Booramaay baraaraay, Belo laga fogeeyaay !

Inkastoonan Beladyohow, Cagteydaan bilaashkeen,
Baasiinka iga rabin, weli kugu ballayn oon,
Bidhaantaada anan arag,

Balse waxaan ku dhaartaa, oon ruux Baliidiyo,
Dunidoo dhan barayaa, Booramaay inaad tahay,
Beledkii culuuntiyo, Bulshadayda soomaal,
Burhaanteeda hoygeed,
Cadawgaa ha buusmoo, halkuu kuula bayraba,
ha ka duulo Buur dheer, adiguna Baraariyo,
Bed-qab ugaga noolow.

Alla heedhe Boorama, maxaa Gabar bilic lahoo,
Akhlaaq loo bineeyoo, Bidhaamaysa kugu nool.

Maxaa Gabar Baraawoo, Baari'eeda jeceloo,
Bukhaariya muslimkiyo, Diinteeda baratoo,
sida Beer intey baxday, Sannadkoo barwaaqaa,
Haruurkii Balkiisii, Neecaaw Baraafuun,
marba Baal u weecee, Boorame mushaaxee!

Maxay inanta Boorame, Xijaabkeeda Birqayeen,
Badankeedu muuqayn, Barbaarteeda la nool,
Caashaq baaxad weyn &, Boholyow ku beertaa!

Gebogebada Baabkaan, Beledyohow qadiimkee,
Booramaha la yiraa, adya beerahaagiyo,
Nimcadaa ku buuxdiyo, Gabdhahaaga bilicda leh,
Bar la quuro waayee, ma buurihii Firdawziyo,
Balliyadii Naciimiyo, Balambaalistoodoo,
Baashaalayaad tahay?

Camaara 11-08-2007

Camaaraay salaan hoo, salaan Caafimaad hoo, Caraf iyo udgoon hoo, marka xiga Camaaraay, Cishadaani sabtigaa, Bil siddeeda curatoo, Caddadkeeda yoomkuna, kowya toban cagaynayo, Sano labo kun Ceeb li'i, Toddobawgu caalee, yaan ku soo calmadayoon, Cagta aan ku soo dhigay, Balse beled Camaaraay, markaan ceelka kaagiyo, Cimrigaagi aan dayo, anigaa Ciyaaloo, Caano nuugga kuu ahe, Caan baad ahaydoo, dhulal maanta Ciidliyo, dhismo Caadka eegaya, Cariish iyo kulay tahay, Dhagax iyo Cammuudba leh, hortood baad caddaydoo, Curadkood ahaydoo, iyagoo Caleen iyo, Cigan hawd ka buuxoo, harraad lugu cagaagiyo, ciilayso Gaajaad, Cayshkooda noloshaa, Ceel-ka-dheere u ahayd, Welibana Camaaraay, inta laga carraabee, Magaalooyin Caawa ah, Ceelbuur un mooyiyo, Carardheere kula coda, intan ku cilmi leeyahay, adigaa u caan aho, Calankaagu dheeraa. Sideedana Camaaraay, runta lama callaalee, ruuxaan codkiisiyo, Cudud kuu huraynina, waa Canug xumaadoo, kugu caasinaayee, cafi oo dul qaadoo, ha caroonin Hooyoy. Culummada timaadiyo, Caammada musaafura, ciddii aan xumaan wadin, Martidaada cisee, Culuq iyo dhibaatiyo, Ceebaalka ka dhawr. Caaqilkiyo wax garadkiyo, Culummadan u sheegiye, haddii aad cashiirada, Cabasiyo Wattiin iyo, sunnadii Carfoonaha, Cashar aad ku siisaan, cadligiyo wanaaggana, Cirka aad ku laashaan, idinkoo hal Calan laho, Cudud mida ku hawl geli, Camalkii xumaadiyo, ninka curinayee wada, Cidda aad ka saartaan, Ciidda aad ku aastaan, ilaa Cimil Qiyaamuu, Cadawgiinnu hoogiye, Fiid iyo Caweeriyo, Casarkii yimaadaba, yuu Caajis imanoo, ku cel-celiya Waanada. Aniguna casiiskaan, calaacalo u doogtee, hooyadeen Camaaraay, adigiyo Carruurtiyo, Cirroolaha ku joogiyo, Waalid lama cadaabaan, iyo Coodka Xoolaha, Caddaan iyo Madowba leh, caafimaad ku waaroo, ku caweeya Nabad iyo, Ubax iyo Casuus iyo, Caaniyo damaashaad.

