KU GARO
Habaar hooyo inuu jiro, Soomaali habaajiyey, daliil baan u haystaa, ah middaane iga hoo!
Allaa mahad leh, rasuulkiisana naxarsiis iyo nabad gelyo allaha siiyo.

Dalkeenna Soomaaliya annaga ayaa gacmaheenna ku burburinnay, qofka hantidiisa ugu qiimaha badan gacmihiisa ku burburiyana waxaa cad in aan miyirkiisu dhammayn oo ay wax u dhimmanyihiin, waxyaabaha keena in qofka miyirkiisu tago waxaa ugu weyn Habaarka waalid, markaa in soomaalida habaar waalid la degay, miyirkooduna joogin:

01- KU GARO: Jufo walba oo soomaaliyeed waxa ay qool ugu jirtaa oo dhibtay oo nafta u keentay, oo ay meel ay ka gasho la'dahay
jufadii ama ubadkii ay walaashood dhashay. 02- KU GARO: Iimaan la'aanta iyo damaca waalan ee kursi doonka ah ee ku dhacay inta badan ummaddii soomaali la dhihi jirey. 03- KU GARO: Maalin walba waxad arkaysaa beelo leh waa la i dhacay iyo reer hebel 1001 (Kun iyo Kow) wasiir ayaa la siiyey, anigana 1000 (Kun) keliya ayaa la i siiyey, ee arki maysid hal Beel oo soomaaliyeed oo oranaysa shaqsi aan wax gelin ayaa la ii magacaabay, aad ugu fiirso yaanuu kaa hoos bixin hadalkaygu, Haddii beeshaas 10 nin oo xabsiga ugu jirtay tuugannimo iyo qaatilnimo laga soo saaro ee wasiirro looga dhigo, beesha kalena 9 nin oo nadiif ah loo magacaabo, waxay u haysanaysaa in ay beeshaas 1 wasiir dheertahay oo ay ka sed bursatay, ma taas baan waalli ahayn ? 04- KU GARO: Ruux madaxnimo sheeganaya ee intuu dhalay iyo intii dhashayba har iyo habeen gumaadaya oo aan haddana danqanayn ee dhayle iska daaqaya miyaa habaarrayn ? 05- KU GARO: Kuwa uu gumaadayo oo haddana isagaas ilaahay iyo rasuulkiiba ka jecel, ee kaas miyaan habaarrayn oo miyirkiisu joogaa? 06- KU GARO: Markii aad qof soomaali ah caammo iyo culummaba ku tiraahdo war iska daa waxan adigay kuu daranyihiine, ama duqdaan miskiinta ah ha kufsanin waa ceeb iyo dullinnimee, sow kama baqaysid in ilaahay aakhiro ka hor cudur xun kugu rido, wuxuu hadal kaaga billaabayaa wax aan alle ii qorin igu dhici maayaan, isagoo iska dhigaya qof iimaankiisu buuxo. 07- KU GARO: Qoraallada iyo qayla dhaanta iyo maansooyinka ay intaa har iyo habeen soo hurgufayaan wax garadka soomaaliyeed
ee intaa ku dhaca dhego layr u daloola oo ay raacsiinayaan dabaysha xagaaga. 08- KU GARO: Wax garadkaas laftiisa oo markaad qormadiisa ama maansadiisa qiimaha leh website ka daalacato, ee aad is tiraa maashaa allaah qofkan baa kula dareemaya dhibka jira kulana raadinaya xalka dadka iyo dalkaaga, marka aad la xiriirto maba ahan qofkii qoray ee waa qof sidaada oo akle aqriyey, markaad isku daydo in aad bal kala hadasho dhibka jirana wuxuu kaala hadlayaa gujis cusub oo ay soo saartay shirkadda Toyota, markaad is tiraa bal waa mashquul ama wuu daallanyahaye mar dambe isku soo laabta, intuu kula ballamo ayaadan dib dambe u arkayn. 09- KU GARO: 70 jirro soomaali ah ee 2 ama 3 sano ka hor ka soo qaxay dalkii ee haddii aad tiraahdo dhibkaas baa maanta dhulkii ka dhacay kugu oranaya, ha ii sheegin, waxaas anigu mar hore ayaan iska xiray baabkooda oo wararka Website yada maba akhriyo. 10- KU GARO: Hooyadii soomaaliyeed lafteedii oo garan weysey in ay wiilkeeda ku tiraahdo Hooyo macaanow ha layn abtiyaashaa, haddaad diiddana dadkayga ha layn oo aniga ha i asal tirin, hadaadan yeelaynna intii aad farac dhan habaar u soo jiidi lahayd ee qaran dhami dartaa u dumi lahaa, hooyoy allaha iga kaa qaado, ma yeeline iyadiina way ehel beeshay, wayna ubad beeshay. 