Buulaay Mareerey!

Buulaay_Mareerey - 02 Oct,2005

Buulaay mareerley belo iyo dhibaatiyo baas laga fogeeyaay, cid waliba ha baydhoo ba ballayso beentee taan u bogayo maantaay Inkastoon baddeediyo xogta hoose aan baran boqollaala qoysoo

kala beela baa dega Baallaha adduunyada dulmi wuu ka buuxaa balse buuladaan deyey beelu beel ma liiddoo ways wada bariidshaan. Bini aadan badan iyo badarrada la beecshaa suuqa baradi yaacaya. Galley iyo bariis iyo baasto iyo qajaar iyo babbaay iyo maangiyo nooc walboo bataatiya lugu beeray wabigiyo beerta roobka lagu shubo baa yaalla buulada. Weli waxa ku badanoy la baaxaadegeysaa xoolaha bidhaantood. Waxa weli ku badanoo ay banaadir dheertahay dibi baalla weynoo shaagag loo bineeyoo u baxaaya shaqadoo beel dhan biilka siinaya. Mid galleyda buubshiyo muruq maalku badanaa gabar baradho keentiyo beeralleydu badanaa Isgaarsiintaa buubtoo hawadaa birqaysiyo hawal wadeenku badanaa. Cismaan baabka diintiyo jecelaana baari'a! ugaas xamar u baxay oo bira dheer ka keenoo golweyn soo balleeyoo qaar ku soo ballaminaya badanaa shaqaaluhu. Inkastoon ammaan badan buulo soo butaaciyey kolley ceebta baabkeed bini waad ku leedahee marka buubku uu dhaco boorku galo Hawadaa qof samboor ka buuxsamay biiftiisu badanaa.

Additional information