MAXAAD KALA SOCOTAA ENG. HAIDER & QORSHIHIISII 1988 UU KU
GO'AANSADAY INUU SHACABKA SOOMAALIYEED U DHISO GURYO RAQIIS AH ?

- Maxaad-kala-socotaa-Eng-Haider-&-Qorshihiisii-1988
- Waraysigii_Eng-Mohamed-Ahmed-Ali-Haider-Q-2aad
- Eng-Haider-&-Dib-u-dhiska
- Ing.Haider_ma-carab-baa-mise-Soomaali

S- Engineer Max'ed bal ugu horrayn Magacaaga oo buuxa ?

J- Magacayga waxa la yiraa Maxamed Axmed Cali Xaydar.

S-Enjineere Waxa nugu maqaalo ah in aad hadda u socotid Soomaliya, markaa maxaa kugu kallifay in aad Soomaliya aaddid waqtigan xaadirka ah ?

J- Walaal marka hore waad mahadsantahay, marka xigta ma jirto wax la yiraahdo kallifaad ama wax kallif ah oo aan uga baahanahay in aan dalkaygii hooyo aado, waayo waa dalkaygii aan asalka u lahaa ee aan ku dhashay waxna i soo baray, soomaaliduna waaba tan tiraahda QABRI & NINKIIS LAMA KALA QARIYO, haddiise aad su'aashaada ula jeeddo in aan qurbaha joogay waa run in aan joogay balse kuma joogin sida dadka qaarkiis laga yaabo inay jeclaan karaan in ay weligood ku noolaadaan qurbaha, aniguse dalka aan joogay hadda ugu dambayntii ee Canada oo runtii ah dalkayga 2aad oo aan jeclahay, haddana mar walba waan u baahanahay dalkaygii hooyo ee asalkaygu ahaa oo marna kama maarmi karo, waana sababtii loo yiri DALKA HOOYO ama AFKA HOOYO amaba CIIDDA HOOYO, sababta aan u aadayana waa in aan aqoontii uu dalkaygu i soo baray uga faa'iideeyo oo u gudo xuquuqdii ay igu lahaayeen dalkayga iyo dadkayguba, sidad ogtahayna dawladda cusub ee Soomaaliya waxa ay marar badan qurba joogta ugu baaqday inay dalkooda hooyo aqoontooda wax ugu taraan, oo mas'uuliyiinta dawladduba waxay u badanyihiin aqoonyahnkii qurba joogta.

S- Raalli ahaaw Enjineere, Mas'uuliyiinta hadda xilka dawladda somaliya haysa oo u badan qurbo joog ma is leedahay wax way ka beddeli karaan xaaladda dalku ku soo jirey muddadii ka badnayd 20 ka sano ee la soo dhaafay ?

J Haa, waan ku kalsoonahay in ay wax weyn ka beddeli karaan hadduu ilaahay raalli ka noqdo, marka aan leeyahay way ka beddeli karaanna uma jeedo in ay ka fiicanyihiin dadkii aan iyagu dalka ka bixin, waayo intii aanay qurba-joogtu imaanba dalku cidlo ma uusan ahayn dadkii dalka ku sugnaana wax badan bay qabteen, dhibaato badanna ku soo sabreen, wayna daaleen oo u baahnaayeen in walaalahooda qurbuhu u yimaadaan oo ku soo kordhiyaan maskaxdooda iyo cilmigoodii ay kala maqnaayeen, sidaa darteed ayaan u leeyahay waxay ku soo kordhinayaan in ay horta iyaga laftoodu aqoontooda kase-kow ay soo kororsadeen waddaniyad, soona arkeen oo ay muddo la soo noolaayeen dadyow kala duwan oo jecel dalkooda kuna dadaalay in ay dalkooda horumarsadaan, haatanna la soo gaaray waqtigii ay qurbo-joogta soomaalidu dalkooda hooyo horumarsan lahaayeen, kana dhigi lahaayeen sida waddammadii ay ku kala noolaayeen muddadii uu dalkeennu burbursanaa.

S- Sida muuqata qurbaha keliya kuma aadan noolayn ee Qurbaha iyo dalkaagaba waad ku wada noolayd qalbi iyo qaalibba, markaa Mudane Enjineere goorma ayuu kugu dhashay mashruucan in aad u dhisto dalkaaga hooyo guryo qiimo jaban ama (Low Cost Housing) ?

