Dawrka Hooyo, By A/Lahi Abdi F. (Sujuud)
Qofkasta waxaa dhalay Aabe iyo Hooyo waxaana hubaala in qofkastaa jecelyahay Aabihiis iyo Hooyadiis, waxaana hubaala in labada waalid xaqkuguleeyihiin, meesha aan kaduulayno ama aan ku dhaadanayno "نقطة الانطلاق" ama starting point waa diinteena ee wadaniyad iyo qowmiyad midna kama hadlayno.

 Xaqa 1aad ibnu adamka waxaa ku leh Allah Xaqa 2aadna waxaa iska leh labada waalid. Ilaahay aayado badan ayuu uga hadlay xaqa labada waalid sidoo kale axaadiith waxana kamida.
 

وقضى ربك ألا تعبدوا إلا إياه وبالوالدين إحسانا إما يبلغن عندك الكبر أحدهما أو كلاهما فلا تقل لهما أف

 ولا تنهرهما وقل لهما قولا كريما واخفض لهما جناح الذل من الرحمة وقل رب ارحمهما كما ربياني صغيرا 

 

Axaadiitha Nabiga CSWS waxaa kamida:

 
(ألا أنبئكم بأكبر الكبائر ثلاثاً، قالوا: بلى يا رسول الله، قال: الإشراك بالله وعقوق الوالدين، وجلس وكان متكئاً فقال: ألا وقول الزور)

 

Waxaajira aayado iyo axaadiith si gooniya u muujinaya in hooyadu leedahay xuquuq dheeraada oo ay aabaha uga duwantahay Waxaa kamida.


 (ووصينا الإنسان بوالديه إحساناً حملته أمه كرهاً ووضعته كرهاً وحمله وفصاله ثلاثون شهراً)

 

 

                                                        عن أبي هريرة رضي الله عنه قال : “جاء رجلٌ إلى رسول الله -صلى الله عليه وسلم   

                                                                     :قال يا رسول الله، من أحق الناس بحسن صحابتي  فقال

                                                                                                                     ، (أبوك) قال: قال: ثم من؟ قال: (أمك) ، قال: ثم من؟ قال(أمك) ، قال: ثم من؟ قال(أمك)، :

 

 

Hadii aan isku dayo inaan sharaxo aayadahaas iyo axaadiisthtaa waxaa dheeranaya qoraalka waana lugu caajisayaa aqrintiisa sidaas darteed sideeda ayaan udhaafayaa.

 

AAN USOO DAADEGO DULUCDII WARKAYGA


Hadaan waxyar ka ogaanay ogaanay doorka labada waalid waxaan doonayaa inaan halkaan su,aalo idinku waydiiyo.


Aabe waan ku abtirsanaa oo magaciisa ayaan qaadanaa diin ahaan waa sax, Aabe iyo hooyo waxay kadhasheen laba qabiil oo siman labadaas qabiil waxay si siman xaq noogu leeyihiin inaan labadaba xiriirino oo xaq dhowrno oo asxaan u falno, maxaa keenay in aan magaca qabiilka aabe kaliya wax ku xiriirino, qabiil ahaan si indha,la,aana  ugu difaacno gar darro kasta hakujiree, dartiis denbi ugalno, dartiis cadaab loo galo hadii aan ilaahay cafin?

Halka qabiilkii hooyo kadhalatay aan cidina qiimayn, xaqiisii lugu tunto, ay caadi iska noqoto wiil kaqayb qaadanaa weerar iyo dhib loo gaysanayo reerkii hooyadiis kadhalatay, ayadoo ay muuqato in ay usiman yihiin labadii qabiil ee aabe iyo hooyo kadhasheen? waxaan nahay Muslim Alxamdulillah Nabiguna CSWS asagoo asxaabta iyo dadka kadanbeeya lahadlaya wuxuu yiri. 

                                      فإن لهم ذمة ورحما,إنكم ستفتحون أرضا يذكر فيها القيراط. فاستوصوا بأهلها خير 

 
Culumadu waxay noosheegeen in Nabi Ismaaciil hooyadiis ay eheed reer masar, Nabiguna CSWS wuxuu ahaa faracii Nabi ismaaciil sidaas darteed ayaa nabigu uxiriirinayey reer Masar waadna qiyaasi kartaan inta qarni ee u dhexeysey Nabigeena CSWS iyo Nabi Ismaaciil.