Jawle (Nin Jawle), 08-08-2007

Soomaali jawr iyo, qabaliya u jeeshaay,
jufadayda hoosiyo, jilibkiyo tagooggow,
labadii kun sano jeel, toddobawgu jaan go'an,
bil siddeed jibaaxdoo, siddeed beri jugaynee, 
anigoo jawaaloo, jareeradii adduun qaba,
nin jawlaan waxaan iri, raadiyaan jeraayee,
immisuu ku joogaa ? 

Nin jawlihii wuxuu yiri, toddobaatan jeer oo,
kuman buu ku joogaa, 

Waxan iri jilkaygiyo, jeebkaa i diidaye, 
ma jiraa dukaan kale ? 

Ma jiriyo halkii aan, ka sugaayey jaad kale,
wuxuu yiri jeraayow, geedkaa jirdoolee, 
jiiddaa ka muuqdiyo, jiingaddaa ka soo gado,

Dabadeedna jeestoo, jiingaddii markaan tegey,
nin joogaan waxaan iri, raadiyaan jeraayee, 
immisuu ku joogaa ? 

Wuxuu yiri siddeed jeer, toban kun oo jadiirliyo, 
shan kun ood ku soo jebin, 

Waxan iri nin jowlow, jid aan haatan soo maraa,
shanya tobanba kaa jaban,

Wuxuu yiri jeraayow, beryahaanba jawlaha, 
afkaa juuqda gebay oo, ascaartaa jikaartoo,
hubka jara arwaaxdiyo, jiib aan ka hoosayn, 
balse waxa jiruu yiri, ninuu jaadka uu hayo,
yahay beeci jeer hore, ee bal jaalle soo eeg, 

Waxan iri jidkiisiyo, jihadiisa ii sheeg, 
 
wuxu yiri jeraayow, foornada jalleecdee,
jiiddaa horteydaa, jiirada u leexoo,
jafkeeday Ciribey, uga jeedi doontaa, 

Anna jaaniskaygii, kama aanan jiifane, 
degdeg baan u jeestoo, jiiddii markaan tegey, 
nin jawlaan waxaan iri, raadiyaan jeraayee, 
immisuu ku joogaa ? 

Si kastaba Jibaalkaan, ku jeraayey raadiye, 
mirihiyo jawaabtii, Jaliil wuu i siiyoo, 
sidan faras ku joogoon, jeexayo waddadaan, 
jidka aan ku soo dhacay,

Balse waxan jeclaadoo, yaab igu jaguugiyey, 
reer jawle dhaqankood, jiilkii saxaabtiyo, 
jowhartii ad moodee. 

Bal an yaraha jeestoo, u jalleeco waayee,
beri baa waxaa jirey, Asaxaabi jaah laho, 
dukaankiisi joogaa, nin ku jarmaadoo, 
yiri jeexya kiilaad, Sonkor ahaan jeraayee,
iga iibi jaallow, 
 
Janno gale wuxuu yiri, jeexa aad hamaysiyo,
waan hayaa jawaannee,  walaalkeyga jaarkaan,
ilaa saaka jeer hore, ruux uu jalleecine,
jeraayow ka soo gado. 

Haddaan jiimka soo jaro, reer jawle waxan iri, 
sidi jiirta hiiriyo, reer muuno jaabbiri, 
oo wada jirkoodiyo, jamacooda diidayey, 
oo haddaad bal jaalliyo, jaal ka dhigo maagtood,
u tiraahdo juuq baa, wejigooda jimis iyo,
jactad uu ka duulaa,

Eebbaa Jaliil ahe, may aha jinkiinnoo,
jaajaale hoosiyo, is jamuuxis baa jira, 

ee jawle wacaney, inkastoo jaliilkey,
keligiis jamaal yahay, haddad saa ku joogtaan,
mustafaha jidkiiyo, jamacii saxaabada, 
sida jiilashoodii, in laguugu jeeloo, 
lugu soo jeclaadaad, jisa aad u leedahee,
 
markay Diin u jeeddaba, cadowgeedu Jabyey, 
Ilaahay ha kula jiro. 

---------------------
Max'ed Cabdi This email address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it.