ENG. Haider & Waraysigii saamayntii dagaalladii sokeeye ee Yaman Soomaali ?

- Maxaad-kala-socotaa-Eng-Haider-&-Qorshihiisii-1988
- Waraysigii_Eng-Mohamed-Ahmed-Ali-Haider-Q-2aad
- Eng-Haider-&-Dib-u-dhiska
- Ing.Haider_ma-carab-baa-mise-Soomaali

S-Injineere sidad ogtahay dalka waxa ka dhacay dagaallo ahli ah ama sokeeye, oo ka dhex dhacayey qabaa'ilka soomaaliyeed dadka qaar baa oran kara Injineerku waa Yaman Soomaali ee muu u qaxo oo aado Dalka Yaman ?

J- kkkkkkkk Horta aan ku xusuusiyo e maqaarkayga cad yuu ku sirine ruux Yaman soomaali ah oo aan abti loo ahayn ama aan isagu abati ahayn hadduu jiro waa yarhay, annaga jufo ahaan Yaman-Soomaali kuma koobnin Xamar-weyne iyo Bilaajo Carab ee waxan degnaa inta badan dalka soomaaliya haddiiba aynaan degin dhammaan, haddii aan qaar afka ku dhufto waxa ka mid ah sida Muqdisho, Afgooye, Marka, Wanlaweyn, Balcad, Mahadday, Aw-dheegle, Baydhabo, Jilib, Kismaayo, Buur-hakaba, Baardheere, Luuq, Xuddur, Waajid, Buulo-burde, Beledweyne, iyo meelo ka sii fog sida Caluula oo kale waan la degnaa walaalaha kale ee Soomaaliyeed, taas oo aad ka dhex heli karto taariikhda soomaaliyeed oo dhan, haddii aad rabto ka baar Decreetooyinkii degaannada Dalka Soomaaliya sida Decretto No. 47 22 Majo 1954. taasina waxay ka marqaati kacaysaa sida aannu u ahayn dad ka mid ah dadkooda soomaaliyeed oo aan meel gaar ah isku curjin ee dhex geli karay lana noolaan karay bulshada soomaaliyeed, wax walba dhib iyo dheefna waan la qaybsan jirnay meesha aan la degno walaalaheenna, xitaa walaal dib u xusuuso oo taariikhda baar gobol kasta oo aan wax ka degeynay hormuudkooda ayaan ka mid ahayn.

Dhanka dhihitaanka maxaad Yaman ugu qaxi waydeen, waa la iska dhihi karaa soomaaliduna waxay tiraahdaa AF QOYANIBA HADAL, laakiin anigu ma qabo in soomaali sidaas dhahaysaa ay jirto waayo tusaale ahaan anigu Soomaali inaan ahay caddayn iyo shahaado uma baahna oo afka aan kugula hadlayo ayaa kugu filan, qof aan u dhalan ee bartayna uguma hadli karo sidaan kugula hadlayo, soomaaliyana waan ku dhashay wax ku bartay, aabbahay iyo hooyadey baa ku dhashay waxna ku bartay, hadde bal adigu meel kale ii tilmaan oo aan aqaanno ama aan aadi karo, iskaba daa wax kale e aniga dalka aan qurbaha kaga noolaa ee i soo dhaweeyey markii aan qaxay oo dhalashadiisa i siiyey, haddana wuxuu iigu qoray in aan asalkaygu yahay soomaali.

Markaa waxan hubaa in sida aan anigu dalkayga soomaaliya u jeclahay uusan badnayn ruux u jecel, bal adiguba soo raadi aniga oo arday ah mashruuca aan ku fekeray ee ah in aan dadka danyarta ee soomaaliyeed u dhiso guryo la mid ah kuwa dadka hantida leh ku noolyihiin isla markaana raqiis ugu kacay, kaas oo ku cad Teesahaygii ama qallinjibentaydii Jaamacaddii KING FAHAD UNIVERSAL PETROLIUM & MINERALS ee ku taallay Magaalada Dahraan ee dalka Sacuudi Carabiya.

S- Injineere haddii aan su'aal hoose ku weydiiyo, markii la kala qaxay dad badan ayaa u qaxay gobollada iyo degmooyin caasimadda ka fog, markaa beesha aad adigu matalayso carab Soomaali ama Yaman soomaali xaggee bay u jihaysteen ?

