Walaalkey baa walaalkey dila, walaalkeyna walaalkey dilaa
Waa hadduu ii beryaba, Walaalkey baa walaalkey dila, walaalkeyna walaalkey dilaa, waxase taa iiga daran, Inay somaali wareersaney, warkan oo idil warba u hayn:
Waxa na gumaaday, nana dulleystay waa Qabiil ama Qabaliyo, Aqriyow ilaba yaabe, dhibku halkuu ka yimid waa inuusan jirin ruux soomaaliyeed, oo aan aniga ahayn, oo yaqaanna micnaha ereyga (Qabaliyo). Hadduu jirana wuu la aammusanyahay oo waa xaasid.
Markan hadalkaa leeyahay, iskama dhihin ee dhib badan, welwel badan iyo soo jeed badan baan ka soo dhex helay, waad maqashaa wax garad ama culummo ka qaylinaysa dhibka qabaliyada ee ma maqashay hortey ruux fasiraya waxa qabaliyo tahay, oo leh Qabaliyo waa ABTIRISKA AABBAHAA CAABUD OO U SUJUUD, ABTIRISKA HOOYADAASE  KUFSO OO DULLAYSO.
Tusaale yar oo haddaad ku garan wayso, aadan weligaa garanayn waa kan:
Dagaalkan ay 2 maalmood ku geeriyootay 30 meeyo qof, dhaawucuna badanyahay, welina socda, waxa lagu dagaallamayaa haddii abtiriska aabbe la Cayr & Saleebaan, haddii abtiriska hooyo la eegana Anigan oo Cayr la igu sheego waxa hooyadey dhalay AUN AXMAD MAXAMUUD GUULEED, kuwa saleebaanka lagu sheegayana marka laga reebo kuwo magac Qabaliyo ugu soo gurmaday, intooda badan waxa dhashay oo ay faraceedii yihiin AXADO MAXAMUUD  GUULEED oo weliba toos u dhashay oo ay hooyadiis tahay Macallimka waayeelka caanka ah ee isagoo weli nool 70 jirraduu Qur'aanka soo baray beri hore geeriyoodeen qaarna  noolyihiin, xaruntana ku leh oo haddadan deggan Degaanka ama Tuulada Korodhi ee hadda dagaalku agteeda ka dhacayo, waa Macallim Xuseen Axmad Aadan Gooje, oo abtiris oday ahaan saleebaan ah,
sidoo kale FAADUMO MAXAMUUD GUULEED waxay dhashay AUWN  Weheliye Khayrre oo caan ah kuna aasan Gadoon, labadaydaas ayeeyo ee aan sheegayna dhashoodii marka la isku daro waa dhawr boqol oo saleebaan ah, oo mar walba anigan walaalahayga cayrka ku weerara Cayrnimo oo keliya, walaalahayga cayrna iyaga ku weeraraan Saleebaannimo oo keliya, mana ahan iyaga keliya ee soomaali oo idil ayaa sidaas ah yacni MOTHER NETWORK, sidaas ku garo cinwaanka kore ee ah in Walaalkey walaakey dilo, walaalkeyNA walaalkey dilo.
Marka iyada oo uu dagaalkan ku dhintay walaalkay ila dhashay oo aabbahay dhalay dhanka kalena ku dhinteen Hooyadey  labadeedi eeddo ee aabbaheed la dhashay  ubadkii ay dhaleen oo aniga walaalahay iyo waalidkeyba ah, oo iila siman walaalkeygaas ay iyagu dileen,  caqliga keenay in dagaalkan loo tiiriyo Cayr iyo Saleebaan kala tirsada 22 awoowe, sow xitaa kama liito qof Fuusto aalkole ah ka laacaye ka dhergay?, weliba waxan kuu sheegay waa kuwa dagaalku toos uga dhacayo ee saleebaanka kale iyo dhammaan soomaalida kale sidaas bay walaalahay u yihiin (waa haddii dhanka hooyooyinka la eego, dhanka aabbase Nabi Aadam baan isugu imaanaynaa), oo xitaa walaashay Da'da iga yar ah ee igu aabbe iyo hooyo ah dhawr iyo tobankeeda carruur ah waa saleebaan sidaad u dhigtaan, waxanna ka baqayaa in ay haddeer iga dilaan cayr waalan oo ka hirqaday sunta qabaliyada, waanse uga digayaa inay iska ilaaliyaan Allena waan u baryayaa inuu ka ilaaliyo balaayda sumaysan inshaa allaah.
Waxan qoraalkayga gaabane micnaha weyn leh ku soo koobayaa Daliisha Qur'aanku caddeeyey in dadka qabaliyo ku dagaallamaahi dhegaha, Indhaha iyo qalbiga ka xiranyiin aayadda 27aad ee Baqara, aayadaha 20 ilaa 25aad ee Racdi iyo aayadda 22 ilaa 24 ee suuratu Muxammad (scw) iyo xadiiska Nabigeennu scw ku sheegay in Qabaliyadu gaalnimo tahay labada isku isku dishaana Ahlu naar yihiin ee aadan u baahnayn inan tilmaamo oo soomaali oo dhami xafidsantahay.
