HOOYADU WAA LAMA HURAAN - By: Carays Ciise Kaarshe
Maansadan saarka ah waxaa hal-abuuray (AUN) Carays Ciise Kaarshe, Hooyada oo haysata darajada ugu sarraysa ee xuquuqda ee dhan walba ah wixii ilaahay ka soo hara, marka laga reebo tan suubbanaha oo dhanka diinta u gaar ah, soomaalidu way tumatay xuquuqdaas abaalkeediina way heshay, wuxuu yiri abwaanku:


Ha' looxaa lagu dhigaa, higgaad waa la akhriyaa
hagaag waa loo socdaa, hor waa loo sii hoydaa
hadal waa la hindisaa.

Ha'dii kale waxaan lahaa

Muddaan uurka hurrudnoo, culays bey hayn jidhoo
talaabtey la hakatoo, xanuun bey la hingatae
hooyadu waa lama huraan.

Ha'dii kale waxan lahaa

Habeen goor uu bartamay, caanihii bey nagu habtoo
horaadkey noo dhigtoo, dharkii bey na huwisaye
hooyadu waa lama huraan

Calooshaadoon hif oran, adiga oon ka haqab bi'in
hunguri ma haweeysatee, hooyadu waa lama huraan

Hadaaq goor aad tahayo, tallaab adan holi kareyn
adoo ciiddii hambaday, dhaqsaba waa ku hinjisaye
hooyadu waa lama huraan

Afkaa aan ku hadalniyo, hannaankeeniyo hub-qaad
hagaag bey noo bartaye, hooyadu waa lama huraan

Innaga oon haybad qabin, hal beesa aan suubsan karin
habaaskeey naga huftoo, waa tii noo hiillisaye
hooyadu waa lama huraan

Si aannaan halis u gelin, hungurigay suubisaa
dhaqsaba hoo nama dhahdee, intii ey ka hubsataa
iyada yaa ku hormartee, hooyadu waa lama huraan

Reerku hadduu yahay hayaan, hayinka aan saarannahay
hoggaankey haysatoo, hoos bey kaala hadashoo
intii aad ka huruddaa, waa kuu heestaa haddane
hooyadu waa lama huraan

Cilmiga shiikh ku-hormariyo, nin haamaan ah iyo hanad
iyadaa soo hayn jidhaye, hooyadu waa lama huraan

Haddii loo baahdo hiil, geesiga loo habar wacdiyo
fuleyga aan haadka hubin, iyada soo hayn jidhaye
hooyadu waa lama huraan

Deeqsi aad soo haybsatoo, hamuuntii kaa ba'shiyo
bakhaylka aan kula hadleyn, iyadaa soo hayn jidhaye
hooyadu waa lama huraan

Aabbuhu waa hawsha guud, iyana hoos bey haysaa
habayntii guriga iyo, hoygii bay noo huftaye
hooyadu waa lama huraan

Geed yara kaa hooshay meel, haddii aad haah dhahdaa
hubkii bey ka handaddoo, iyada oon hagar lahayn
haw waa tii soo dhahdee, hooyadu waa lama huraan

Odagu waa haajiraa, hawuu meel ugu kacaa
hadduusan mawtku helin, hortaadey taagantee
hooyadu waa lama huraan

Habeenkaad soo dhaxdaa, hurdada aad uma heshoo
qalbiga waa ka hammidoo, hilow bey kuu qabtaye
hooyadu waa lama huraan

Horey adigoon ahayn, dadkii bey u hanjabtoo
halyeey beey kaa dhigtoo, ammaan bey ku huwisaye
hooyadu waa lama huraan

Abaarta hawaarsatiyo, harraad meel loogu go'ay
heyhaata uu dhaanku yahay, cirkuna haawanahayaa
halihi ey soo heshaa, haddey hoo ina dhahdaa
innaga oon soo hambeyn, waatii aan heensannoo
hamuunteedii horiyo, dhib bay la hagoogateye
hooyadu waa lama huraan

Sidii awr haamman wada, dusheedaan halabsannoo
hah goortaa nama dhahdee, waa noo sii hoorsataye
hooyadu waa lama huraan

Marada ay nagu hantiday, haddaan hoos uga dhacnaa
wadnihi bey ka hinqatoo, calooshey ka halcataye
hooyadu waa lama huraan

Alaabta horteeda taal, haddaad laad ku hurguftaa
habaar weyn kuma dhahdee, inyar bey ka hifataye
hooyadu waa lama huraan

Hilowlaha ay dhashaa, haddii meel laga hayaa
asuu haaraa habeen, waa tii hoogaysatoo
ilmadu ay hibitiqdee, hooyadu waa lama huraan

Haddaan been lagu hadleyn, wadnaha hawdiisa iyo
halbowlaha dhiigga wada, hareer baa laga dhigoo
halkey joogaan iyagu, yaa loo soo wada hoydaye
hooyadu waa lama huraan

Hantida aad leedihiyo, wixii aad haabataa
haddii loo siiyo hibo, abaalkood lama helee
hooyadu waa lama huraan

Heddaadu haddey gashaa, hog goortii lagu dhigoo
wadaadduhu kula hadlaan, aabbaha looma hal wacee
Waxaad tahay inna-heblee, hooyadu waa lama huraan

Adduunyadu waa haween, halkaa laskuma hayee
nin doonaba ha hadlee, hooyadu waa lama huraan

Hirar gaagaaban iyo, hawada yaan ka hadlayaa
waxba anigoon hambeyn, hubaashiina aan hayaa
hooyadu waa lama huraan

Hanfada ruuxii noqdaa, hawraar kaama hantiyee
waxba anigoon hambeyn, hubaashiina an hayaa
hoyadu waa lama huraan.
 
Maxamed Cabdi.
aamaguul@hotmail.co.uk