J Run ahaantii anigu mar walba noloshayda way ku jirtay in aan wax barto, wixii aan bartana dalkayga hooyo iyo dadkayga hooyaba ugu shaqeeyo oo uga faa'iideeyo, mana ahan macruuf aan samaynayo ee waa abaal uu dalkaygu xaq iigu leeyahay waajibna igu tahay in aan guto.

Haddii aan u gudbo markii iigu horreysay ee aan u dhaqaaqay in aan billaabo waxay ahayd waqtigii aan dhammeynayey jaamacaddii aan ka qallin jebiyey sanadkii 1988 ee KING FAHAD UNIVERSITY OF PETROLIUM & MINERALS ee ku taallay magaalada DAHRAN ee dalka Sacuudi Carabiya, waqtigaa oo aan doonayey in aan dhiso iskuullo qiimaha aan ku dhisayo aad u jabanyahay (LOW COST) ah, laakiin xilligaas Jaamacadda ayaa igula talisay in aan markan sii wato waxbarashada (POST GRADUATE) Construction Engineering Management, balse markii dambe ee aan u ballansanaa in aan billaabo shaqadii mashruucii iskuulladaas waxa iga soo dhex galay dagaalladii sokeeye, oo waaba la qaxay.

Sidaas oo ay ahaydna anigu marna kama joogsan in aan sameeyo wax ummaddayda wax u taraya, oo tusaale ahaan sanadkii 2005 tii waxan tegey Puntland aniga & Company Chinese ah oo aan anigu Team Leader ka ahaa, aanna rabnay inaan ka dhisno Boosaaso guryo jaban ama raqiis ah (Low Cost), xilligaas oo aan la kulannay Madaxweynihii Puntland General Cadde Muuse, xitaa madaxdii berigaas nagala qayb gelaysey kulankaas oo dhan ka ahayd hawshaas wax loogu qabanayo bulshada oo aan runtii aad ugu mahad celinayo waxa ka mid ahaa Mudane Xasan Abshir Faarax, markaa hawshii aan ula nimid Madaxweyne Cadde Muusena si wanaagsan ayuu noo soo dhaweeyey wuuna naga oggolaaday mashruucaas waayo wuxuu ahaa mid bulshada wax u taraya, laakiin nasiib darro nooma hir-gelin mashruucii kaddib markii Company gii ama shirkaddii ay ka cabsatay xoogaa xagga Security - ga ama ammaanka, annaguse aan ku adkaysanayney in aan hawshaas qabanno waayo marka aad dalkaaga wax u qabanayso waa in aad u diyaar garowdo caqabadaha kugu iman kara.

Kaddib markii ay taasi dhacday ayaan haddana anigu si toos ah u aaday Muqdisho si aan anigu iskay u sameeyo dhismayaasha caadiga ah oo weliba mar walba aniga hammigaygu ahaa sidan horey kuugu sheegayba mid qiimo jaban ah (LOW COST), sidoo kale nasiib darro ammaanka dartiis ma suurto gelin, sidii ayaan haddana dib ugu laabtay dibedda aniga oo had iyo jeer la xiriiri jirey COMPANY yaal Sacuudiyaan ah oo aan ku dhiirri gelinayey in ay mashaariic horumarineed ka sameeyaan dalka Somaliya, taas oo ay ii fududeynaysey xiriirkeygii hore ee aan la lahaa Dalka Sacuudiga ee ama mid waxbarasho ahayd ama mid asaxaabeedba.

S- Mudane Enjineere muddadaas dheerayd ee aad intaas iska daba laabanaysey dalkuna burbursanaa waxa jirey dawlado badan oo la dhisay iyo shirar badan oo loo qabtay dalka soomaaliya, markaa adigu Engineer Maxamed ahaan weli ma isku dayday marna in aad ka mid noqoto madaxdii waqtiyadaas ?

J- kkkkkk Maya walaal weli iskuma deyin, haatanna kuma talo jiro in aan xil xukuumadeed ka qabto haddii aanay dhicin dhibaato kallifaysa oo la iigu yeero oo dabcan markaa dalkaygaa xaq iigu leh in aan aqbalo, laakiin anigu waxan aamminsahay in aan horta aqoontii aan soo bartay miraheedii uga faa'iideeyo dalkayga aniga oo shicibkayga ku dhex jira ?


Eng. Haider's Interview