Waraysigii Eng. Mohamed Ahmed Ali Haider

- Maxaad-kala-socotaa-Eng-Haider-&-Qorshihiisii-1988
- Waraysigii_Eng-Mohamed-Ahmed-Ali-Haider-Q-2aad
- Eng-Haider-&-Dib-u-dhiska
- Ing.Haider_ma-carab-baa-mise-Soomaali

S- Maalin wanaagsan Injineere, su'aashayda ugu horraysa maanta, annaga oo weli daba joogna waraysiyadeennii hore sida aannu ka wada dheregsannahayba dalka soomaaliya waqti dheer ayuu dawlad la'aan ahaa, baahiyo badan oo kala duwan ayaana ka jira, markaa maxaad si gaar ah ugu dooratay dhinaca Guriyeynta mase la dhihi karaa waxad u dooratay waa taqasuskaaga awgiis ?

S-  Maalin wanaagsan walaal, Haddii aan ka jawaabo su'aashaada Haa mar waa la dhihi karaa oo dabcan waxa aan aqaanno waxa aan ugu sii aqaanno waa in aan ku shaqeeyaa, marka xigta maanta xaaladda dalkeennu ku jiro Guryeyntu waxay ka mid tahay baahiyada ugu muhiimsan ee loogu baahi badanyahay haddiiba aysan ahayn midda 1aad, waayo guryuhu waa nolosha 1aad ee aadanaha, dalkeennana waxa burburay waa guryaha, dadkii ka qaxayna way ka burbureen, dhismayaashii hay'adihii dawladdana oo aan dhawr iyo 20 sano la gelin ama la dayac tirinna way burbureen, markaa adigaba aan ku weydiiyee miyaanay ahayn baahida 1aad ee maanta taagan ? 

S- Ok, haddaba marka la is barbar dhigo markii kuugu horreysay ee aad doonaysey in aad hawshan billawdo 1988 oo muddo dheer laga joogo, iyo xilligan maanta ma jiraan wax isbeddel ah ama kala duwanaasho waqtigu sababay ee hawshan Guriyeynta oo aad doonayso in aad hadda qabato ?

J Haa wuu jiraa, farqi weyn oo aan yarayn baana u dhexeeyaa, in kastoo alaabada dhismuhu adduunyada oo dhan sare u kac ku yimid sida badeecooyinka kaleba, balse farqiga u dhexeeya ee aan is leeyahay wuu nugu saacidayaa ujeeddada salka u ah hawshan ee ah Qiimaha jaban wuxuu yahay xagga Technolojiyada ama farsamada casriga ah oo markii hore hawl waqti dheer qaadan jirtey hadda waqtigii soo gaabanayo qalabka la isticmaalayo awgiis, iyo waayo aragnimada laga dhaxlay dhismayaashii waqtiyadii hore la dhisi jirey, waana taas midda aan mar walba intii aan dibedda joogey si gaar ah isha ugu hayn jirey, oo aan la socon jirey hadba is-beddelada ku dhacayey dhismaha, waayo mar kasta uu waqtigu soo gaabto hawsha LOW COST HOUSING way fududaanaysaa, mar walbana waxan intaan ku dadaali karno ku dadaalaynaa haddii aynaan qiimaha FREE ka dhigi karin in aan wax u dhow ka dhigno, waayo dalkeenna iyo dadkeennuba waqtiga xaadirka ah uma dul qaadan karaan ka faa'iidaysi ee waxa ay sugaan waa gacan qabasho, taas oo loo baahanyahay qof oo soomaali ah in maanta xilliga dalkeennu ku jiro hawsha uu dalka u qabanayo aad ugu naxariisto, weliba ciddii kari karta sida shirkadaha waaweyn ee dalka ka jira waa in ay iskood u fuliyaan mashaariicda adeegga bulshada oo FREE ah.

S- Haddaba enj. Maxamed maadaama ay mar walba caqabad ku gu ahayd xagga ammaanka, hadda ma is leedahay way ka fiicantahay waqtiyadii hore, sowse lama dhihi karo dalka weli waxa ka jira mucaarad oo dagaalkii weli ma dhammaan, saamayn intee la eg ayeyse ku yeelan kartaa hawshan ?

