Tuugadii Beerta & xukunkii beeralaha
Sadex nin baa waxay caadeysteen inay beer xadaan maalinwalba. Ninkii beerta lahaa ayaa ogaaday in beerta lagurto Maalinwalba. Maalintii dambe ayuu waxa uu lasoo kulmay tuugadii oo beerta ku dhexjirta, Kolkaasu albaabka la fadhiistay qorigiisuu. Waxaa waxyar ka bacdi albaabkii ugu yimid sadexdii tuug oo intay beertii ka soo dhargeen midwaliba uu wax gacanta ku wato. Ninkii beerta lahaa ayaa yiri waryaada beertayda tuugada dhamaysay waa idinka, maanta waan idin cafinayaa laakiin kol dambe ha soo noqonina. Waxaana maanta idin ku xukumayaa in nin walba waxa uu gacanta ku haysto uu futada iska galiyo. Ninkii ugu horeeyay basbaas buu watay durbadiiba intuu falay wixii lagu amray ayuu cagaha wax ka dayay. Ninkii labaad waxa uu watay liin banbeelmo, kolkuu foorarsaday ayuu waxuu ladhacay qosol ninkii beerta lahaa baa yaabay oo yiri war maxaad ku qoslaysaa, kolkaasuu ugu jawaabay anigoo layaaban liin banbeelmadaaan wato ayaan arkay saaxiibkay oo wata qare wayn (watermelon)