| 00-noloshoosaxaabada | 01-binxudaafa | 02-abulcabaasbinurabiic | 03-ummusalama | 04-ibnucabaas | 05-cumayrbinuwahab | 06-ibnucawf | 07-dufayl | 08-xudayfabinulyamaama | 09-ibnuummimaktuum | 10-saciidbincaamirjumaxi | 11-caddiyuibnuxaatim | 12-majsa-ataibnuthawr | 13-salmaanulfaarisi | 14-asmaabintuabuubakar | 15-ibnumascuud | 16-abuuayuubulansaariyi | 17-abuuhurayraldawsi | 18-dalxatabinucubeydilah | 19-cabdulahibinjaxsh | 20-baraabintumaalik | 21-thumaamabinuthaal | 22-abuucubayda | 23-abuudar | 24-rabiicbinusiyaad | 25-usaamabinuzyd | 26-zaydbinuxaaritha | 27-ummuxabiiba | 28-jacfarbinabiidaalib | 29-mahadnaq | | ||||||||||||||||||||
16- ABUU AYYUUB AL-ANSAARISaxaabigan sharafta badan ee aan sheekadiisa qaadanayno magaciisa waxaa la yiraahdaa Khaalid Binu Zeyd Binu Kuleyb, wuxuu ka dhashay qabiilka reer Banii Najjaar. Kunyadiisu (carabta qofka ay sharfayso ayaa waxay ugu yeeri jirtay magaca wiilkiisa curadka ah, waana dhaqan carbeed) waa Abuu Ayuub Al-Ansaari oo ah Ayuub aabihiis, waxaana loogu abtiriyaa Ansaarta. Haddaynu nahay bahweynta muslimiinta, waa kuma qofka aanan aqoonin saxaabiga Abuu Ayuub Al-Ansaari?!. Wuxuu Eebbe (sw) magaciisa ku koryeelay dunida bariga iyo galbeedkiisa, wuxuu Ilaah dadka ka sareysiiyay kolkii uu gurigiisa ka doortay guryaha muslimiinta si uu u dego Nebigii (scw) sharafta badnaa, kadib markii uu yimid magaallada Madiina isagoo muhaajir ah, dhab ahaantiina taas ayaa Abuu Ayuub Al-Ansaari ugu filan sharaf iyo wanaag. Degitaanka uu Nebiga (scw) soo degay guriga Abuu Ayuub Al-Ansaari ayaa waxaa ku jirta sheeko aan laga xiiso dhigaynin soo noq-noqashadeeda. Sababtuna waa iyadoo markii uu Nebiga (scw) yimid magaallada Madiina, ayaa waxaa Nebiga (scw) soo dhoweeyay dadkii degganaa Madiina dhoweyn iyo maamuusid tii ugu sharfta badanayd. Waxay Rasuulka (scw) ku eegeen indho kalgacalo iyo naxariis, iyadoo ay ku faraxsan yihiin imaanshaha Rasuulka. Sidoo kale waxay u fureen laabtooda si kash iyo laab ah, iyagoo albaabaha guryahoodiina ay ballaqeen oo ay u fureen Rasuulka (scw) si uu Xabiibka (scw) ugu dego isagoo la sharfay.
Waxay ahayd hashu tii iska socota, iyadoo weliba ay raacayso indhaha dadka. Haddey hashu gudubto guri waxaa murugoonayay dadkii degganaa gurigaas oo waxaa ku dhacayay quus, halka farxad iyo yiddiddiilo weyn ay gelinaysay kuwa iyaga aynan weli hasha gudbin guryahooda. Waxay socoto hashii, dadkiina ay daba guurayaan oo ay daba socdaan iyagoo kalgacalo la huraya ogaanta ninka nasiibka badan ee ay gurigiisa ag fariisan doonto hasha, ayaa waxay markii danbe hashii soo gaartay meel bannaan oo ku aaddan guriga Abuu Ayuub Al-Ansaari, halkaas ayeey hashiina fariisatay. Hase yeeshee Rasuulka (scw) weli kama uusan degin hasha. Wax yar maba aynan sii fadhinin hashii, jeer ay haddana boodday oo istaagtay oo socotay, Rasuulkana (scw) uu u raariciyay hoggaankeeda. Haddana, waxyar kadib hashii way soo laabatay oo waxay fariisatay meeshii ay hore u fariisatay. Markay arrintu halkaas mareyso, ayaa waxaa farxad weyn buuxisay laabtii Abuu Ayuub Al-Ansaari, wuxuuna u deg degay xagga Rasuulka (scw) isagoo soo dhoweynaya. Alaabtii Rasuulka (scw) ayuu qaaday isagoo uu horsocdo Rasuulka, isagoo la moodo inuu sido waxa keyd hanti ah ee dunida yaala oo dhan.
