1-Hordhac
2-labaaley
3-saddexley
4-afarrey
5-shanley
6-lixley
7-toddobaley
8-siddeedley
9-sagaalley
10-tobanley
2- Labaaleyda: - Ma jiraan wax ka wanaagsan labo sifo:
- ilaahey oo la rumeeyo mana jiraan wax sifo ka xun:
- ilaahey oo waxa uu keligiis xaq u leeyahay cid kale lala wadaajiyo - Ruuxii qabri gala sahay la'aan wuxuu la mid yahay sidii isaga oo doon la'aan badda fuulay. - Adduunyada waxaa lagugu ciseeyaa maalka, - aakhirana camalka suubban. - Hammi adduunyo waa mugdiga qalbiga, - hammi aakhirana waa nuurka qalbiga.
- ruuxii macsi ku raad jogana, naar ayaa ku raad joogta. - Ruux fiicani alle ma caasiyo, - ruux xikmad lehna adduunyo kama doorto aakhiro. - Ruux raasumaalkiisu noqdo alle ka cabsi, carrabayada ayaa ka caajisa tilmaamidda ribixiisa, - ruuxii raasumaalkiisu noqdo adduunyana, carrabyada ayaa ka caajisa tilmaamidda khasaaraha. - Dembi kasta ee ka yimaada shahwo rajo ayaa dembi dhaafkeeda laga qabaa, - dembi kasta ee kibir ka yimaadase, rajo lagama qabo dembi dhaafkeeda, waayo
- dembigii ibliis galay kibir buu ka yimid, - Ruuxii dembi gala isaga oo qoslaya, isaga oo ooyaya ayuu ilaahey naarta geliyaa, - ruuxiise ilaahay addeeca isaga oo ooyayana, isaga oo qoslayuu ilaahay jannada geliyaa. - Ha fududeysanin dembiyada yaryar waayo dembiyada waaweyni waxay ka dhex dhashaan dembiyada yaryar. - Dembi kama weyna dembi kibir lagu sameeyey, - dembina kama yara dembi tawbad keen fiican lagu xijiyey. Waxaa la yiri:
- Go'aanka qofka allihiis dhab u aqooday waa shukri iyo u mahad celin alle,
- waayo qofka alle dhab u aqoonsaday alluu toos
u abbaaraa, - Ruuxa mooda in cid ilaahiis uga naxariis badani jirto waxaa yar aqoonta uu allihiis u leeyahay, - qofka mooda in wax naftiisa uga cadawsani jiraan waxaa yar aqoonta uu naftiisa u leeyahay. Aayadda: Fasaadku wuxuu bad iyo berri ugu faafay sabab uu bini aadanku leeyahay, waxaa la yiri
- Berriga la sheegayo waa carrabka,
- marka uu carrabku fasaado waxaa ku ooya nafafka, Waxaa la yiri:
- Shahwo raacu boqorrada ayey addoommo ka dhigtaa, miyaadan arag qisadii Nabi Yuusuf cs iyo Sulaykha?. Waxaa kale oo la yiri: Alla nasiib badanaa jannuu galay:
- ruuxa uu caqligiisu hoggaamiyo hawadiisana u xabbisnaato, waxa la yiri:
- Ruuxii ka taga dembiyada qalbigiisa ayaa fududaada, waxana la sheegay in uu ambiyadiisii qaar ka mid ah ilaahey u waxyooday:
- igu addeec wixii aan ku amro, Waxa la yiri:
- Caqliga kaamilnimadiisu waa raacitaanka wixii alla weyne raalli geliya, Waxa la yiri:
- Ruux fiicani meeshii uu tagaba marti kama noqdo, - Ruuxa daacadda ugu dhawaada ilaahey dadka ayuu ka martiyoobaa. - Sida jirku inuu noolyahay dhaqdhaqaaqiisa loogu garto, - ayaa aqoonta allena dhaqdhaqaaqa daacada loogu gartaa. .
- Dembi oo dhan asalkiisu waa adduunyo jacayl, Waxa la yiri: CCCCCCCCCCCCCCCCCCC Waxa la yiri: nicmada alle oo la qariyo waa shallayto, la saaxibidda ruuxa doqonka ahina waa nasiib darro. Gabayaa ayaa yiri:
- Ruuxa adduunyo dhex dabaashee, hawa badniyi sirtayow,
|