Hoyataye allow hooyadey haro jannaad seexi
08 Dec, 2004
Haadi'ow xumaan ka hufanow mahadu kuu heerllan
waxan qiri inad haaddi tahay keligi haystaana
uuna jirin ilaah kaloo harkiyo koonkan kula haysta

nabi muxammad haashimi cabdiyo hawl karihi diinta
waxan qiri hoggaankiyo inuu yahay halyeygeennii
nabaadiinan kuu haybshey iyo haybo naxariisa

xamdigiyo furfuradkii haddaan hilinki qaadsiiyey
kariimow milkiilaha heddiyo  haarrig iyo raaxo
keli hodon keligi hayste aan  lugula hawshoonin
wax kaa soo haree amar leh baan koonka lugu haynin

wax wax kula hantiya oo jiraan labo ku haasaawin
lama haynin lama haayo oo lamana hayn doono
adigow horreeyoo allow horey u soo joogey
adigaw dambeeyoo haddana eebbe hari doona.

adaa meel cidlaa ka hindisoo jire habeynaaya
inta kale waxaagii horey kala hogeeyaane
adigaa hanuunshaa wixii qaata hadigaaga
oo haddana halaajaa wixii diida hadigaaga
cid kalena haddey heli karee waxay hammoonayso
nabigaa u hoyn lahaa adeer harac firdawsaade
ku xir hadalka juuqduu gaboo xiran hawraartaaye
 
Intaan adi ahayn haarrigliyo habaqle weeyaane
horreeyiyo dambeeyaba adoo hanti leh mooyaane
adoo keligi haystaa allow hodana mooyaane
inta kale hunguri baa wadiyo baahi hurinaysa

wixii adiga kaa soo haree loogu hebel yeero
in horiyo in joogtiyo intii haatan iman doonta
wixii aad halbawlaha jartaan kaalmo loo heline
cid anaa u hiillaa tirina horey u mey sheegan
haddii uu ibliis haatiyey haatan kibirtaana
way hafani fircoon iyo sidii qoladi haamaane !

hadduu horin u hiishiyo hadduu uunkan wada haysto
midad hiiftay baan weligi helin wuxu u haaraa e
ma hargalo midaad hoojin ood nolol ka haateeye
ma harqamo midaad haaban ood huub ka bixinayso

ma dulmidid hal khayrliyo midan  diinta haramayne
qof kastana wuxuu halabsadaad hoorso oraneehe
welibana in heelaad tirtaa hore u dhaaftaaye
isku soo hulqiye hibadu waa waxad hannaysaaye
hoogtana allow waa ciddaad adi halaajayso.

Aniguna halkaas baan ihiyo hebelladaan sheegay
hal ka mida addoommadan ahoo waan hoggaansamiye
sida awr hayina baan rarkiyo hilayga qaadaaye
ibliis bay hayoon haatan aan la herjedaayaahe
inu igu hiluu doonayaa waxay halaajaaye.

anna sida nin beer haad ka galay maro u haataaya
hoyhoyda qayliyo car baan ku hurgufaayaaye
haddeer baan afeef hiishanoon hoolka sii dhigane
allow waxan hilmaamiyo waxaan khalad u soo hoorsho
helay inad cafee labada ood hooli ood tiriye
halgankaanse shaydaankan baas kula haliilaayo
halgaaddaan ku rido een holeen dhagax ku hoobaayo
haleeshii wadnaha oo la xoor waan ku haybsadaye

Waa hudur ibliis cadow ahoo hooro weyna ahe
kama haysto hibo tiisa iyo halo kuwiisaaye
ma arkayo halkuu joogo iyo muuqa haraggiise
isna haragga muuqdiyo bal daa heegadaa sare e
himmogolobka dhiigguu ordaa kuna hoyaadaaye.

Waxan hooska kiisiyo arkaa hootadiyo soorka
yaan ugu hujuumaa halkaan ugu hagaagaaye
amaan hiil u doontaa halkaan uga helaayaaye
hortaydaa wax joogoon arkeyn ina huruufaaya
maaro looma haayoo allaa lugu halleeyaaye.

