Aabbe Gacanta i qabo
Waxa la yiri gabaryar oo aabaheed la socotay ayaa ka gudbayey biriij (buundo) ku taal webi korkiisa. Aabehii wuxuu ka cabsaday in yartiisa oo aad jeclaa ka dhacdo biriijka.
Markaasuu ku yiri “Aabbe gacanta si fiican ii qabso si aadan webiga ugu dhicin”. Yartii
ma laba- labayne waxay ku tiri “Maya aabbe, adigu gacanta iqabo”.
Aabbe intuu yaabay ayuu yartii ku yiri “Haddaan anigu gacanta ku qabto iyo haddaad adigu gacanta iqabsatid sow isku mid maaha?”
Intay dhakhso ugu jawaabtay ayay tiri “Haddaan anigu gacanta ku qabsado, waxaa dhici karta intaan ku xejisan kariwaayo markaasna kaa gacan siibto kadibna webiga ku dhaco. Laakiinse haddii aad adigu gacanta iqabatid kaama siiban karo maxaa yeelay ima siidaynaysid”.
Waxaa muhim inaad heshid cid aad ku kalsson tahay ama isku hallayn kartid oo naftaada iyo noloshaada iyo maalkaaga aad ku aamini kartid sida aabaha ama hooyada. Sheekadan gaaban ee ku saabsan gabartan yar ee fahmada iyo caqli badan waxaa laga baran karaa deris ama cashar lagu cibra\o qaadan karo.

HALA ILAAQTAMIN QOF DUMAR AHNinka la tirsada ama la murma ama la ilaaqtama ama gacantga ku taaga qof dumar ah nin mundane ama ah ama ikhyaar laguma sheegi karo. Dumarku isku wada mid maaha. Qaarkood waa sida shinbir yar oo kale (sparrow). Ta noocaas ah dembigeedu waa cafis. Hadday wax caydo, caydeedu waa sida (musik). Hadday gacanteeda ninka ku soo taakto, waxay la mid tahay iyadoo dhabanka u salaaxaysa oo ku leh (hi).
Dumarka qaarkoodna waa laga cawdu bilaystaa, codkooda lama dhagaysan karo, ficilkoodana looma adkaysan karo, lalama noolaan karo, lalama heshiin karo si kasta haddii la yeelo. Haddaad isku dhacdaan, waxay la mid tahay adigoo la dagaalamaya
ciidamada is-bahaysiga NATO.
Waxaa dhowaan jaraaidka lagu qoray in inta u dhaxaysa 74 iyo 90% ee nimanka Turkiga ay xaasaskooda fara saaraan. Nimanka turkigu waxay aaminsan yihiinin in dumarka usha lala dul joogo. Sidaasi waa dhaqan aad u xun. Mana habboona in dumarka lagu dhufto xitaa ubax.
Way badan yihiin guryaha ay qaylo ka jirto hadh iyo habeen iyo had iyo jeer. Waxaa jira kuwo badan oo rag ku sheeg ah oo aan xakamayn karin gacantoda. Nimanka noocaas ah ee u xoog sheegta dadka ka awoodda yar waa wuxuush waxbana kama duwana ama waa la mid xayawaanka duur-joogta ah ee wax cuna ee midba kuu ka xoog waynyaha cuno.
Waxaa jaraaidka lagu qoray dhowaan in booliiska Hindiya ay 12 nin ka badbaadiyeen inay is-gubaan. Sababtuna waxay ahayd naagahooda oo ka adkaa ayaa maalin walba
dili jiray oo qaarkood lafo ka jebiyey. Kuwaasi waa naago lab noqday, nimankoodiina ay dheddig noqdeen. Horaa loo yidhi dumarku ninkay legdaan kama kacaan.
Maxamed Cali Daad

Allssc@hotmail.com