Hooyooy Macaan - By: Cabdinaasir Sheekh Biixi
Hooyooy macaan maalintaad uurka igu qaadday
ilaa maanta oo ay gadhkii cirradu maanshaysay
waxad aniga igasoo martee maama ku haleelay
miridh keliya abaalkaa ma gudo oo markhaati lehe

adduunyada haddaan magac ku helo waliba maamuusba
madaxwayne hadday iga dhigaan oon martabad yeesho
maalkaa adduunyada haddii midigta laysaaro
mar qudhoon ku eegtaa ka roon maama ku idhaahdo

micno malaha dunidani haddaad hooyo maamuline
ma tisqaado nin an hooyadii maandhow odhanayne
ma illaawin maanlintuu madfucu midigta kaa dhaafay
masiibadii jirtiyo adiga oon murugba eegaynin
cabdi meeyey waataad lahayd oo markhaati lehe

mid hadduu xanuunsado ilmaha amase meel aado
maankaagu inu maqanyohoo aad u murugooto
ninkii maanle wuu garanayaa muranka diidaa e
ma danaysid adduunyada kaleba ubadka mooyaane
muraadkaagu waa inay ilmuhu magac lahaadaane

gucla orodka waxad maalintii milic la roorayso
waxaad tahay macallin edebtiyo cilmiga falagga maareeya **
haddii laba marxalo ila kulmaan oon mid ku abbaaro
mudnaanteeda koobaad adayskale oo midigtii baad tahaye **

maalmo weeye dunidani marbaa laga masaafuriye **
mawd hadduu ku helo ood adduun macasalaamayso
macaaneey haddaan kaa hadhoon madasha sii joogo
mugdibaa aniga lay qoroo muranla weeyaane

balse mawle wuxuu noo qaddaray lagama maarmaane
mid iftiima kuu noqoy qabrigu oon mushkilad oole
naxariis mug wayn baa ilaah magane waydiine
nabi muxamed wehel kaaga dhigo ood micii noqoto
midigtana lagaa sii kitaab waa martabad wayne
malaa-iguhu garabkaaga iyo midig ha joogeene

maalintii qiyaamee khalqigu uu ka murugoodo
kuwa maalintaa loo xusheen milicdu aafaynin
mawlaan baryaayaa inaad farax la muusooto
oo muftaaxi jannada eebahay midigta kuu saaro

anna xarafka maansada waxaan miimka u abbaaray
mawleheennu sidii uu na yidhi ee muxamed sheegay
muxubadaan u qabo hooyaday macallinkaygiiya
masalooyinkay ii dhigtaan maanka ku hayaaye
magaceed ha raagee murtaa loogu daw galaye
mawlow ilaahaw adigu marinka noo toosi
magantaada adigaannu nahay oo na maamula e
maankayaga allow geli micnahad dunidan noo keentay
oo shaydaanka naga moos adaan kuu miskiin nahaye.
 
By: Abwaan C/rashiid Sh. Biixi
absirashids@hotmail.com
 
Maxamed Cabdi.
aamaguul@hotmail.co.uk