| 00-noloshoosaxaabada | 01-binxudaafa | 02-abulcabaasbinurabiic | 03-ummusalama | 04-ibnucabaas | 05-cumayrbinuwahab | 06-ibnucawf | 07-dufayl | 08-xudayfabinulyamaama | 09-ibnuummimaktuum | 10-saciidbincaamirjumaxi | 11-caddiyuibnuxaatim | 12-majsa-ataibnuthawr | 13-salmaanulfaarisi | 14-asmaabintuabuubakar | 15-ibnumascuud | 16-abuuayuubulansaariyi | 17-abuuhurayraldawsi | 18-dalxatabinucubeydilah | 19-cabdulahibinjaxsh | 20-baraabintumaalik | 21-thumaamabinuthaal | 22-abuucubayda | 23-abuudar | 24-rabiicbinusiyaad | 25-usaamabinuzyd | 26-zaydbinuxaaritha | 27-ummuxabiiba | 28-jacfarbinabiidaalib | 29-mahadnaq | | ||||||||||||||
22- ABUU CUBAYDA IBNUL JARRAAXWuxuu lahaa weji furan oo qurxoon, joog iyo jamaal loo dhammeystiray. Ma uusan lahayn hilib sidaa u sii weyn, dherer iyo fudeyd xagga jirka ah ayaa intaas u sii dheereed. Way ku il-qabowsanaysay isha eegaysa xaggiisa, wehel iyo xasilooni ayuu ka helayay qofka agtiisa jooga. Dhinaca kale, waxaa kaloo intaas u sii dheereed, isagoo ku tilmaanaa jilicsanaan uu u hayo walaalihiisa islaamka iyo xishood daran. Hase ahaatee, hadduu arrinku dhinaca kale isu beddelo wuxuu noqonayay qof la tamaasha duruufta markaas uu ku jiro. Saxaabiga aan sidaas u tilmaanay waa saxaabigii lagu ammaanay dhowrista ammaanada, loona bixiyay amiinka Ummadda Nebi Muxammad (scw), waa saxaabigii isagoo dunida saaran loogu bishaareeyay inuu geli doono Jannada, waa saxaabiga lagu magacaabo Caamir Binu Cabdillaahi Binu Al-Jarraax, Ilaah ha ka raalli noqdee, kana dhashay qureysh, kunyadiisuna ay tahay Abuu Cubeyda.
Muxuu Cabdullaahi Binu Cumar ka yiri Abuu Cubeyda
Wuxuu Abuu Cubeyda Allaha ka raalli noqdee ka mid ahaa dadkii ugu horeeyay ee soo gala diinta islaamka. Maalintii labaad ee uu Abuubakar soo islaamay ayuu Abuu Cubeyda isna soo islaamay, waxaana inuu soo islaamo sabab u ahaa isla Abuubakar Assiddiiq Ilaah ha ka raalli noqdee. Abuubakar wuxuu Abuu Cubeyda, Cabdiraxmaan Binu Cawf, Cusmaan Binu Madcuun iyo Al-Arqam Binu Al-Arqam u soo waday Rasuulka (scw), sidiina ayeeyna shahaadada towxiidka ugu hor qireen Rasuulka (scw), waxayna maalintaas wixii ka danbeeyay noqdeen saldhigyadii ugu horeeyay ee lagu taagay diintii islaamka ee sarreesay.
Imtixaanadii la mariyay Abuu Cubeyda:Allaha ka raalli noqdee wuxuu Abuu Cubeyda billowgii diinta islaamka la kulmay tijaabooyinkii cuslaa ee qaraaraa, isagoo jooga magaallada Makka, wuxuuna imtixaankaas ku jiray laga soo billaabo biloowgeeda ilaa dhammaadka. Wuxuu Abuu Cubeyda la qaybsaday dhibaatooyinkii waaweynaa ee soo gaaray muslimiinta, isagoo muujiyayna sugnaansho iyo adeysi weyn, wuxuuna si dhab ahaan u rumeeyay Eebbe (sw) iyo Rasuulkiisa (scw) mowqif kasta.Hase ahaatee, imtixaanadii iyo tijaabooyinkii la mariyay Abuu Cubeyda maalintii dagaalka Badr wuxuu dhaafay dhammaan dadka wax xisaabiya xisaabtankooda, sidoo kale wuxuu dhaafay dadka wax mala-awaala mala-awaalkooda. Wuxuu Abuu Cubeyda maalintii Badr dhex jeexay safafkii gaallada sida qof aan ka cabsi qabin geeri ama dhimmasho, jeer ay ka cabsadeen gaalladii. Waxaa xaggiisa soo aadi waayay fardoollaydii dagaalyahaniinta ahaa, iyagoo markasta ka fogaada dhinaca uu ka dagaalamayay Abuu Cubeyda. Hase ahaatee, waxaa jiray nin isagu u soo banbaxay dhinacii Abuu Cubeyda, isagoo meeshuu aado-ba daba-gala. Wuxuu Abuu Cubeyda ahaa kii ka fogaada waddadii uu ka imaanayay ninkaas, isagoo ka fogaanaya la kulankiisa iyo inuu ku soo aado dagaalka. Weerarkii uu waday ninkii ayaa sii ballaartay, Abuu Cubeyda dhinaciisana wuxuu badiyay fogaanshaha, jeer markii danbe Abuu Cubeyda laga soo xiray dhammaan waddooyinkii uu mari lahaa, isagoo ka hor istaagayna la dagaalankii cadoowgii Alle.
