, sannadkii 5aad ee hijriga, waxaana la dul deggenaa oo lagu hareereysnaa 25 habeen. Allaahna isaga oo si kooban uga hadlaya qisadan reer banuu Qureyda wuxuu qur'aankiisa ku yiri:

((KUWII U KAALMEEYEY (GAALADA) EE EHELU KITAABKA AHAA, WUXUU KASOO DAJIYEY (KASOO SAARAY) DHUFEYSYADOODII, WUXUUNA QULUUBTOODA KU RIDAY ARGAGAX, QAARNA WAAD DISHEEN QAARNA WAAD QAFAALATEEN, WUXUUNA IDIN DHAXALSIIYEY DHULKOODII, GURYAHOODII, MAALKOODII IYO DHUL AYDAAN TAGIN, ALLENA WAXA UU AHAADAY SHAY WALBA KII AWOODA)), (Suuratul-Axsaab 26-27).