Maalintii madoobayd ee musiibada ilaa maanta soomaali haysataahi heshay 26-01-1975:
Waxa aad indhahaaga ku daawanaysaa iyada oo 10 kii wadaad ee imaamyada ka ahaa 10 masaajid ee xamar ku yaalley, 
lugu hor tooganayo soomaali oo daawanaysa 26-01-1975-kii kaddib markii ay diideen xeerkii qoyska ee uu watey maamulkii
millaterigu, xeerkaas oo si toos ah u diiday aayadda 11aad ee suuratu-Nisaa, waxana loo tooganayey ma dhihi kartiin
ilaahay baa weyn oo aayadda dhaxalku waa xaq, isla markaana halkii aan ka xumaan lahayn markii ay dunidii muslimku ku
kacday gaar ahaan dawladihii carabtu, ayaannu bannaanbaxyo waaweyn ku taageernay maamulkii daalimka ahaa.

 Daawo waraysi guddoomiyihii haweenkii sababtooda loo toogtay culummada 
Riix Halkan 1  2  3 4 5

 Khudbaddii Dawladdii daalimadda ahayd ku toogatay Culummada 
Riix Halkan ama dhegeyso iyadoo maqal ah

Dhegahaaga ku dhegeyso "Diin ma jirto iyo wax ka sii daran" 
RiixHalkan


Sawirrada toogashada axaa kaaga muuqanaysa dhaqtarka hubinaya in uu sheekhu ruux baxay iyo in kale si hadduusan dhiman loo
dhammaystiro oo ka ash-ashaya oo uu dharkiisa caddaanka ah ee isku joogga ah, kala fogaanayaa inuusan dhiigga shahiidku
dharkiisa gaarin kaas oo sida ka muuqata uu u arkayey maalintaas mid isaga ka liita oo dhiiggiisu wasaq yahay, isaga oo sidii
saxaro qori dheer baa la isaga fogeeyaa u dhaqmaya, yaa u sheega in dharkiisa iska daaye hadduu maalintaasi diido ee lala toogto
culummada uusan adduunyo u shallaayeen ee uu dhibkeeda ka raaxaysan lahaa.

Aqriso magacyadii culummadaas oo eeg sawirradii goortii la tooganayey:

01- Sheekh Axmed Sh. Maxamed
02- Sheekh Muuse Yuusuf
03- Sheekh Axmed Iimaan
04- Cali Xasan Warsame
05- Xasan Ciise Iley
06- Maxamed Siyaad Xirsi
07- Cali Jaamac Xirsi
08- Aadan Cali Xirsi
09- Saleebaan Jaamac Maxamed
10- Yaasiin Cilmi Cawil
Wadaad tiirka lagu xirxirayo iyo carada ka muuqata wejigiisa iyadoo xoog loogu
sheeganayo shaarkii dawladdiisii soomaaliya
Wadaad dhallin yar ee alle dartiis naftiisa loo goynayo
Wadaad tiirkii lagu xirxiray Wadaad tiirka lugu xirayo indhahana laga duubayo
Wadaad loo kala dhaqaaqay isaga & tiirkii lugu xirxiray ee amarkii toogashada sugaya Askartii nasiib darradu ku dhacday oo culummadii tooganaya
Dhaqtarkii oo hubinaya si haddii uusan ruuxu ka bixin loogu sii wado rasaasta Daawo sida uu dhakhtarku gacantiisa ula laalayo shahiidka dhulka yaalla
Halkan ka Dhegeyso khudbaddii handadaadda shacabka ee uu hoggaamiyihii kacaanku jeediyey - dnmjrt - Marag-cad