Aw-xaadhe
AWXAADHE TAXIYAAN WADAA 24-11-2005
Iyada oo la hubo in ay jiraan dad ila mid ah ayaan anigu si gaar ah ku ahay in aan u murugoodo asaxaabta iyo saaxiibbada aan kala fogaanno, taas oo aad ka garan kartid maansada AWXAADHE oo xusuusta awgeed
ay tahay maansada ugu adag maansooyinkayga waxan kaga hadlayaa asaxaabteydii Jabuuti oo aan 13 sano wada noolayn.
Haddii aan yar taabto magacyada asaxaabtaydii ee maansadan ku jira waa:
1- Muxummed Awxaadhe oo ah nin gabyaa ah oo aan afarrayda is dhaafsan jirnay. 2- Axmed Yuusuf (Axmed Waraabe) oo ahaa nin harqaanle ama dawaarle ah, ina baray dhar tolista. 3- Ibraahim Harikow oo ganacsade iyo Goomiiste ahaa. 4- Maxamed Aadammo oo ka shaqeyn jirey Goomiistahaas, lahaana emailka aan gabayga ku diray. 5- Jamaal Shamax oo nin ganacsade Maqaaxiyadeed ahaa. 6- Faysal oo maqaayadda Shamax ka shaqeyn jirey. 7- Axmed Siciid (Af-Guriye) oo Abwaan gabayaa ahaa. 8- Sh. Jimcaale Ibraahim oo Sheekh diinta fidiya ahaa.
Asaxaabtedydii aan maansadan ku jirin oo aad u fara badan waxaa ka mid ah:
09- Sh. C/Laahi Cali Geelle oo ka mid ahaa culummada waaweyn ee soomaaliyeed. 10- Sh. C/Kariim oo aynaan kala maqnaan jirin. 11- Axmed Cusmaani oo lahaa harqaankii meheraddayda Telefoonka ka soo hor jeedi jiray. 12- Cabdalla Cali oo harqaankaas ka shaqeyn jirey. 13- Cabdulcasiis oo ahaa nin oday ah oo isla harqaanka joogi jirey.
Sidoo kale dumarkii aanan weligey illoobi doonin ee Qaadka ku iibin jirey hortayda waxa ka mid ahaa:
14- Qaali Yuusuf Wacays. 15- Cosob Jaamac Yoonis. 16- Maryan Cabdi Nuur. 17- Safiyo Carabeeto. 18- Xusni. 19- Malyuun. 20- Dayibo. 21- Ilhaan. 22- iyo kuwo badan oo aan halkan lagu soo koobi karin. Waxan magacyadaas raacinayaa saaxiibbadaydiii qaaliga ahaa ee geeriyoodey ilaahay raxmaddiisii Janno ha ka waraabiyee Sh. Cabdillaahi Suubbane oo ahaa Sheekh Tafiisiirka Qur'aanka ka aqrin jirey Masjid Xamuudi, oo aan maqlay in intii aan Jabuuti ka soo maqnaa uu u soo gurmaday ummadda walaalihiisa ee soomaaliyeed, kaddibna baabuurkii uu la socday shil kula galay soone Jowhar, iyo Ibraahim Aadan Abtidoon oo markii aan Jabuuti ka soo tegayey agaheeda ilaahay oofsaday. Aqristow dhammaan magacyadaas aan kor ku soo sheegay iyo kuwo kale oo badani ilaahay dembigooda ha dhaafee waxa ay ahaayeen asaxaabtayda, garabkayga, walaalahayga iyo weliba ehelkayga maadaama ay soomaali oo dhami ehel tahay. Sidoo kale dhammaan ummadda reer Jabuuti qof-qof aanan aqoon mooyaane waa dad wada dahab ah oo aan la heli karin wanaaggooda, runtiina soomaali oo dhami waa sidaas oo kale ee qabiilka ayaa facood ka reebay, allow yaa qabiilka iiga reeba, waxay ii noqon lahayd jannadii firdawso Janno kale ku sugo (Janno, Janno ku sugo). Raalli ahaada haddii aan qoraalkan sii wado bad kale ayuu i gelinayaa oo waxan ka baqayaa in uu qalbigaygu dib ugu dhoofo waayo-hore, kaddibna uu miyirkaygu dib u soo laaban waayo, maansadiina waa tan:
Awxaadhe taxiyyaan wadaa diintu waajibiday marka xiga war aan kuu sidaan wiqiyadaynaahe dad walaal ah oys weheshadoo weelna ku casheeya oo waalidkood aabbe iyo hooyo walambaydo umbay kala wadaan waayahoy kala wareejaane Anigiyo adoo waynahey waaxid qiranaaya oo weli walaal sii ahoo magac wadaagayna oo aan wadaag dhaafnay oo weli u sii guurnay waqtigaa na kala weecshey oo no wacaal tiraye balse weelka dhiiggiyo wadnaha kala wareynaaya iyo xididka weysada ayaad iigu weyntahaye halkii aan warshubo waa' horeba kaa waraysanayey oon xamarta weyn H/wadaag taarka ku wareershey waadigaan i werin oon wadiyo canug i waydiine Wax kastoon walaal doonayoo aan ka wadey eedo ka wareegtay oo wowga rogay wiilka maansada e awxaadhe wabar iyo ugaas tan iyo wuufuule inta uu wareer haysto ee weerar lagu haayo iyo kuwa walaac uga qaxee gaal ku wiirsanayo wedka iyo wax dheefkaan walaal nahay wadaagsimo e balse weedha hoos baan u geli baabka igu wayne axmed kii waraabuhu necbaa wayl markuu cunayo oo weli ilaahay jeclaa Wow markuu dhigayo Ina yuusuf waagii beryaba waan xusuusnahaye harikowna waa gaar markii Warac la soo qaado oon weligi xaqa naas wareyn Waa'na lagu sheegin iyo aadammoo loo wan qalay baan wakiishadaye Wabarkeygi shamax ee wacnaa iyo wanaag faysal iyo ina siciidkii wadnaha waax dhan uga yaalley ramadaanka weynaha allee diintu waajibiday shanta iyo waqtigu haaf markuu wiishku ugu yeero riwaayado codkiisii wadaan dhego u weelaaye markaabey farxadi ii waddaa waay an garanaahe anigoo Sheekh jimcaale baa wiriqiyoo weedhi soo jara e uma aan kaceen wayso iyo walimmo mooyaane intii aan wersheen waafinnimo walac ka soo siiyey iyo qaar waraaqda an ku ool oon ka waabsanayo waa garabki aan weheshadoon waayo kaashadaye adigoo war iga siini oo ii warrami xaadhe i waraabi oon bay wadiyo wahab jacaylkiine.