Qiso-Xanuun-badan-Hooyo
Waxaa la yiri Wiil baa wuxuu lahaa xaas iyo labo caruur ah, waxaa la noolayd hooyadiis, waxayse ku noolayd nolol aad u liidata, qol yar oo ciriiri ah oo la mid ah meelaha Eyga cidda u jooga lugu xiro, hooyada waxaa mar walba canaanan jirtay, caayi jirtay oo aad u xaqiri jirtay xaaska wiilkeedu qabo, isna dan kama geli jirin oo xaaska ayuu aad u raalli gelin jiray, carruurta ayey uga tagan jireen wiilkeeda & xaaskiisu iyagoo iska dalxiis taga markii ay doonaan.

Markaa waxaa dhacday in maalin maalmaha kamid ah uu xaaskiisa iyo carruurta u wado meel shopping ah, kadib hooyadii ayaa tiri anigana maanta hala i wado lugo baxsi uun ilmaha ayaan ku daalay sidaan u hayaye, awal hooyada waxay u hayn jirtay ilmaha, wiilkeedii iyo xaaskiisa ayaa oo aad u dhibsanaya ayaa si quursi ku jiro u yiri waayahaye bal iska soo bax.

Waxaa la tegay meel Dukaan ah si alaab looga soo gato, wiilkii xaaskiisu waxay soo qaadatay alaabo  faro badan oo uu ku jiray Dahab qaali ah, carruurtiina mid walba wuxuu doono ayaa loo iibiyey, weliba wiilka ayaa xaaska iyo carruurta mid-mid ugu lahaa waxaad rabto qaado, hooyadu waxay ogayd in aan iyada cidna waxba u iibinaynin sidaa awgeed waxba ma aysan soo qaadan, ugu danbayntii markii meesha lacagta lagu bixinayay la taagan yahay ayey hooyadu aragtay faraanti yar oo cajabiyay mase ahayn mid wax lacag sidaasa joogay.

Halka wiilka xaaskiisu dahab badan soo qaadatay, hooyadii ayaa faraantigii soo qabsatay oo iyadoo baqaysa ku tiri wiilkeedii: Hooyo macaan anigana faraantigan ii iibi waan ka helee, durba wejigii wiilka xaaskiisa ayaa is baddalay kaddibna ninkeeda hooyadiis aad u canaanatay iyadoo leh: waa maxay waxaad ku hadlaysid, waxaad tahay duq duqowday ilmaha keliya noo haay, waa maxay waxaad qaadaneysid?

Wiilkii ayaa isaguna sii raaciyey: waa run xilligaan maxaad iska qurxinaysaa, xaaskii ayaase sii dib ka sii raacisay iskase daa ilmaha ayey noo haysaa alaabtana way noo dhaqdaahe ha iska qaadatee.

Hooyadii ayaa intay ilmaysay iska tuurtay faraantigii oo tiri: wiilkaygiyow sidaad adduun iiga illaalisay adigana ilaahey naarta ha kaaga ilaaaliyo.

Waxaa halkaas ka muuqda hooyadu weli iyadoo sidaas ay u xumeeyeen wiilkeeda iyo gabadhii ay soddohda u ahayd in ay weli u sii ducaynayso, marka hooyo waxaa hela qof nasiib leh, Alle ha noo daayo.
------------------------------------

Maxamed Cabdi.
aamaguul@hotmail.co.uk