Yaa haaddi haad loo kacaba hiil adaa gala e
oon deeqa lugu haybsadaa kugu ahayn hawle
sacabbada anoo hoorsan oo sare u haataaya
yaan hoorka daadinon ilmada hibitiqleynaaye
oon luqunta hoogaaminoon hebed ahaanaaye

Sida ruux gu'yaal haajiroo waalli u hadaafay
shimbiraha la heesaaya oo  hawdka ku abaaday
oo aan heddiyo kala aqoon waxa u hiillaaya 
haamaan ka dhaanshaa hawiyo gebiyo haawaa e

Inkastoon helaadkaa sariyo hilibka buurnaaday
inkastoon allow haykalkiyo hilibka weynaado
harraadkaad arkee iyo allow huurkan iga muuqda
oon sida nin orod soo hayoo dhawr habeen gudayey
aan dhidid u hooraayo oon una hinraagaayo                 
oon arar u soo horay marshiyo ereya hawraara
hooyaan galliinkeed ahoon kuuna hoos imide
wixi aan ku haybsado allow  ii hibee cawada
oo hurdada baryaan uga kaceen haygu soo celin

Hooyo aaminood uumatood hanatayood leedahay
oon hebello kugu haysta jirin hayb ku raadsanaya
halkii ay ku dhalatiyo haddaan waayo hore eego
hambalyiyo carfuudiyo dhulkii heer nageys degayey
noloshiyo hiddihi aabbeheed lama huraankiiya
dab-ku-dhabe habaaskii jiriyo boor hawada buuxshey
higlaygii jaleel beerahay haad ka dhicinaynsey
habeen dheelmad himamawgi ay ari horboodeysey
lebimaay hareerteedi iyo hubuqdi xaasweyne.

haadaanti doloq iyo dhegliyo meelo hagardaamo 
oo hantaatiqeeyoo fartiyo suulku kala haaday
xaynuur  hashii heetisiyo halo abaar jooga
oon haro biyood iyo lahayn webi hareereeya
hanfigii warshubo oy darxumo ugu hagoogeysey
oo biyaha laga haybsho oo jiro harraad weyni
oo fuusto laga hoorsho oo la isku haaraamo.

omasooro lugu hoobtay ee looga kala haaday
aabbena go'doon uu heloo sebenku heeteeyey
hooyadey halkaas bey cidlada keli ku hootowday
oo adaa warkeed haaya oo joogey hilinkaase
un buu malaga haadaahi yimid hiifta uga qaaday  
way ka soo huleeshoo adaa soo hayaansadaye
adaw horay hibooyoo allow haatanna ka qaaday
Hoyataye allow hooyadey haro jannaad seexi.
  
Hooyo aaminood uumatoo hibada taadaana
adduunyadi adoo soo hayoo soo habeynahayey
baad eebbe soo oofsatood soo hayaamidaye
allow soo hijrootoo adduun kala hadaafeene
allow kuu hilowdoo adey kuu hanweyntahaye
mana hayso ciday hoos tagtiyo hoysimaad kale e
hurgumadi adduunkiyo allow haahdi sakaraadka
allow raaxo hurudsii si uu uga haraa daalki..

Hanfi bay ka soo haajirtiyo horor adduunyaade
hoobaan bislaatiyo allow hohob cagaar weyn leh!
Hawlihii adduunkee allow muuqi harameeyey
har qabowleh hodon aan dhammaan  hoo dheh idankaaga!
Habrihii xantiyo duunyadey shalay ka haareysey
hablo xuural caynoo allow sheeko halabsiiya! 
  
Anigana ducey ii hurtoy ii huleelidaye
iyo ubadka aad haaddi'ow hibada ii siiso
inteenaan hareeraha adduun joogo hammadayga
iyo ehelka kaygee halkiyo hore u geeryoodey
nugu hay halkii loo bogee huurka laga dhawray
oo nolol hagaagtiyo nasii caafimaad hanada
hadhowtana haleeshii naftaan hooyadeed gacalo
iyo nabigi heer haashimee ina hoggaamaayey.!  Qurux hillaacaayey
 
Maxamed Cabdi.
aamaguul@hotmail.co.uk