Habaarka waalid & xiriirka ka dhexeeya Daroogada.
Xumo lagama waayo adduunyee inta aanan u gelin qormadeydan gaaban, waxan xusuustaa xaafad ka mid ah waddamada Afrika ayaa waxaa ka jirey dhallinyaro isticmaasha kiniini daroogo ah, oo sida ay iyagu u haysteen dhaafsiiya welwelka adduunyo,

laakiin xaqiiqo ahaan ka qaada dareenka qiirada, ama aan dareemayn wax kasta oo xumaan ah oo lagu sameeyo, dadka aan isticmaalinna waxay kiniinkaas u bixiyeen DAMAACI waayo marka qofku isticmaalo wixii markaa ku soo dhaca ayuu ku dhegaa oo aan laga fujin karin cid kastaba ha lahaatee,

Sidoo kale waxan kaloo arkay dad waalidkood habaareen dhaqankooda, waxaanna ogaaday in habaarka waalid iyo kiniinkaa damaaciga ahi isku calaamado yihiin, inta ugu waaweyn ee aan mawduucan u doortayna waa in qofku isaga oo lebbisan, style-kiisuna aad u taaganyahay, oo dadka aan aqoon hore u lahayn ula muuqda qof miyir qaba, ayuu haddana waalanyahay, calaamadda 2aad waa qofkaas oo tallaabo kasta ee uu ku dhaqaaqaahi qaldantahay, qorshe kasta oo uu fuli is yiraahdana way kala dhimmanaadaan oo weligi ma dhammaystiro, haddii uu dhammaystirana wuxuu ku dhammeeyaa meel dhibkiisu ku jiro, ciddii wax la macaamisha wuu saameeyaa oo dhibaato badan ayaa ka soo gaarta, (Ruux habaaran waddo lagulama baqdo) sifada ama tilmaanta ugu daran ee ruuxa habaaran waa in aan la toosin karin oo uu si xad dhaaf ah u madax adagyahay.

SHEEKO GAABAN:
Meherad Telefoonnada laga dirsado ayuu soo galay wiil runtii aad u lebbisnaa ilaahayna qurux iyo joog u dhaliyey, markaa ayuu dhiibtay telefoon lambar gudaha ah si loogu diro, waxa lagu  yiri guduhu lambarradan kama billowdaan ee telefoonka sax, mar uu muddo badan murmayey ayaa nin isaguna telefoon sugayey hoosta ka baaqay oo yiri: isaga ha loo dhiibo ha dirsadee, markii lagu wareejiyey ee uu 10 daqiiqo ku celcelinayey in uu qalad yahayna dhawaqiisa laga garanayey, ayuu intuu yiri telefoonka ayaa guriga ka hallaysan ayuu baxay.

Annaga oo yaabban ayaa ninkii kale intuu qoslay yiri ma taqaanniin cilmigane damaaci buu ninku qaatay, hadalkaas oo uu sii fasiray, sidoo kale maadaama xaafaddaas ay jireen dad badan oo isticmaala waxyaabahaas ayaan anigu sidaa si la mid ah ugu arkay dadka waalidiintoodu soo inkaartay ama soo dayriyeen iyaga oo kuu sheekaynaya, qosol iyo farxadna ku jira ayey arrimahooda oo dhami kala wareegsanyihiin.

Marka aan soomaalida leeyahay anigu addoommada ilaahay gacmihiisa ku abuurtay ma koobin, sidaas awgeed mar kasta ee aan iraahdo soomaalidu waa sidaas xumaan iyo samaanba waxan ula jeedaa inteeda badan, Haddaba makii aan u fiirsaday dhaqanka guud ee soomaalida waxan ogaaday in ay la mid yihiin ruux daroogaysan.
 
Allow naga soo gaar.
-------------------------------------------------
Maxamed Cabdi.
aamaguul@hotmail.co.uk