11- KU GARO: Madaafiicda sidii roobka ama dhimbilaha, amaba gaaraa bidhdoodka dabka ugu shubmaysa ee iska daa cid kaloo u naxdee aysan iyagii isu naxayn, oo xataa iskaba daa isu nixitaane aysan dareensanayn in uu dhib jiraba, hadde dhib aan jirinna ma dhacdo in la xalliyo, sidaas darteed suurto gal ma ahan in soomaalida maanta xal keento illeen maba ogee. 12- KU GARO: Dadyow aan iyaga ahayn ayey u yaqaanniin cadowgooda gaamuray oo soo jireen ah, haddana way arkaan in cadowgaas dadkiisu u tarmaan iyaguna ay sii baaba'aan, haddana maba ku soo dhacdo in arrinkaasi jiro. 13- KU GARO: Ruux kasta ee wax is bida, hanti ha haysto ama Urur ha noqdo ama xitaa dawlade, tallaabadii uu qaadaahi waxaa shardi ah in ay danta guud ee soomaaliyeed dhibaato weyn u geysato, taas oo iska daa gudaha ee xitaa kuwii lafahooda kala cararey dhibaato ka daba geeyaan, ee ma kuwaa baa miyir qaba? 14- KU GARO: Haddii aad qashin buuro noqday qaad oo fogey maagto, guriga uu ku hor go'naa qofka leh baa lacag bixi kugu leh, ee ma kaas baan habaarrayn ama miyirkiisu joogaa? 15- KU GARO: Haddii aad qof wanaaggiis u sheegto wuxuu is leeyahay waxa dhici karta in uu dan ku watee, intuu dantiisa heli lahaa adigu dantaada ku seeg, ma ruuxaas baa miyirkiisu joogaa? 16- KU GARO: In uu Dareenkeennu dhintay sida aynu ula dhaqanno xoolahan aan dhaqanno ee ilaahay noogu nicmeeyey, halkan kaga bogo: AHLU-NAAR DUQOOBAY. 17- KU GARO: Kufsiga aynu maalin walba kufsanno dumarka waalidkeen ah, gaar ahaan waxan ugu jecelnahay kufsiga habaryarteen, iska jir aqristow yeysan ku qaadin xamaasad beenaadkeennii is tuska & ha lagaa sheego ahaa, dumarka jufada hooyadeen ka dhalatay gebigood waa habaryaraheen, marka aynu kufsannana waa annaga oo kufsannay habaryarteen, haddii aad tiraa, haddii ay habaryaheen yihiin maxaa guurkeedu noogu bannaanyahay, Aadanaha oo dhami wuxuu ka soo farcamay 2 isku aabbe iyo hooyo ah, ee weli ma dood baad ka qabtaa marka aynu kufsanno gabar ka soo jeedda beesha hooyadeen ka dhalatay in aynu si toos ah u kufsannay habaryarteen ? 18- KU GARO: Warbaahinta soomaalida, sida Idaacadaha, Website-yada, iwm 99% waxa ay noqdeen aan dantayda sameeyo ee wax aan cuno i sii, haddii aad tiraa qoraalkaas soomaali buu dan guud u yahay oo ku horumaraysee 1 kaaga bog ku daabac, wuxuu ku leeyahay Lacag iska bixi, balaayo hele miyuusan Soomaali ahayn, miyuusan se ogayn hadduu daabaco in ay ShortCut isaga u tahay oo haddii dalku hagaago, hawl dhib badan oo uu qaban lahaa ay u soo yaraanayso, ama halkuu 20 saacadood ka shaqayn lahaa uu 1 saac ka shaqaynayo, ma ruuxaas baa miyir caafimaad qaba ? Lama soo koobi karo abwaaniinta soomaaliyeed ee maansooyin iyo gabayo fara badan ku sheegay in habaarkaasi jiro sida Dix-dhagaxeed, Doqonniimo iyo Daafacul balaayo S.darteed ayeynu ku baaba'aynaa oo ku naar tegaynaa ogaal la'aan, cadawgeenniina si uusan weligi u qoslin ayuu u qoslayaa, waayo maba ahan wax aad ka filan karto cadow si adag iskaga kaa celin jirey in ay sidan oo kale ku dhacdo, sidaas oo ah dareen la'aan, maxaana keenay qabiil walba iyo jufo kasta ee soomaaliyeed hooyadood baa habaartay, waayo habaryartood bay kufsadeen, abtigoodna dhaceen oo dileen, laakiin waheeeey, wahey! wahey! .., quful Allaa ku xirane si ay sababtii looga furi lahaa ula yimaadaan, yaa mar qura miyirka iigu soo celiya oon habaar waalid qabin? war wax kastaba tijaabise e, oo shir kastaba la idiin qabaye, oo goob kasta oo ihaano fariisate e, ila tijaabiya hooyo oo aan ka cafis dalabno mar qura, tijaabo uun keliya illeen maba aaminsanidine. Ilaahow ay aqbalaan oo ii toosi dad kale ma lihi oo iyagaan ku gawracanahay, iyagiina wax ma maqlayaan, ee allow maanta ha nugu dhaafin dhibkan, intan ka badan ma sii qaadi karnee. W/Q. Maxamed Cabdi (aamaguul) aamguul@hotmail.co.uk