Boggan yar wuxuu webka aamaguul.com ugu talo galay walaalaha soomaaliyeed inuu u fududeeyo xisaabta Percentage ka ama Boqolleyda, Dulsaarka iyo Raasumaalkaba, iyo weliba afarta xisaabood ee kudar, kajar, kudhufo iyo u qaybi. Haddii aad horey u taqaannay wuu kuu fududeynayaa oo Calculator ayuu kuu noqonayaa, haddii aadan horey u aqoonna aqri tusaalahan hoose:

Tusaale : Waxaan haystaa hanti ama raasumaal dhan 110 doollar, kaddibna boqolkiiba konton (50%) ayaan saaxiibkey siiyey, si aad u ogaato inta ii hartay iyo inta aan siiyey lacag ahaanba, waxan haystaa Raasumaal oo 110 ah iyo Boqolley oo Boqolkiiba 50 ah, waxana iga maqan Dulsaar oo ah lacagta aan saaxiibkey siiyey, markaa meesha ay ku qorantahay Raadso Dulsaar, labadan aad haysato ku kala qor, kadibna riix Batoonka Dulsaar, waxaad ogaanaysaa in aan saaxiibkey siiyey 55 doollar oo ah kala barka lacagtii aan haystay.


Raadso Boqlley %
Raasumaal
Dulsaar
Boqolley
Raadso Dulsaar
Raasumaal
Boqolley
Dulsaar
Raadso Raasumaal
Boqolley
Dulsaar
Raasumaal

Calculator:
A
B
=