SIDAAS DARTEED,
Waxan leeyahay Culummo ku sheegta  u jideeyey Caammo dhega weynta  inay carruurtooda ma-kastada ah isku xasuuqaan si Tacsidii ay iyagu jideeyeen ugu helaan Baruur ay daaqaan, iyagoo markay is cunayaan u hareera taagnaada sida Libaax raq dishay ay waraabaha iyo haadku u hareera joogaan iyagoo sugaya intuu ka dhergo ee ka tago, 
Haddaad Alle iyo Qiyaame taqaanniine caqligiinnu halkaas idin dhigay, Rabbi ka cabsada ee dhiigga carruurta Qawlalladiinna ka da’aya iska daaya, Arzaaqdii Alle idiin qoray waad cunaysiin oo gaajo u dhiman maysaan ajashiinna horteede, haddaadse kas & garasho u samaynaysaan, Rabbi ha idinka qabto addoommadiisa, haddii aad wadaadow sidaas yeeshee Alle talo saarato waad ku filantahay, haddaad diiddose,
Waxan leeyahay Odayaasha caammo dhega weynta ah ee laftoodu culummo ku sheegtaas  u daba taagan raqca carruurtooda, ee ku lafo ruuga, caqliyeysta oo yaan carruurtiinna cad baruur ah oo aad isla idinku bixisaan la idinkaga iibsane ummadda u daaya nolosha & horumarka,  hana I dhibsannina waayo haddaad idinka & wadaaddadiinnaasba qiimo leedihiin dhashiinnu gabdhihiinna saqiirrada ah ma qixiseen, Nibiriga baduhuna ma liqeen, waddammo ajnebina kama tuugsadeen, Odayow haddaad yeeshid sidaase Alle talo saarato waad ku filantahay, haddaad diiddose
Waxan leeyahay carruurta dhallinyarada ah ee xaabada colaadaha laga dhigto, is-garta Culummo iyo Oday ma haysiine idinku is badbaadsha oo intaad idinkoo marras ah qaxooti u wada qixi lahaydeen, walaalo run ah baad tihiin riximkiinna raadsada oo barta, qabaliyo way ku dhammaane, Arzaaqda dalkiinnuna way idinka badantahaye wadaaga , oo is nabad geliya, adduunka kalena nabad geliya jinsigay doonaan ha ahaadaane, cadawgan geeridiinnu guusha u tahayna idin dhihi maayo Dila oo cid kale ma haysiine, markay dagaala idiin yiraahdaanba, wejiga uga candhuufa iyagaa is xurmo tiree.
Xusuusnaada, ma jiro cadow guud ee Bini aadamku leeyahay oo aan ka ahayn nafta iyo shaydaan, sidee buu walaalkaa dalka kula leh cadow kuugu noqon karaa, iyadoo kuwa dibadaha kaa jiraahi kaa nabad badanyihiin, maadse is weydiisid, waxa adigoo la dhashay uu kaaga cararee kii ajnebiga ahaa u soo dhaweynayo, waa inaad dareenkii dadnimo ka tagtay, ee miyir iska doon-doon oo is taataabo bal inaad nooshahay.
Ogaada cadawga keliya oo aad leedihiini waa shaqsiyaad danta jeebkooda keliya wata, ha noqdaan soomaali ama ajnebibiye, balse  adeegsada magac kale sida Qabiil hebel, Gobol hebel, Hebel Hebel, Dawlad hebel.
Inay sidaas tahay waxad ku garanaysaa anigan oo Itoobiya ka baqaya ayaan 1996 u tegey Viso maraykan ah, 4 billod oo 3 maalin la’ baan ku noolaa Addis abeba, nabad iyo wanaag ka badan kii aan Xamar ku oogay baanna ku noolaa, keligayna ma ahayn ee malaayiin soomaali Muqidisho ah ayaa ila joogtay, aaway cadawga itoobiya markaas?
 waa majiro oo cadawgu waa kuwa siyaasadda iyo dhuuniga isku haysta, dabcan in labada kala gaar ahaadaan waa qasab oo intii wada joogtaa isku wareertee haddii qolo kale ku darsanto dhibkaa sii kordhaya, laakiin waa in labada shacab isla dhaqmaan, isna kaalmeeyaan kalama maarmaane, markaa qabiillo soomaaliyeed way ka sii mudanyihiin oo iyagaa toos isula noole ha la is nabad geliyo oo ha la wada cuno nimcada ilaahay.
Wabillaahi Tawfiiq.
Allow xaqa na tus

 
Maxamed Cabdi.
aamaguul@hotmail.co.uk

Tex-raac