Dawrka Hooyo waa kee? 30-05-2013
01- Hooyadu waa tii Abwaan Hadraawi hooyadiis libaax uga qarisay labadeeda lugood dhexdooda ee dhawr KM  la sulsulaysey iyadoon dan ka lahayn nafteedee ma wax ehelkeedii la laayaa ?

02- Hooyadu waa tan burburkii dawladdeennii kaddib qoyskii oo dhan kafaala qaaddoo shaah ama jaad dariiqyada la fadhisoo bitada iyo cadceeddu ku dishaye ma wax ehelkeedii la laayaa ?

03- Hooyadu waa tii Boqorkii kibraye Asxaabul-Ukhduud dadkuu dabka ku  gurayey, hooyadii markii ay godka ku sii dhacaysey cunuggii ay xambaarsanayd gacanta kor ugu taagtay bal si uu usii noolaadee ma wax ehelkeedii la laayaa ?

04- Hooyadu waa tii markii doqonkii ay dhashay iyo xaaskiisii dhibaatadii ay u geysanayeen ka tan badisay ee iyadoo ilmaynaysa uu afkeedii inuu habaartamo dibnaha u kala qaaday ay ku tiri: maandhow sida aad nolol adduunyo iiga dhawrtay adna naartii allaha kaaga dhawro, ee ma wax ehelkeedii la laayaa ?

05- Hooyadu waa midda naaskeedu quudkeenna ahaa,  dusheedu gaadiidkeenna ahayd, dhabteeduna musqusheenni ahayde, ma wax ehelkeedii la laayaa ?

06- Hooyadu waa mukulaasha iyadoo umul ah oo baahan qaraabkeedii ugu horreeyey hilib jiir ah laamiga orod kula goysoo u sidda ubadkeediiye ma wax ehelkeedii la laayaa?

07- Hooyadu waa digaagadda ama doorada ubadkeeda risiqii ilaahay u qoray uga baarta dhulka iyada oo afkeeda u gacanta ah kaashanaysa ee u kala tuuryeysa iyagoo daba yaacaya, ee ma wax ehelkeedii la laayaa ?

08- Hooyadu waa digaagadda curri ama bisadka iyada keliya ka adag oo cuna, marka ayse ubad wadato nafti-hurnimo darteed ay uga adkaatoo ubadkeeda ka difaacdee ma wax ehelkeedii la laayaa ?

09- Hooyo shimbir aad u yar ah, oo Bisad weyn ka difaacanaysa ilmaheedii ilaa xaal ku dhammaaday sidan:
    عصفورة تدافع عن فرخها فتدفع حياتها ثمنا

10- Hooyo Boolo-boolo oo inta ay Rabbi talo saaratay carruurteeda uga gudbinaya laami Highway ah:
    بطة وصغارها تقطع طريق اربع مسارات

11- Hooyo Shimbir ah oo ilmaheeda ka difaacanaysa Waraabe:
    البطة الأم في مواجهة الضبع لن تصدّق ما تراه
12- Hooyo Deero ah oo ubadkeedii ka difaacanaysa cadow ka xoog weyn:
    غزال تدافع عن ابنها 

13- Hooyo shimbir ah oo ubadkeedii quudinaysa:
   الام تطعم فراخها ( الجزء الاول )

INDHAHAAGA KU ARAG NAF-HURNIMADA HOOYO:

14- رحمة بين الخلائق--رائعة--أم تنقذ ابنها من فك الأسد 15- ام عجل تدافع عن ابنها من الضباع وتنجو به 16- الام تدافع عن ابنها ‎..؟!! 17- غزال تدافع عن صغيرها 18- بطه تدافع عن صغارها من الغراب 19- شوفو الام كيف تدافع عن صغارها...! (شيتا ضد 3 ضباع) 20- البطة التي أبكت الملايين 21- اللبوه تدافع عن صغارها.HD 22- اللاذقية - إطلاق نار و إعتقالات و أم تدافع عن ابنها 8-8 23- الدب والنمر الام تدافع عن ابنها 24- سبحان الله. تدافع عن صغيرها امام كلب بوليسي 25- انثى اسد الجبال تدافع عن صغارها . 26- كلاب تنقذ عدداً من الخراف بعد 19 يوم تحت الثلج! Ey daafacaya oo baabuurtii iyo dadkiiba ka joojiyey Ey kale oo baabuur dhaawacay: 27- سبحان الله العظيم 28- حمامة تدافع عن صغارها Ugu dambayn sida xayawaanku HOOYADI-HABAARTAY-ga soomaali uga naxariis badanyahay: daawo naxariista Awr-kani kula dhaqmayo gabadhan yar: 29- سبحان الله عطف الابل على طفله 30- قلب اسد أرق من قلوب البشر موثر جداً

Hooyo ma wax la xaqiro baa, ma wax ehelkeedii la gooyo baa, haddii la sameeyose ma wax lagu liibaano baa ?

Maxamed Cabdi. aamaguul@hotmail.co.uk