Ardooy

ARDOOY, 22-05-2005

Maansadan yari waxay ahayd maalin baa aniga iyo gabar aannu si qaraabo u ahayn oo kaftamayna ayey igu tiri walaalow waadiga gabayada tiriyee ii tiri gabay duco ah, anna kaftankii baan ku yara godoo, waxan shardi uga dhigay in ay

beesha ila caydo taas oo aan lahaa bal yara dareensii xumaanta qabaliyada, iyadiina tiri oo maxaan ku caayayaa, anna iri iska daa haddaba duco ma rabtide, balse markii ay cabbaar yara jeesjeesatay tiri bal waa yahay waan iskala kaa caayi, adigaana mas'uul ka ah wixii dembiya, markaa ayaan iri haddaba intii hadhowto nala wada tuuryeyn lahaa iska daaye, labadan neef ee idaha ah ee adiga guriga kuu jooga xannaanee oo u naxariiso intaas baan ku beddeshaye, waana tan maansadii yareyd:



Adigay dardaarmoo ardoy ii ducey yiriye
laba daran middood dooro baa deegta noo surane
haddii aan dureershee ducada kugu dul miisaamo
adna aad dameer iyo dugaag ciis u dacayeydo
ciddu inay ka diirtoy dagaal nugula soo duusho 
on hadhow dariiqaas dig iyo dood la mari weyno
iyo inan ducada daysto ood ciiska darajeydo
labadaa ayey doorantehe deyso hadalkaaga!

Dib haddaan u soo laabto ee dulucda sii aado
inkastoodan ii dirin ducaan gaar u dacaleeyo
dabcan deelka waan kuu maraa kuuna daabiciye
balse dano kalaan leeyahoon taa ku doorsaniye
waa inaad idaha daajidiyo nayshan daballaaya
iyo hooyadeed daynaboo dayrta dhali doonta!

Haddii aad docdaas yeeshidood diidey oraneynin
soo duwo farqaha doogo oo ducada miisaamo!

Dareen iyo habaar daalay iyo belo dabayshayda
inta diiratiyo duul wax dhiba dunida sii joogey
iyo qaar damboo debin kaliyo doobba iman doona
eebbahey darfaha kaa mariyo meelo kaa durgsan.

Additional information