Kii ka weynaa baaba la diidaad adna ..
1) Kolkii soomaalidu Sucuudiga ay u shaqo tagi jireen, ayaa maalin maalmaha kamid ah waxaa gaadhi xaajiyad ah wada raacay labo nin oo shaqo doon ah, mid wuxuu ahaa reer waqooyi, kan kalena reer koonfur. Hadaba waxay gaadhigii saarnaadaanba gaadhigii baa kula dhacay meel god ah, ka dibna waxaa naxay kii reer waqooyiga ahaa ahaa, wuxuunayidhi Yaarasuululaahi!!, markaasaa sheekh carab ah oo agtiisa fadhiyey baa intuu bahal dhirbaaxo ah ku jiiday, ku yidhi ilaahaaga ma taqaanid miyaa?. Kadibna kii reer waqooyiga ahaa baa iska aamusay isagoo cadhaysan, wuxuu gaadhigii sii socdaba mar labaad hadana meel kale oo god ah buu kula dhacay, Kolkaasaa kii reer koonfurka ahaa yidhi Shiikh Cabdulqaadiroow!! Judhiiba kii reer waqooyiga ahaa oo cadho bakhtiisan baa intuu dharbaaxo kadh ka siiyay ku yidhi war kii weynaa baa meel loo la' yahay markaasaad shiikh lasoo ordaysaa.!!!