Ficilkiisa awgeed waxaa ku soo degtay aayad qur'aan:
Wuxuu Alle (sw) ku yiri aayaddaas: "Ma helaysid qolo rumeenaysa Alle iyo maalinta aakhiro, kuwaasoo jecel cid Alle iyo Rasuulkiisa khilaafay, haba noqdeen kuwaas aabayaashooda, ubadkooda, walaalahood ama qabiilkoodaba, kuwaas (aanan jeclayn kuwa khilaafay Ilaahay iyo Rasuulkiisa) wuxuu Alle laabtooda ku qoray iimaanka, wuxuuna ku xoojiyay ruux xaggiisa ka ahaatay, wuxuuna gelinayaa Jannooyin durreereysa xaggeeda hoose webiyaal iyagoo ku waarayana jannada dhexdeeda, Ilaah wuu ka raalli noqday iyaga, iyaguna way ka raalli noqdeen, kuwaas waa xisbiga Alle, xisbiga Alle-na waa kuwa guuleystay/liibaanay&$34;. [Dhegeyso Ayadda 22 ee Al-Mujaadalah]
Waa amiin isla markaana ku adag diintiisa:
Sifooyin wanaagsan ayuu kulansaday:
Sababta ay uga dhaceen foolashiisii hoose:
Abuu Cubeyda wuxuu ka cabsaday haddii uu ku soo siibo birihii gacantiisa, inuu xanuujiyo Suubbanaha Rasuulka (scw), sidaa darteed wuxuu birihii ugu horeeyay midkood ku qaniinay foolashiisii afarta ahaa weliba qaniinyo iyo qabasho daran oo sugan, sidiina ayuu birtii ku soo siibay, inkastoo ay dhacday foolkiisii hoose. Haddana markale ayuu foolkiisii kale ee hoose ku qaniinay birtii kale, kadibna wuu soo siibay, waxaa misna soo dhacday foolkii kale ee hoose. Abuubakar Ilaah ha ka raalli noqdee wuxuu yiri “wuxuu Abuu Cubeyda ahaa afloowihii ugu fiicnaa dadka”, maxaa yeelay waxay ka dhaceen isagoo ka siibaya biirihii ku jiray Rasuulka (scw).
Dhammaan dagaalladii jihaadka oo idil wuu ka qayb galay:
Intaa kadib waxaa baycada lala galay oo la doortay Abuubakar Assiddiiq. Abuu cubeyda wuxuu Abuubakar u ahaa mid ku taageera kheyrka iyo xaqa. Sidaas ayeeynan agtooda qiimo ugu lahayn madaxtinimada iyo xukunka dadkii suubbanaa ee salafka, halka aan maanta qaar ka mid ah muslimiinta ay waxay awoodaan oo idil ugu hagar baxayaan sidii ay u heli lahaayeen kursi, ama ay u noqon lahaayeen madaxweyne iwm. Maamulladii khilaafada Abuubakar iyo Cumar wuxuu Abuu Cubeyda siiyay aqbalaadda iyo daacada, isagoo aan haba yaraatee aan ku caasin ama garab marin amarkooda marka laga reebo hal jeer. Haddaba, maxay ahayd halkaas jeer ee uu Abuu Cubeyda uusan aqbalin taladii uu u soo jeediyay khaliifka ama amiirka muslimiinta. Waxay dhacday, markii uu Abuu Cubeyda Binu al-Jarraax ku sugnaa carriga Shaam, isagoo markaas ku hoggaaminayay ciidanka muslimiinta guul daba socota guul kale jeer uu gacantiisa uu Eebbe (scw) ku furo dhammaan magaalooyinka Shaam, isagoo gaaray xagga webiga barri ee Furaat (Ciraaq), sida kale xagga aasiyada yar-na waqooyigeeda (Turkiya). Markay halkaas mareyso, waxaa gobolka Shaam si lama filaan ah ka dillaacay cudurka halista ah ee daacuunka, cudurkan oo aynan horey ugu arag dadka. Cudurkii wuxuu si ba'an u shafay oo u laayay dadkii degganaa