Ina adeer khiyaanada i bar
Nin baa beri nin u yimi. Markaasuu ku yidhi: "Waxaan doonayaa inaad khiyaanada i barto "Markaasuu yidhi ninkii: "Waatahaye hashaada ii soo lis" Markaasuu hashii u soo lisay. markuu ninkii caanihii dhamay buu yidhi: "Dee haddaba khiyaamada i bar" Markaasuu nikii yidhi: "Dee khiyaamadu waataan hashaadii kaaga maalay."

Markaasaa ninkii afka kala qaaday.