Sow Habaar Hooyo maahan
40 Dukaan oo hal mar la dhacay iyo Nin Soomaali ah oo tuugo Koofur Afrikan dukaan ka boobeysay si layaab leh uga badbaaday.
Sida uu sheegay dukaanle ku nool dalka Koofur Afrika oo la boobay dukaan uu lahaa 48-dii saac ee lasoo dhaafay, waxaa mid kamid ah dukaanleyda Soomaalida ah uu ti taakikadeedu sareyso uu uga baxsaday dukaankiisii kadib markii xilli habeen si kedis ah ay ugu soo yaaceen dad careysan oo caruur haween iyo dhalinyaro isugu jiray.

Dukaanlaha arintaan cadeeyay ayaa waxa uu yiri, innaga oo jiifna ayaa kooxaha boobka geysanayay ay irida hore ee dukaan aan kujirnay ay ganjeelkiisa baabuur ku xireen kadibna ay jebiyeen kuna soo yaaceen arintaas oo dhalisay in aan irid danbe ku cararno oo aan uga bad-baadno qaarkeen halka mid naga mid ahaa uu ka gaari waayay in uu si sahal ah ku baxsado kaasoo ugu danbeyn iska dhigay nin boobka wax kawada horayna alaab u qaatay oo dhex maray qolyihii boobka waday.

Waxa uu intaa raaciyay, "Waxaa la boobay afartan dukaan oo Soomaali leedahay. Waxa wax dhacaya waa dad isku deegaan ah oo horay noogu hanjabi jiray in ay naboobayaan si aan dalka uga baxno."

Dalka Koofur Afrika ayaa waxa uu caan ku yahay boobka loo geesto dukaanta Soomaalidu ay leedahay, gubitaan iyo dilal hub loo adeegsado oo lagula koco Soomaalida arintaas oo noqotay mid xal loo waayay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com
 
Maxamed Cabdi.
aamaguul@hotmail.co.uk

Tex-raac