Qabiil-Qabiil Muxuu yahay?!
Abtiris aabbe ku werdiye, abtiris hooyo ku wiirso
Reer aabbe ku waalee, reer hooyo wadnaga goo
Weynahaaga caasiye, wehelkii ibliis noqo
Rixinkaaga wareeriye, raxankuwaa walaasho
Waalidkaa necbaysee, wacallo u nacamley

Adigoo iska wacnaa, waawarey u hoyaad
Waddankaaga karaahsee, dal shisheeye u waalo
Naxariis walwalsee, walbahaar u hilow
War qabow ka baxsee, wedkaagii u dagaag

Xeero weyn collaysee, gaaweeto u wahley
weelkaaga gembiyoo, weel kale ka dawaro
Weynahaa khalqigiis, weligaaba argaggixi

waxaagii ka waalee, wax dadow u qal taag
waayaha adduunyada, wax ku deeqa la waa

-------------------------------------
Maxamed Cabdi.
aamaguul@hotmail.co.uk