Sami Hooyo & Abwaan Gahayr
Dembigiisa allaha dhaafee Abwaan Gahayr, waxa uu maansadan SAMI-HOOYO ee uu sameeyey June 2007 ku muujinayaa qiimaha hooyadu leedahay, isaga o abwaanku soo qaadanaya aayado quraana iyo axaadiis sharaf badan oo sheegaya sida ay diinteena wanaagsani inoogu dardaartay in aynu u samafalno waalidka guud ahaan gaar ahaan hooyada, ugu dambeyna waxa uu Siciid hooyadii macaan, si gaar ah uga codsanayaa in ay ku sahaydo duco,  safarka waxbarsho ee uu ku tegayey dalka Pakistaan, waana tan maansadii:


Suuban hooyadayduu, saatir igu abuuraay

Sanad gaw ah oo ay, sadex bili ka dhiman tahay
sidkaad igu xambaartoo, calooshaadu sabo iyo
saldhig aan ku ladayoo, suubban bay ahaydoo
suudiga kulaylkiyo, saymaha qabawgaba
sar bay noqotay dadaysoo

Horaadkaaga saxada leh, caanaha ku sugan baa
soor ii ahaayoo

Sida awr la dhaanshaad, igu siday tunkaagoo
dhabtaaduna sariir iyo, salli bay ahayd aan
si yar ugu gam'aayoo

Soortana markaan naco, igamaad samraynine
sasabaad in badan aad, igu siisay dhuuniga
safradaha ka ciidmoo

Harraad ruuxda solayaad, siman iga kaxaysoo

Saantayda qaawani, dhar baad uga samaysoo
silic inaan muquuursamo, raaxad iiga saantoo

Nadaafadi waa sade, siifad iyo adaa qudhun
saxar iga fogeeyoo

Suug iyo rasaas kulul, waad igala socdaashoo
surinkii ammaanaad, sees iiga waabtoo

Sawdkaaga wacan iyo, sabaalada galgacalka leh
sadarada ammaanta ah, waayaad igu sabeysoo

Seken iyo gu'yaal iyo, saacadaad daraaddey
surmi qaabilaysoo

Safaad iyo markuu cudur, sahansado naftaydana
awgay abad saqdii dhexe, soo jeed ku raagtoo
saxo caafimaad baad, ii sahaminaysoo

Suuradaydu gooray, saxansaxo udgoon iyo
saac kuu ahaydoo

Jaahaagoo sansaan wacan, sawirkiisu leeyaad
ii soo bandhigaysoo

Sarkaalnimiyo darajaba, adaa ii suntaayoo
in aan qayrkay sare maro, waad saadaalinaysoo

Samad igu anqarisoo, faralyada la sugay iyo
sunnayaal habboon iyo, safxadaha kitaabkaba
sid baad igu dardaartoo

Adigaa salaaddiyo, igu ababshay soonkoo
danbi aan sameeyana, iga siiyay waanoo
saalix inaan ahaadaad, sacabbada u tumaysee

Saamigii naftaydaay, sokeeyihi i xigayey
sallaankii i qaaddaay, suubban hooyadeeyey

Saaxiibtinimo runa, in samaan laguu falo
saman tagay rasuulkaa, saddex goor ku celiyoo

Sabab baad u tahay ay, safka muuminiintii
ku siibmaan janada oo

Fardawsiyo sareedada, saadaasha ay fili
dar wanaagga sahaysaday, waxa ay ku sugan tahay
sagxadaha cagtaadoo

Samad wuu cadhoodaa, sanifaadi goortaad
na saluugtid hiifkoo

Sagsaag iyo uf reebyoo, hadallada saxnaanta leh
inaan kugu salaannoo, an ku sawaxannaa buu
saatir nagu amraayoo

Sanadkaaga oo weyn, ruuxa aan u samafalin
in saciira lagu rido, malag baa sanaadhsoo
nabigaa sax yidhiyoo

Ado dhabarka igu sida, sigashada anoon dhicin
naxdin kugu sinaatana, sagaal aan ku qaadaan
la sinmayn culeyskoo, saa'id dheer baraa oo

Subaxaad i dihatiyo, ilaa sabankan maanta ah
waad i saacidaysoo

Siigiyo dabayl iyo, saxariir i daaraa
sun bay kugu ahaayeen

Saamigii naftayday, sokeeyii i xigayeey
sallaankii i qaaddaay, suubban hooyadayday

Haddii aanad sintaydiyo, sabarkayga taagnayn
saxna ii tilmaamayn, sumcad maan heleenoo
so'dan aan ku noolnahay, sayid kama ahaadeen
summaddiisu khayrtee

Sambabkaa ku jeceloo, sadrigaa ku naadshoo
wadnahaad ku sugantoo, indhahaad siraad iyo
ilays ula sansaantoo

Sidad iigu mudan tahay, ma sifayn karaayee
soonaha jidhkaygaan, seere aad ku negiddiyo
sakad kaaga dhisi laa, hadday suuro galeysee

Waxaan kugu sagootiyay, suuradaha furqaankee
duco aan ku sama baxo, sahay iiga yeeloo

Saatir waxan ka naawilay, ku sugnaan islaamkiyo
soo noqod is aragliyo, nabad la isku keen simo
 

SAMI-HOOYO By: Siciid Maxamuud Gahayr
--------------------------------------------------------
Maxamed Cabdi.
aamaguul@hotmail.co.uk