Hadaba hadaan nahay dadka diintaas sheeganaya maxaa keenay in Hooyo qabiilkeeda aan wax qadarina lasiin? miyaan qabiilka hooyo dhammaantiis uusan ahayn Abti, Habaryar, Ayeeyo iyo Awoowe.

Hadii aabahaa iyo Hooyadaa aysan jufa hoose isla ahayn ( yacni hadaan hooyadaa eedo kuu ahayn ama aabahaa abti kuu ahayn) oo aabe iyo Hooyo ka kala yimaadeen laba qabiil oo kala fog, dadka somaliyeed malaga helikaraa qof garanaya magaca awoowaha 5aad, 4aad 3aad ee hooyadiis? Hooyo ma mudantahay in ilaa heertaas laqiimatiro ? hadaadtiraa anigu hooyaday waan qiimeeyaa waana jeclahhay waan kaa rumaysanayaa lakin waxaan kuleeyahay jacaylka aad hooyadaa u qabto adoon hooyadeed qiimayn muxuu yahay ? sikale hadaan kuugu sheego waxaad dilaysaa hooyadaa walaalkeed sideed iigu sheegi kartaa inaad hooyadaa jeceshahay ? dhanka kale hooyadaa waxay leedahay qabiil ay ku faanto oo reer hebel layiraa adiguna reerkaas waad laysaa sideed iigu sheegee inaad hooyadaa jeceshahay ?

Su,aal kale, inta badan qabiilada Somalidu waxay sameeyaan Alla bari oo waalidkoodii dhintay ay uu duceeyaan, hooyadu waa kamid waalidka dhintay mudnaanteedana sikooban waan u sheegnay, marka alla bariga la samaynayo waxaa sameeya qabiil reer hebel layiraa, waana qabiilka aabaha aad ayey u yyaryihiin dadka alla bariga lasamaysta abtiyaal, xitaa hadii abtiyaal aad lasamayso alla bari ayaga ruuxoodu waa qabiilkii hooyo lakin waxay u ducaynayaan awoowgood aabe dhalay.

Waxaa waajib ah in Hooyo loo duceeyo laga soo bilaabo Xaawa, intii muslim eheed ilaa Hooyadaa, (sax) sideed ugu ducaynee waxaadanba garanayn magacii 3aad ee hooyadaa ee maxaad uducaysaa ayeeyadii 3aad ama kasii horaysay.?


In Hooyo sidaan loo gooyo miyeysan qaraaba goysnimo ahayn ? qofkii qaraabadiisa gooya miyaan Allah udhaaran inuu cadaabayo ?

 

            فَهَلْ عَسَيْتُمْ إِن تَوَلَّيْتُمْ أَن تُفْسِدُوا فِي الْأَرْضِ وَتُقَطِّعُوا أَرْحَامَكُمْ أُوْلَئِكَ الَّذِينَ لَعَنَهُمُ اللَّهُ فَأَصَمَّهُمْ وَأَعْمَى أَبْصَارَهُمْ               

 
iyo Hadalkii Nabiga CSW

 
           فعن النبي صلى الله عليه وسلم قال: « إن الله خلق الخلق حتى إذا فرغ من خلقه قالت الرحم هذا مقام العائذ بك من القطيعة قال نعم أما ترضين أن أصل من وصلك واقطع من قطعك قالت بلى يا رب قال فهو لك»

 
Hadday noo cadaatay in aan qaraabadii iyo riximkii goynay ma idiin muuqataa in ciqaabta iyo dhibka xalka loo waayey ee Somali haystaa uu nooga yimid riximkii iyo qaraabadii oon goynay ?


Walaal hadii ay jiraan wax aan isku feker kanahay arimahaan aan kahadlay fadlan e mail iisoo dir.

 
Mahadsanid

Cabdullahi Cabdi Faarax ( Sujuud )

E-Mail: sujuud2004@hotmail.com

12 May 2013

------------------------------------

Maxamed Cabdi.
aamaguul@hotmail.co.uk