Waa dhugtii oo maran, waa qoom dhammaan raba, dhumin rabo faciis oo, dhaayaha ka qoslayo, 10-08-2013
Asc wwt,

Salaan guud ee dhammaan ummadda soomaaliyeed ee afkayga hooyo ku hadasha, gaar ahaan bahda warbaahinta & Qof kasta oo damiir soomaalinnimo ku dambeeyo,

Waxan wada ognahay dhibka haysta magaca soomaaliyeed, tusaale kooban XASUUQAN OO KALE, dhibkaas oo maalin walba dhaca, sababta uu u dhacana waa qabaliyo, qabaliyona waa abtiriska aabbe oo la caabudo (wixii aan gar iyo gardarro ama ha ila saxnaadaan ama ha ila qaldanaadaane aan amarkiisa qaato waan caabbuday), abtiriska hooyana la xasuuqo, sababta loo yeelayana waa aqoon la'aan ehelka hooyo, hoosna loo eegayn, haddii la aqoon lahaana soomaali ma dileen soomaali kale, taasna waxa keenay iyada oo caado xun la qabatimay oo ah keliya sidan baa la ahaan jirey, halka sartu ka quruntayna cid horey u tilmaantay aysan jirin.

Dhibku markuu bato ayey culummo iyo caammaba yiraahdaan qabiil waa xunyahee ha la iska daayo, ha la iska daayee sidee la isaga daayaa, cid tilmaantay ma jirto, waxay yiraahdaan alle ha loo noqdo oo halaga baqo, haloo noqdee qaabkee loogu noqdaa, dembigeese alle laga galay oo looga noqdaa, cid tilmaantay ma jirto, haddii ay jirtayna ma aanan arag, annaga oo idilna saamaynteed ma hayno.

S.Darteed, cidda arrinkaas ifintiisu ugu fududdahay waa Warbaahinta, warbaahintuna 99% waxay noqdeen aan dantayda sameeyee wax aan liqo i sii, sida kuwa aan maqlay, marka albaabkiisa qashin buuro ku noqday uu arko cid ka qaadi rabta uu qoray la soo boodo kuna yiraa LACAG BIXI halkuu lacag iyo duco isugu dari lahaa.

Haddaba waxan si walaaltinnimo iyo dadnimo ku jirto idinkaga codsanayaa in aad arrinkaas u dhaqaaqdaan, dhan walba ayuu sax ka yahay;

- waa qaraabo iyo rixin xiriirintood.
- waa amar alle fulintiis.
- waa walaalo midayntood.
- waa dal dhan nabadayntiis.
- waa cidday nabaddeennu dhibayso jabkeed.
- waa hayb-sooca iyo xaqiraad af jariddiis.
- waa xumaan oo dhan soo af xirkeed.

Anigu waxba ma reeban oo kumannaan gabayo iyo qoraallo ayaan ka sameeyey isla arrinkaas laftiisa sida SIDA QAYBTAN YAR, website-yo aan ugu dirayna way iska tuureen, waxayna ku beddeleen fannaanad hebla oo si weyn loo soo dhaweeyey, bal maxay fannaanaddaasi horumar qaran iyo dhiig joojin ka tartay, waa dhug iyo dhego la'aan, waa qoom dhammaan raboo, ficiisii dhumin raboo, dhaayaha ka qoslayaan.

NB:
 Fadlan ha u qaadan sida quluubta Website-leydu u badantahay oo ah in aan xayeysiis ku rabo, in aanan xayeysiis ku rabin una baahnayn waxa tusaale idinkaga filan Website-kayga AAMAGUUL oo aan lahayn wax sawir ama Animation ah, haddii aan rabo in aan website yadiinna dul dhigo kayga anigoon idin warsanna intii garanaysaa way garanaysaa in ay iga xigto 150$ keliya oo aan bixiyo, S-Awgeed walaalayaal waa danteenna ee u naxa saqiirradaas waa walaalihiin, waa dadkiinnii, way idin jeclaayeen gardarro cad ayaana naftooda lagu dhaafiyey, kan dhaafiyeyna wuxuu sabab ka dhiganayaa kuwo iyaga la mid ah in sidoo kale laga yeelay isaga, laakiin waxaa ka maqan in kuwii hore iyo kuwan, iyo soomaali kasta ee ku dhinta dunida daafaheedu ay isaga ka wada go'een.

Walaalayaal haddaanuu jirin ruux aamminsan in isaga oo dilaya ama dhacaya amaba walaalkiis dilayo ama dhacayo habaryarihiis ama abtiyaashiis, in taladiisu toosayso yeynaan fududaysan arrintan, ee keliya wax kale nagama rabtee sida aan maalin walba u qorno maqaallada faraha badan ee Sports,  Music, Films iyo ila qosol, aan iyadana u qorno way nooga wada qiimo badantahaye, magac bixinteedana haddii aad doontaan ka qaata bogga aan horey ugu sameeyey HOOYO MACAAN sida MOTHER NETWORK ama sidii kale oo aad u aragtaan ee ujeeddadaasi noogu fulayso .

NB2: Xal ma noqonayso maalin walba Odayaal baa kala dhex-galay, ciiddammadaa la kala qaaday, diyo ayaa la kala qaatay, dhabar jebin baa la sameeyey, Hilfaha ayaa loo qaaday, meel heblaa la qabtay, waa wax aan joogsanayn, ee xalku waa inoo Mother Network.

CODISI Gaar ah:
Fadlan ii soo sheeg haddii aad heli kartid address yada labada abwaan ee Soomaaliyeed Prof. Abwaan Max'ed Ibraahim Warsame 'Hadraawi' iyo Macallin Abwaan Axmed Siciid Daahir (Afguriye) oo isagu ah saaxiibkey aan muddo badan is moognahay.

Quluub xiran ayumbaa jirtoon geli kareyn qawle
qalbiyada in khushuuc dhex dego qaaddir igu caawi.

Allow tolkey soomaali, cudurka haya ka tuur, 
allow tood u toosiyoo, tubta wacan ku beeg, 
is taageerto iyo allow Taa'ibiin ka yeel
allow teennu kay dhibee, tuurtaa ka jebi
tarankeenna oo go'iyo, iyagoo tarmey
talo ay ku goosteene, allow taa ka daa
toogan mayo sidoodee, tayda ii toosi.


Maxamed Cabdi
webmaster@aamaguul.com
Malaysia.