Ha la doono Hooyo oo, Ha loo doodo xaqeed, 3 June 2010
In yar oo la doortoo, eebbaheenna Daa'imi
darajeeyey mooyee, iyadoo dirkeedaba
Soomaali duuggeed, Dabci ay ka simantahay
ayaa waxay dumaayoo, qormadaanna ii diray
goorti aan daalacday, website-yal dananaya
qormadood ku daabacay, diihaal inuu hayo
dhibayaan dagaallada, soomaali daaliyey.

si uu degel barwaaqiyo, nabad ugu dabaalana
daraahiim bilyan iyo, doollar uu ku bixin lahaa
balse waxa u diidoo, duqa qoorta loo suray
dadkii uu ka dhashoo, daahmeen dhegihii.

Nin kastoo u doodee, soomaali u diiraba
goortuu dadkiisiyo, nabaddooda doobayo
halkii uu docda sare, dul ka raadin lahaa buu
digdigada gawaankiyo, boholaha ka doonaa,

ama daanta kore iyo, intii uu dalluuntiyo 
dusha sare eegi lahaa, geed hoosta loo dayo
dhulka daadsanee yaal, digirtiyo sidii qare
daran iyo qamboob buu, fuulaa dushoodoo
nabad uu ka doonaa.

Bal an yara dillaacshee, waadiga ka diiraya
dad lagaa gumaadiyo, kuwo bado ku daatee
sow kuwii dorraaddaan, ayaantii lays diley
duqaydii sarsaree, door noo ahaan jirey
mid walbaa docdiisiyo, daanta reer aabbihi
duullaan ka wedi jirey, haddii laysku ku soo daray
Filladaa dusheennana, dhaylo loo dubahayo
maatidii dagaalkuna, docda kale muufada
wada daaranayaan, waa ayo dad kalee
dib heshiisiin iyo, dawo loo raadshaa ?

Dadkan aad waaniyi, dareenkaa ka maqan oo
habaar baa la degoo, hooyaa ku daadiday
oo inay ka diiraan, dun quraata noqdaan
dulmi uga midoobaan, waa debin horoo tegey.

Doc yar oo tusaalaa, bal an kuu yar daaree
habargidirta duulee, abtigeed dilaysoo
murusade ku duufee, sow debin ma maqleyn ?

Miyaan waa la dooxmoo, Daacuun na laayee
labadaan is dilayaa, Abti Wiil dubaayiyo
Wiil Naaru dabanee, duxdoodu noqonayn?

oo Diiba-gidirey, iyo Daahir-Murusade 
hooyo maysan dihanoo, Dirki Karanle may aha ?

Miyaa anan docdaadana, Abtiyow dambawdaye
Dunjigaa shisheeyiyo, Daglas kaaga fogeyn?

Dhan kale u duuboo, Daarood Ismaaciil
Durriyadi uu dhalay, hooyadood Doombira
Aabbaheed Dir irir, Durriyadiisiyo
Dirta sow ma laayaan, Abtigood ma dooxaan
odaygii Daarood, Duqii uma hiilshaan
hooyadood Doombira, duqdii kama hiilshaan ?

Docda kale Hawiyiyo, ilmo dir irirkuna
walaashood doombira, ubadkeedi ma dilaan
iyagoo ku doodaya, Dembi gebigiisuba
Deelkoo quraatiyo, Daarood inuu yahay
ee ay dood kale, miiska soo dul dhigayn.

bal an dabar ku dhuujoo, soo doojo gabagee
Website-yada dananiyo, inta Deel xarriiqdaay
si an daabulkiinniyo, dadaalkiinnu u ahaan
nin wax kula deyaayoo, inad hesho an doonayn.

Ha la doono hooyoo, ha loo doodo xaqeed 
siduu daanta aabbeba, dhiiggu kuugu diirayo
waa in daanta hooyiyo, dirkeedi ad dhawrtoo
la yiraa duceey oo, magtii loo dureershaa 

Haddii ay dar Alliyo, waxa aad daabacee
daacad ay kaa yihiin, dawadeennu waa taas
Soomaali dulligiyo, ku deynee dhibaatadu
ee halkaas ka doonoo, ka abbaara daantaas ?

Haddii kale darroorriga, qayladiisa daayoo
qallikana ha daalina, daamankana ha dhibinoo
yey daadan gawsuhu, in wax aad dabiibtiyo
dawo raadi mayside !
 
Maxamed Cabdi.
aamaguul@hotmail.co.uk