Awow-u-eexo-ayey-ka-eexo.

Ayey ka eexoo, Awow u eexo, Hooyo ka eexoo, Aabbo u eexo
waa amarka haystee, soomaali agoonshey


1- Awowgaaga aabbaad taqaan labo awoowgiise
2- car bal sheeg ayeey aabbo iyo labo ayeeydeeda
3- ama sheeg ayeey hooyo iyo labo ayeeydeeda ?
4- sheegi maysid ayeydaadi oo xiran albaabkaase
5- waadiga xusaya odaygi oo qalaya awr weyne
6- miyaad aragtay beel habar xustoo ubadka soomaal ah ?
7- xusid iyo xusuusteeda daa xiran abaalkaase
8- faraciyo awlaaddeedi baad gawrac ugu jiidday
9- oo duhurya laylkaad madfaca jiibta ku asqaysay
10- inkaar hooyo inad doogsatood goysey ehelkeedi
11- ood odaygi uga hiillisoo eexu kula taallo
12- iiga noqo marqaatiyo inaad caasi tahay eebbe.

Additional information