Guriga Abuu Ayuub wuxuu ka koobnaa labo dabaqadood, mid hoose iyo mid sare. Dabaqii sare ayaa wuxuu ka soo faaruqiyay alaabihii ku jiray, si uu u dejiyo Rasuulka (scw) iyo reerkiisa. Hase ahaatee, Rasuulka (scw) wuxuu jeclaystay inuu dego dabaqa hoose ee guriga, Abuu Ayuub-na wuxuu u hoggaansamay rabitaankii Rasuulka (scw) oo wuxuu dejiyay meeshii uu jeclaystay. Habeenkii markii la gaaray, Rasuulka (scw) uuna seexday, Abuu Ayuub iyo afadiisana ay koreen dabaqii sare ee guriga ayna albaabkooda soo xirteen ayaa Abuu Ayuub soo jaleecay afadiisa isagoo ku leh: ”inkaar qabto maxaynu sameynay?! Ma Rasuulka (scw) ayaa noqonaya kii naga hooseeya, innaguna aynu noqono kuwo ka sarreeya?! Ma waxaynu dul soconaynaa Rasuulka (scw) dushiisa?! Ma waxaynu u dhaxeynaynaa waxyiga iyo Nebiga (scw)?! Haddeynu sidaas sameyno waynu halaagsamaynaa”. Abuu Ayuub iyo xaaskiisa way qoomameeyeen, iyagoo aynan garanaynin waxa ay sameyn doonaan.
Subixii markii la gaaray wuxuu Abuu Ayuub ku yiri Rasuulka (scw): ”labo indhood isuma aynan geynin xaleey anniga iyo Ummu Ayuub-ba”. Rasuulka (scw) ayaa weydiiyay sababta ay arrintaas ku timid, wuxuuna Abuu Ayuub ugu jawaabay: ”waxaan soo xasuustay inaan saaranahay qol aad adiga naga hoosaysid, waxaan kaloo xasuustay haddii aan dhaqdhaqaaqo in boorku kugu soo daadanayo, oo aan markaas ku dhibo, dhinaca kale waxaan kala dhex galay adiga iyo waxyiga”. Rasuulka (scw) ayaa yiri: ”naftaada u tur Abuu Ayuubow, innaga waxaa noo sahlan xagga hoose, dadka badan ee na soo booqanaya awgood”. Abuu Ayuub wuxuu yiri, waxaan u hoggaansamay amarkii Rasuulka (scw) jeer laga soo gaaro habeen qaboow. Waxaa jabtay ashuun aynu lahayn, dabadeedna biyihii ku jiray ayaa qolkii sare ku daatay. Anniga iyo xaaskayga waxaan u istaagnay sidii aan u qallajin lahayn biyaha,
Rasuulka (scw) wuxuu degganaa gurigii Abuu Ayuub Al-Ansaari muddo ku dhow toddobo billood, jeer laga dhammeystiro masjidkii Nebiga, meeshaasoo ay ahayd meeshii markii hore ay fariisatay hasha. Qolalkii masjidka uu lahaa ayuu Rasuulka (scw) u guuray isaga iyo xaasaskiisaba. Abuu Ayuub iyo xaaskiisuba waxay jaar la noqdeen Rasuulka (scw). Labo deris noqdo ku wanaag badanaa Abuu Ayuub iyo Rasuulka (scw). Abuu Ayuub Al-Ansaari Ilaah ha ka raalli noqdee wuxuu Rasuulka (scw) jeclaaday jaceyl hantay qalbigiisa iyo dhuuxiisaba, dhinaca kale Rasuulka (scw) ayaa isna jeclaaday Abuu Ayuub, wuxuuna marka uu guriga Abuu Ayuub yimaado uu Rasuulka (scw) u dhaqmi jiray sida gurigiisa oo kale. Cabdullaahi Binu Cabbaas ayaa sheekeeyay isagoo leh: waxaa goor duhur ah masjidka soo aaday Abuu Bakar Assiddiiq Ilaah ha ka raalli noqdee, waxaa arkay Cumar Binu Khadaab, wuxuuna ku yiri "Abuubakarow saacaddan maxaa ku soo bixiyay?!".
