Sheeko dhex martay waraabe iyo libaax
Beri baa waraabe iyo libaax wada shireen, waraabihii ayaa libaaxii ku yiri aan xoolo dhaqanno, Libaaxiina wuxuu ku jawaabay waa yahay ee sidee u dhaqannaa illeen innagu xoolo ma lihine?

Waraabihii: Halka aynu habeen walba wax aynu dhacno raadinayo ee khatarta gelayno, mar keliya aynu hal habeen tabarteenna isu geyno oo xoolo (Geel, Lo' iyo Ari) aynu dhaqanno dhacno.

Libaaxii: Markaynu xoolo badan isu keenno sidaynu habar dugaagga kale uga badbaadinaynaa, ama habkee u dhaqaynaa?

Dhurwaagii: Meel kayn badan leh ayeynu xero uga oodaynaa, waana aynu daajin doonnaa, dabadeed way tarmi oo waynu heli waxaynu cunno, waynu u sheegi doonnaa intaynnu isugu yeerno inaynu xoolaha leennahay oo aanay u dhawaanin waayo adna boqorkii habar dugaag ayaad tahay, anna ku xigeenkaagii, markaa u dhawaan maayaan xoolaheenna, summadna waynu ku dhigan.

Goor waaberi ah ayey reero guuraya dabo galeen, waxay arkeen geelii oo barbaari ilaalinayso iyo awrkii baarqab oo hareerta ka socda, dabadeed way ka cabsadeen oo dhinacii kale ayey u leexdeen, waxay arkeen Lo'dii oo raggii waaweynaa ay wadaan, iyana way ka bayreen, Arigii oo dummarkii iyo carruurtii wadaan ayey dabo galeen, halkaas lafteeda fursad ayey ka waayeen, laakeen Lax duq ah ayey qabsadeen oo kaxaysteen.

Laxdii xero ayey u oodeen, labada dhinacna way ka kala fariisteen, Warabihii ayaa is hayn kari waayey markay muddo saacad ah fadhiyeen oo gaajooday, wuxuuna yiri: Boqor libaaxoow Lax keliya inna anfici maysee ciil ma ku hayaa ?

Libaaxii: Goorahanba caajis ayaa i hayey ee maxay kula tahay?

dhurwaagii: Xoolo badan waynu heli doonnaaye aynu cunno tan.
Dabdeed laxdii way kala goosteen.

Waxaa soo diyaariyey: Abdi Cali (Abnoor)