Caasho-Luul

Caasha-luul 22-01-2010

Maansadan Caasho luul ee soo baxday 22-01-2010 waxan ugu magac daray abwaanadda soomaaliyed ee caasho luul M. yusuf oo aan Websityo ku arkay gabay ay ragga mas’uuliyaddoodii dayacay ku cambaareysay, inkastoona ay

run cad ka hadashay , balse eed aanuu raggu wada lahayn ayey ragga dusha ka wada saartay aniga waan ka gadooday oo waxan ka iri:

Caasha luul garaadey walaal gobonimoy heedhe inkastood walaashey gobaad hooyo tahay gaana oo tahay gartaayoo kul iyo dhiba ku gaareenna kolkaad samir garwaaxeedsataad guusha u dhaweyde haddaad geedka geysee dacwada guurti loo bixiyo ood ina rag wada gaartidood kala gunnayn weyso inay kula gembiyi waad hubtaa eedo gaamuraye gabdhayohow armaad gaabsataan maanta waa geline? Bal intaad ka garataan waxaa godob idiin yaalla si aydnaan u sii gelin god iyo meelan laga gaarin in yar baan gundhiyi oon xusuus idin garwaaqsiine iga gura gandoobaha jiriyo gooha waxa keenay ! Adoo gabara gashaantina ahoo jooga gurigiinni hadduu aw gabraaranahayaa diinti ku gabooday waalidkaa ka ganacsada ku yiri beecsha gabadhiinna hooyadaana guubaabisoy aabbe gelinsiisey inay giniga kugu iibsadaan geelna lagu siisto gabankaan daroogiyo aqoon gaadmadiyo beenta ee xilkiisa gudan lahaa haddaad gobanimaw raacdo golihiini loo diidyeyoo wuu ka gaabsadaye sow gar maaha guumays inaad gogol u doonyeyso ? Bal caashoy inuu guullahey guudka idin saaray oo haweenka gaar loo boqroo taajna lugu giijey ood geenyadiinnii dishood gawrac ugu jiidday adigoo gurbood dooni iyo guurka taladiisa anna aan geddaa uun ahoon kula gudboonaana ubadkiyo xuquuq gooniyaa gaar luguu qoraye masruufkiyo gasiinkana anaa guudka lay dhigaye weli gunno inaan kugu baxshoon tuugmo kugu goobo oon meher la soo guulabaa gaadda ley suraye! Caashoy waxaad gaasirtaan tiro ku gaarayne rag intuu idiin goohayoo idinna goobaayey adoo gama’sanoo gurigi iyo jiifa gogoshaadi guuraha habeenkii intuu godad ku haantaaqay goodaaddo qaar bay cuntiyo goodka halaqaaye kuwiise intaa soo gudbee geeri ka badbaaday haddaad gacanta sayrtood dabeed guufe u orgootay adigays geboo geeri go’an geeddigaw raraye maxaad nugu gashood caasho luul nugu garaafaysay ? Ninkan inu ubadki gaasiriyo gurigi sheegayso isagoo garaabada cunoo naago ku gandooda oo ay guduuteen ilkuhu ama gamuurmeenba gacaliso markuu kugu lahaa caashaq bay gubaya oo uu baryada golalayee hoos isugu gaabshey haddii aad shuruud goosatood gees u bixi weyso ood tiraa garaabiyo marabo geedo niman daaqa miyaad maanta geylami lahayd taloba waa goore? Bal inaadan gebin taadi eed uunki wada goysey markuu cayga qubayee gondaha foorar kugu gaaray haddii aad giriiftood tiraa wayga gana weyne nama soo galeen qaadkan iyo caasi ganac weyne oo guul ayaan gaari lahayn gees walboy tahaye bal maad berigi naga gaartidood qaadka naga goysid? Waaliddiinta qaar baa goboon iibsan gabadhoode oo guntiga u sii dhuujiyoo guurso ku yiraahe maalintaad genmayseed himmada caga gubyoonaysey oo aad geyaankaa rabtood guur u ololeysey sida geelya ari suuqa herer aad ka gadanayso ood saracda guu-guujisod gosha ka jiidjiidday yaad nimanka gaargaarisood goobo gelisaane garu waa islaam tii gashoo waadna garaneehe bal inaad garowdaan walaal hooda gefafkiinna ! 01 - waxad tiraa midkani gaari iyo guri ma uu haysto 02 - kan ma guursannoo hooyey tiri waa gun ehelkiisu 03 - kani waa gu’ weynyahoo ma rabo oday ma guursaayo 04 - kan waa gaabanyahoo gaari mayo goolka damacayga 05- kani isha ayuu gururiyaa geesta u qalloocda 06 - kan hagfuu ku leeyahay gondaha oo ku geli maayo 07 - kani waa gubtoo waa madow gibilka kiisaahi 08 - kani waa wadaad aan garayn gaadda ka ciyaarka 09 - kan garkiisa weyn baan nacaa guud i xaganaaya 10 - Kanna waan giriifoo jinkaa diidey gebigiiba. Sida weere ari goosmay helay dibir ku goobyaalshey sidad uun u kala guri raggood ugu gaboodayso tobankaa markaad gudubto iyo toban garaaddaaba ayumbaad garaabiyo sigaar goobti mudataaye oo aad gidaar ugu timaad geerash iyo qaade maxaad nugu gashood caasho luul nugu garaafaysay? Nin hadduu geyaankiis rabiyo guurka sharaftiisa ee tuu is yiri gaari iyo waa gob dhaqameeddi markii uu u gacan haatiyee guurki ugu baaqay il bu’deed giriifto huruuf goonyaha ka eegtay oo candhuuf u goob-goobatee tuurmo ugu geysey kana raacday goombare xumoo labada gees diiran maxaad nugu gashood caasha luul nugu garaafaysay? Haddii uu ku gebey oo caqligu dawgi garan waayey garawshiyo ma laha boqonta aad goyso adiguune adunbaa gafane hoos galoo seexday gogoshiiye kol haddaad adigu geyfantood ganafka taagayso kolna ay ku gadan aabbe iyo hooyadaa gacalo maxaad noo gubee ood dambaan galabsan noo saari ood noo galaafani dhammaan guud ahaan nimanka ? In kastoonse yara giirtayoon idin guhaadeeyey god quraan ku wada hoobannaa caasho gebigeene oo gaylankiyo waan kula qabnaa goosankiyo daale sidii cadow xisaabta u galoo goosha wada ruuga mahmaah naga gu’ weyn baa tiroo gelinkan maahayne sidaa baan u soo yara gudoon qaaday gulufkaane ma an rabin inaan idin genoon idin guhaadshaaye gondahaan ku haystaa haddoon tawbad gelayaaye idinkuna dhibaatada gunteed taa ha garan weyna. ! Haatanna heshiis baan galnoo waan guddoomiyaye aniguba guhaad waan qabaa geedka anan geyne haddii aan gocdana mawjad baa soo gufaacaniye waxanse dacwo uga gaabsadoon ugaga gooftiinna carrab gawski dhiigshaan nahoo goostay oo cunaye iska gaabsadoo caasha luul jooja gabaygiinna. ! ---------------------- NB:Maansada caasho Halkan ka akhri ama Halkan

Additional information