magaalooyinkaas. Cumar Binu Khadaab ayaa markuu maqlay inuu cudurka daacuunka ka dillaacay gobolka Shaam, ayna ku sugnaayeen ciidamadii muslimiinta ee uu hoggaaminayay Abuu Cubeyda Binu Al-Jarraax Abuu Cubeyda u diray dhambaal uu ku leeyahay Abuu Cubeyda "waxaan kaaga soo baahday dan aan adiga kaaga maarmi waayay, ee haddii uu ku soo gaaro dhambaalkaygan xilli habeen ah waxaan kugu adkeenayaa inuusan waaberiga kuu baryin jeer aad xaggeyga uga soo safartid. Sidoo kale, haddii aad heshid dhambaalakayga maalin dharaar ah, waxaan kugu adkeenayaa inaadan galabeysan jeer aad xaggeyga uga soo safartid. Abuu Cubeyda Binu Al-Jarraax markii uu arkay dhambaalkii Cumar, wuxuu yiri "waan ogaaday danta uu iga doonayo amiiral-mu'miniinka, wuxuu doonayaa inuu baaqi yeelo qof aan dunidan ku baaqi noqonaynin, dabadeedna wuxuu u diray qoraalkan uu ku leeyahay "amiiral mu'miniinow waan gartay dantii aad iga lahayd, anniguna waxaan ku dhex suganahay ciidanka muslimiinta, mana doonayo inaan naftayda ka badbaadiyo waxa soo gaaraayo ciidanka muslimiinta, oo dooni maayo inaan ka dhex baxo ciidanka jeer uu Eebbe (sw) ka xukumo arrinkayga iyo kan muslimiinta. Sidaa darteed hadduu ku soo gaaro qoraalkayga waxaan kaa codsanayaa inaad dhaartaadii aad iga xalaalaysid, isla markaana aad ii fasaxdid inaan la joogo ciidamada".
Cudurkii daacuunka ayuu u dhintay:Markii uu aqriyay Cumar Binu Khadaab dhambaalkii Abuu Cubeyda waxaa ka soo daadatay ilmo, isagoo ooyayna, asxaabtii ayaa iyagoo la yaabban waxa ka oohiyay amiiral-mu'miniinka Cumar weydiiyay su'aal, waxayna ku yiraahdeen "amiiral-mu'miniinow ma waxaa dhintay Abuu Cubeyda?". Cumar ayaa ku yiri "maya, hase ahaatee geeridii ayuu u dhow yahay". Dhab ahaantii malahaas Cumar way dhab noqotay, oo wax yar kadib waxaa Abuu Cubeyda ku dhacay cudurkii halista ahaa ee daacuunka, sidiina ayuu u dhintay Abuu Cubeyda Allaha u naxariistee.
Dardaarankii Abuu Cubeyda:Intii uu Abuu Cubeyda Binu Al-Jarraax saarnaa sariirta sakaraadka wuxuu u dardaarmay ciidankii muslimiinta ee uu isaga hoggaaminayay, wuxuuna ku yiri "waxaan idiin dardaarmayaa dardaaran, oo haddii aad qaadataan aydan ka suulaynin abadkiin kheyr. Waxaad oogtaan salaadda, soomana bisha Ramadaan, saddaqadana la baxa (zakada), gutana acmaasha xajka iyo cumrada, u nasteexeeya madaxdiina, oo ha khiyaamina, yeynana idin mashquulin adduunyo, qofku haddii kun sano oo cumri ah la siiyo, waxaa hubaal ah inuu aakhirka ku sugnaan doono halka aan hadda ku suganahay, wassalaamu caleykum waraxmatullaahi". Dardaarankaas kadib, wuxuu Abuu Cubeyda jaleecay oo milicsaday saxaabigii jaliilka ahaa ee Mucaad Binu Jabal, wuxuuna ku yiri "Mucaadow tuji dadka". Kamaba soo wareegan intaas waxyar jeer ay ruuxdii daahirka ahayd ee Abuu Cubeyda ay u kor noqoto Allihii sarreeyay, sidaasna ayuu ku dhintay.
|