Naag masayrsan & axwaasheed
Naag maseyrsan ayaa waxaa u yimid nin safar ah oo biyo uu cabo doonayo. Ninkii socotada ahaa ayaa waxa uu yiri Walaal i waraabi. Naagtii maseyrsanayd baa mooday inuu waydiiyay ninkeedii kolkaasay ugu jawaabtay aqalkaas buu maantoo idil kujiray. Ninkii socotada ahaa ayaa garan waayay waxay ka hadlayso kolkaasuu yiri maxay. Waxay mooday inuu yiri waa arin yaableh kolkaasay tiri aniguba sidaas baan u yaabanahay.