Rasuulka (scw) oo ay weheliyaan Abuubakar iyo Cumar ayaa waxay yimaadeen albaabkii guriga Abuu Ayuub Al-Ansaari, wuxuuna Abuu Ayuub maalin kasta Rasuulka ugu talo geli jiray cunto, haddii uu soo daaho Rasuulka oo uusan cuntadii u iman, wuxuu cuntadii Abuu Ayuub siin jiray reerkiisa. Markay soo gaareen albaabkii Abuu Ayuub ayaa waxaa iridka ka furtay xaaskii Abuu Ayuub, iyadoo leh ”Nebigii Ilaah iyo inta la socotaba ha soo dhowaadeen”. Rasuulka (scw) wuxuu Ummu Ayuub weydiiyay inuu joogo Abuu Ayuub, durbadiiba codkii Nebiga waxaa maqlay Abuu Ayuub oo waqtigaas ka shaqeynayay beer timireed uu lahaa, kuna tiillay meel gurigiisa u dhow. Isla markiiba intuu soo qaabilay Rasuulka (scw) isagoo leh: ”Rasuulka Alle iyo inta la socotaba ha soo dhowaadeen” Wuxuuna intaa raaciyay ”Nebigii Alloow waqtigan ma ahan waqtigii aad iman jirtay”. Rasuulka (scw) wuxuu yiri ”waa runtaa”,
Wuxuu Abuu Ayuub soo saaray neef orgi ah, wuuna gowracay, wuxuuna xaaskiisa ku yiri, intaad cajiinta qastid waxaad noo karisaa kibis muufo ah, adigaana ku fiican dubista muufada. Abuu Ayuub wuxuu qaaday jeex ka mid ah neefkii orgiga agaa, markaasuu kariyay, jeexii soo harayna wuu soley. Raashinkii markii uu bislaaday, lana soo hordhigay Rasuulka (scw) hortiisa isaga iyo labadiisa saaxiib (Abuubakar iyo Cumar), ayaa wuxuu Rasuulka (scw) qaaday cad ka mid ah hilibkii, ka dibna wuxuu cadkii geliyay kibistii ama muufadii dabadeedna wuxuu Abuu Ayuub ku yiri, intan waxaad ula deg degtaa gabadhii yareyd ee aan dhalay ahaydna Fadumo, maxaa yeelay ma aynan dhadhamin/cunin cadkan oo kale muddo hadda dhowr maalmood laga joogo.
Maalintii danbe markii la gaaray, wuxuu Abuu Ayuub Al-Ansaari aaday gurigii Rasuulka (scw), wuxuuna Rasuulka (scw) abaalgud ahaan Abuu Ayuub u siiyay gabar yar oo Rasuulka shaqaale u ahayd, wuxuuna kula dardaarmay inuu u wanaag falo, wuxuuna ku yiri: ”Abuu Ayuubow gabadhan wanaag kula dhaqan, maxaa yeelay intii ay nala joogtay kuma aanan arag wax aan kheyr ahayn”. Abuu Ayuub wuxuu u laabtay gurigiisa, isagoo ay la socotana gabadhii shaqaalaha ahayd, kolkii ay aragtay afadii Abuu Ayuub Al-Ansaari waxay Abuu Ayuub weydiisay: ”gabadhan yey shaqaale u tahay?!”. Abuu Ayuub wuxuu yiri annaga ayeey noo khidmaynaysaa.., waxaana na siiyay Rasuulka (scw). Ummu Ayuub oo ahayd afadii Abuu Ayuub ayaa iyadoo faraxsan waxay tiri: ”ku sharaf badanaa mid wax bixiya (waa Nebiga (scw), ku sharaf badanaa wax la isa siiyo (waa gabadha)”. Abuu Ayuub wuxuu xaaskiisii ku yiri, laakiin wuxuu Rasuulka (scw) inoo dardaarmay inaan wanaag kula dhaqano. Ummu Ayuub ayaa tiri, sideen gabadha ugu ixsaan fali karnaa si aan ka fulino dardaarankii Rasuulka (scw)?.
