Somaalaay haraadiya, Reer Hooyo inkaar, 24-05-2013 00:50
Somaalaay haraadiya, Reer hooyo inkaar,
Abtiyaal habaarkood, Habaryaro inkaartood,
Hiqda tii ka tiri ee, Hargadaha u yaal iyo,
Haamo looga buuxshaay,

In inkaar ku hayiyo, Hedda waa ad garatee
balse cudurka ku haya,  Halka uu ka jiriyo
dawo heli waydaay !

Anaa kuu haya oo, kugu hagi karayoo
hal hargalo qura baad, caafimaad ku heliye
Allow yaa hagoogtiyo, gufta haanka dhegahaa
Huufar kaaga bixyoo, hawadaasi ku dara ?

----------------------------------------------- 
Maxamed Cabdi.
aamaguul@hotmail.co.uk