Xasuuqii 7 dii gabdhood ee walaalaha ahaa ee Maarsamegge Gobollada Dhexe 30-07-2013, 21 Ramadaan 1434 tix-raac |
01- Bir-ma-geydo ayey ahaayeen oo isma difaaci karayn. 02- Saqiirro ayey ahaayeen oo ma qaan gaarin. 03- Agoon ayey ahaayeen oo aabbo ma lahayn. 04- Aabbahood horey baa loo dilay oo caadi uma dhiman. 05- Gabdho ayey ahaayeen (dheddig) oo rag ma ahayn. 06- Toddoba (7) ayey ahaayeen oo 1 iyo 2 ma ahayn. 07- Saq-dhexe ayey ahayd oo maalin ma ahayn. 08- Hurdo ayey ku jireen oo sooma jeedin. 09- Baadiye ayey ku noolaayeen oo raaxo ma haysan. 10- Abaar ayey ahayd oo hanti laga dilan mayn. 11- Riyahay hanti ka haysteen xabbad baa lagu dilay oo dhaqan aadane ma ahayn. 12- Ariga lama gawracin oo la qalan mayn. 13- Ramadaan 21 ayuu ahaa ee waqti kale ma ahayn. 14- Aarsi qabiil ayaa loo dilay, cidda loogu aarayeyna iyagu waxba uma dhibin oo xitaa haddii la weydiin lahaa maba aqoodeen. 15- Mar keliya ma dhicin ee maalin walbay dhacdaa, qabiil keliya ma samayn ee Soomaali oo dhan baa ka siman. 16- Abtiris aabbe ayaa lagu dilee haddii dhanka hooyo la tiriyo odayga 1aad ama ugu badnaan 3aad ayey isugu imaanayeen. 17- Xal kale ma leh ee dhallinyarteenna ehelka hooyadood ka soo jeeddo ma baraynaa mise MAYA ? - Bal caddaynta eeg |
© All Rights Reserved aamaguul.com | Contact: webmaster@aamaguul.com | Designed by Mhmd aamaguul.