Waxaan soo qaadanay qaybtii nabadeed ee nolosha Abuu Ayuub Al-Ansaari, haddii aad xoogaa yar milicsatid inaad is-dul-istaagtid qaar ka mid ah noloshii Abuu Ayuub ee dhinaca dagaalka waxaa hubaal ah inaad arkaysid wax lala yaabo. Abuu Ayuub Al-Ansaari noloshiisa oo dhan wuxuu ku jiray duulimaad dagaal, jeer lagaba yiraahdo: ”weligii kama uusan harin duulimaad ay muslimiinta qaadeen laga soo billaabo xilligii Rasuulka (scw) uu noolaa ilaa laga gaaro xilligii Mucaawiya, illaa inuu duulimaad kale kaga mashquulo mooyaane”. Duulimaadyadiisii ugu danbeeye waxay ahayd kolkii uu Mucaawiye diyaariyay ciidankii uu hoggaaminayay wiilkiisii la oran jiray Yaziid, si loo furto magaallada Qisdandiiniya (waa magaallada hadda la yiraahdo Istanbuul), waqtigaas iyada ahna Abuu Ayuub wuxuu ahaa oday waayeel ah oo da’diisu ay wax yar u jirto siddeetan jir (80), sidaas oo ay tahay waayeelnimadkiisa kama uusan reebin inuu ku biiro ciidanka uu hoggaaminayay Yaziid, iyo inuu dhex jeexo hirarka badda isagoo Alle dartii u duulaya. Hase ahaatee wax yar kadib maba uusan u sii dhaqaaqin dhinacii cadoowga jeer uu ka xanuunsado Abuu Ayuub Al-Ansaari bukaankii uu la dhiman lahaa, waxaana isagoo booqanaya u yimid Yaziid oo ahaa hoggaamiyihii dagaalka, wuxuuna ku yiri: ”ma jiraan wax aad u baahan tahay oo aynu kuu fulino?”. Abuu Ayuub ayaa yiri, marka hore waxaad igu salaantaa ciidamada muslimiinta, waxaadna ku tiraahdaa: ”Abuu Ayuub wuxuu idiin dardaarmayaa inaad gudaha u sii gashaan cadoowga dhulkiisa jeer aad ka gaartaan yoolka aad tiigsanaysaan meesha ugu fog, sidoo kale wuxuu Abuu Ayuub idiin dardaarmayaa inaad xanbaartaan oo uu idin raaco iyo inaad ku aastaan gommodyadiina hoostooda oo ah deyrka ama derbiga meesha la yiraahdo Qusdandiiniya, neeftii ugu danbeysayna ayaa ka soo baxday. Ciidamadii muslimiinta waxay yeeleen wixii uu jeclaa saaxiibkii Rasuulka (scw), waxay dagaalamaan oo ay ciidankii hadba rogaal celiyaan ilaa ay markii danbe ka gaareen magaalladii Qusdhandhiiniya deyrkeedii, weliba iyagoo sida oo wada Allaha ka raalli noqdee Abuu Ayuub Al-Ansaari, halkaas ayeeyna u qodeen qabri, dabadeedna ku aaseen qabriga.
Ilaah ha u naxariisto Abuu Ayuub Al-Ansaari, maxaa yeelay wuxuu diiday illaa inuu ku dhinto fardaha dheereeya ee qiimaha badan dushooda isagoo u duulaya jidka Alle, waxayna maalintaas da’diisa ku dhoweyd 80 sanno.
|