J- Haa sidan qabo hadda way ka fiicantahay markii hore, waayo hadda waxa dalka ka jirta Dawlad buuxda oo ka duwan kuwii hore oo iyagu ahaa ku meel gaar, ayna hoggaanka u hayaan masuuliyiin dhallinyaro ah oo aqoon yahanno ah, weliba anigan jiilkaygii ay ku badanyihiin, xitaa wasiirradii hore ee Dawladdii Madaxweyne Shariif oo iyadu u gogol xaartay dawladdan cusub waxa ku jirey Prof. Axmed Caydiid Ibraahim oo aan Jaamacadda wada dhiganayney.

dhanka su'aasha mucaaradka dunida oo dhan bay ka jiraan mucaarad iyo muxaafidba, nolosha ayaana middaa wadata, xagga saamayntase u malayn maayo in ay dhibaato gaar ah nugu keeni karto, waayo annaga hawsheennu ma ahan mid siyaasadeed ama dagaal ee waa mid horumarin bulsho oo cid walba u dan ah, tan kale hawsha oo aan sidii la rabey u fulin mooyee, dhibaato naga soo gaarta dadkeenna ayaan ula mid nahay, wax ka fiicanna ma jirto in dhibaato kugu soo gaarto dalkaaga oo aad daacad u tahay waxna u qabanayso, waayo adduunyada dhibaato waa lama huraan, qof kastana maalin un buu dhimanayaa ee ilaahow naga dhig kuwii wanaag ugu dambeeyo.

S- Soo laabadkaagan hadda marka aad dalka tagto tallaabada kuugu horreeysa oo aad qabanayso maxay tahay ?

J Hadda marka aan tago waxan halkii ka sii wadayaa Organization ka HIGSAD oo ah (NON-PROFIT ORGANIZATION) kaas oo aan horeyba la taliye ugu ahaa, isla markaana waxan guda gelayaa sidii aan u billaabi lahaa hawshaas annagoo la kaashanayna ciddii nagu gacan siinaysa.

 S- Mudane Injineere Su'aashayda ugu dambaysa ee aan rabo in aan ku weydiiyo waxay tahay, maxaad kula talin lahayd qurbo joogta kula midka ah ee weli iyagu ku sugan dibedaha oo aan go'aansan in ay dalka ku soo laabtaan ?

J- Walaalaha qurbaha Waxa aan kula talinayo way iska caddahay waana in uu qof kasta guto xaqa ay dalkiisa iyo dadkiisuba ku leeyihiin, qof kasta oo aqoon lihina wuu ogyahay qiimaha dalkiisu ugu fadhiyo, weliba qurba joogtu kuma sii jirto oo in badan oo ka mid ah kuma qanacsana nolosha qurbaha ay joogaan, oo waxa ay ku suganyihiin murtidii ahayd (DAL AAN DALKAAGA AHAYN WAA DAREEN KU JOOG). taasina waxa ay qurbo joogta si gaar ah u siinaysaa waddaniyad ama waddan jacayl ka badan intii uusan dalkiisa ka tegin, sidaas darteed qof kasta waa inuu dalkiisa hooyo ugu shaqeeyo aqoontiisa si uu uga baxo dhibaatada muddada dheer haysatey.

Waxan kaloo rabaa in aan maanta halkan hoosta uga xarriiqo in dadkii walaalahay ahaa ee soomaaliyeed ee aan iyagu dalka ka bixin iyo kuwii aan meel dheer tegin ama muddo dheer ka maqnayn ee ku soo noolaa dhibaatooyinkii kala duwanaa ee dhacay, in ay mudanyihiin tix-gelin gaar ah, ayna yihiin dad u soo sabray dalkooda hooyo, runtiina marka aan xusuusto aad baan u damqadaa, waxanse intii nool ee aan dhibaato ay meel la yaalliin soo gaarin xusuusinayaa in ay sabarkoodii mirihiisa heli doonaan adduun iyo aakhiraba, intii dhibkii soo gaaray u dhul taallana ilaahay ha u fududeeyo oo caafimaad taam ah ha siiyo, intii dhimatay ee saacaddu ku dhacdayna allaha raxmaanka ah dembigooda ha dhaafo oo jannatul firdawso ha ku abaal mariyo.

Waxanna hadalkayga uga baxayaa Soomaaliyey walaalayaal is cafiya, cafis baa darajo lugu gaaraaye, adduunyada aannu aragnay ee horumartay iyo meel walba dhibaatada khilaafka iyo is faham-waagu way ka jiraan, ee waxa ay uga gudbaan isu-sabar iyo isu-dulqaadasho.

LA SOCO QAYBAHA DAMBE .... 

Eng. Haider's Interview