Hooyo, Abwaan Luqmaan
Hooyadu inay qaali tahay  hubanti weeyaane
layskuma hayoo waa midaan  hadal ka taagnayne
waa geed harweyn oo khalqigu  ku hiranayaane
aabbahoo halgamayoo naftiyo huraya maalkiisa
hadalkii rasuulkay xaqnimo uga horraysaaye
halka diintu saartay jannada gelisay hoosteeda
hiiroo in ayy tahay ayaan helay akhbaarteede

Sagaalkii bilood ee horeen hurudnay uurkeeda
hakad baa tallaabadii galoo hiirgab bay noqotay
hilibkiyo bariiskiyo cuntada ka hortimoo diidday
barar baa hareeyoo hurdadii toos u heli weydey
waxa hawlay hooyada ilmaha ku hilan uurkeeda
iyadoo habkaasey mar qura soo herdiday fooshu
halhaleel nafteediyo markii hadadii loo yaabay
hiilkii ilaah baa ilmihi hore u soo dhaafay.

Iyadoo hafeefaysa oo habayo dhiiggiina
horaaddada intay noo dhigtay weliba noo heestay
caanahay habeenkii innago hurudna ay qooshto ********
hore nagama siisee iyadaa ku hormartoo eegta
halis iyo dhibaatay intaa naga hor joogtaaye
hareeraha ayey eegaysaa gogosha hooskeeda
ammaankeenna ayumbay hubee had iyo gooraale. *********

Qofkii hooyadii nooshahow hadal xun haw quurin
ha ku oran war ay ka hakatoo huriya laabteeda
qofkii hooyadi nooshahow waa hantiyo maale
war waa hibo ilaahay watiyo hodanka deeqdiise
haddii hooyadaa ay hantiyo halal ku weydiiso
oo aadan haynoo markaa heli kareyn taagga
haye hooyo hadalkaagu waa inuu ahaadaaye.

Harka galay habeenkoo dam yiri hiirta waaberiga
waxay ku hammidaa waa in aan horumar gaarnaaye
hoombow haddii ay dhashiyo hacow ka sii liita
hudur iyo halyey baan dhaley ku hanjabaysaaye
habaar nooma quudhee ducay na huwinaysaaye
qofkii hooyadii nooshahow hadal xun haw quurin
ha ku oran war ay ka hakatoo huriya laabteeda.

Hooyadeen ilaahow ka hay dhibo halaakeeya
hodonnimo ilaahow ku sii dunida hooskeeda
caafimaad allow ku huwataa had iyo gooraale

haddii uu waqtigu soo galoo malaggu hoomaayo
hawl yaraan ilaahow naftiyo hadada loo qaado
hogga iyo ilaahow qabriga hanato tawxiidka
halka lagu hakaniyo barzaqa harac qabow seexi
ilaahow jannada halacsataa iyo hibaaqeeda
halkii qiyaamada allow hagar la'aan dhaafi
haawiya ilaahow ka hay naartu waa halise
halkii nabigu joogiyo allow lagu hagaa kharyka.

Hal abuurro baa jirey iyagu hore u faalleeyey
hadraawiyo Carays Ciise waa ugu horreeyeene
oo heenki af soomaligay hore u qaateene
halkii ay dhigeen aniga oon hadal ku gaareynin
intaasaan ku soo hooriyoon ku hakinaayaaye.
halkii nabigu joogiyo allow lagu hagaa kharyka.

Dhegeyso Abwaanka Codkiisa
 
Maxamed Cabdi.
aamaguul@hotmail.co.uk