J- Sida Qabaa'ilka kale ee soomaaliyeed ayey qaybu tiri HALKII AAD KU QOYDAA LUGU QALLALSADAA oo halkeedii ayey iska joogtay qaybuna u qaxday degaannadoodii iyo gobolladii fog-fogaa ee aan mar dhaweyd kuu sheegayey, qaar kalena sida soomaalida kaleba Yaman ayey aadeen toos ama tahriib hadba tii u suurta gashay, oo in farabadani ku dhammaadeen ama ku dhinteen badda, tusaale ahaan, anigan kula hadlaya gabar walaahshay ah oo eeddadey dhashay iyo carruur ay wadatayba badda Boosaaso iyo Yaman u dhaxaysa ayey ku geeriyootay iyada oo tahriib ah.

S- Injineere dadka qaar waxay oran karaan Yaman soomaalidu maadaama ay u badnaayeen degaan ahaan xamarweyne iyo soonihiisa ayna ku lahaayeen dukaammo waaweyn iyo hanti fara badan, markaa saamayn intee la eg ayey ku yeesheen dagaallada sokeeye ?

J-  Walaal horta aan hoosta ka xarriiqo e, annaga haddaan nahay Yaman Soomaali waxan nahay qabiil soomaaliyeed oo ka mida qabaa'illada kala duwan ee soomaaliyeed, soomaalina dhibaatadu way wada gaartay, beel-beelna kuma xirnayn ee waxay ku xirnayd qof ama qoys, sidad ogtahayba Yaman soomaalidu waxay lahaayeen dad badan oo magac ku leh dalka iyo dadkaba, haddii ay tahay madax sare sida wasiirro iyo maareeyayaal, ama ganacsato waaweyn allaa weyne sida Bin kubeer iyo Beexaani iwm, markaa dhibaataduna aqal-aqal ayey u gashay soomaalida, taas ayaanna la mid ahayn.

S- Injineere  ka qabiil soomaaliyeed ahaan, Yaman-Soomaali kaalintee ayey ka qaadan karaan dib u dhiska soomaaliya ?

J- Dhismaha keliya ma ahane waxay si toos ah wax uga geysan karaan DIB U HESHIISIINTA & XALLINTA WIXII KHILAAFAAD ka dhex jira ummadda soomaaliyeed, oo weliba aan dhihi karaa way uga fara dhuubanyihiin qabiillada kale ee walaalahooda soomaaliyeed ah, waayo sida aad ogtahayba annagu kama qayb qaadan dagaalladii ahliga ahaa, cid gaar ahna lama aannaan safan, dhiobaatooyinkii kala duwanaa ee dhacayna nalaguma eedaynayo, markaa waxa aad hubtaa in qabiil kasta oo soomaaliyeed nagu kalsoonaan karo.

Ugu dambayn Injineer Haider maxaa talo ah oo aad u soo jeedinaysaa ummadda soomaaliyeed iyo madaxdeedaba ?

J-Walaal Shacabka mid baan kula talinayaa, Dawladda Soomaaliyeedna mid baan kula talinayaa, tan aan shacabka kula talinayo waxay tahay, sida aad ogtahayba soomaalidu waa dad dhaqankoodu ku dhisanyahay iskaashi, walaaltinnimo iyo wax wada cun markii ay dhibaato timaadana iska aruuriya qaaraan, soomaaliduna waxay ku maahmaahdaa WIXII QOF DHIBA TOL MA DHIBAAN, markaa waxan shacabka soomaaliyeed u soo jeedinayaa oo aan kula talinayaa in uu iskiis isu xilqaamo oo samaysto Koonto iskana aruuriyo dhaqaale ay dalkooda dib ugu dhisanayaan.

Tan kale si horumar weyn looga gaaro xiriirka dibedda waxan Dawladda kula talinayaa in ay dalalka Carabta oo marka soomaaliya laga reebo ah 21 dawlo u magacawdo ugu yaraan 5 safiir oo Yaman soomaali ah, inta soo hartayna u magacawdo dad si wanaagsan u fahmaya luqadda carabiga iyo dhaqanka carabtaba, taasi waxay keenaysaa in si fiican loo soo dhaweeyo safiirkaas uuna wax fiican uga soo qaadi karo dawladahaas gaar ahaan kuwa dhaqaalahoodu sarreeyo ee khaliijka oo kale.

Haddii taas dawladdu samaysana waxan wada ognahay in ay kaalin lixaad leh ay ka qaadan doonto dib u dhiska dalkeenna soomaaliya.

Eng. Haider's Interview