Ninkii Cilmiga Siyaasadda bartay
Waxa la yidhi beri baa laba nin oo isku reer ahi socdaaleen. Waxay ku socdeen meel cilmiga lagu soo barto yagoo doonaya inay cilmiga diita bartaan. Waxay socdaamba waxay ku soo baxeen degmo boqor Jaahil ahi xukumo. Degmedii bay u hoydeen, subaxdiina way amba baxeen. Waxay sii socdaanba meeshii cilmiga lagu baran jiray bay gaadheen. Markaasay tacliintii galeen.

Cilmigii diinta markii ay dhameeyeen ayaa labadii nin midi yidhi "Waar cilmigii dhamaynaye aynu degmadeenii ku noqono". Markaasuu kii kale yidhi: "Waar anigu ilaa aan cilmiga siyaasadda barto tegi maayo". Markaasuu iskaga tegay oo degmadoodii ku noqday.

Ninkii sii socodkii buu sii maray beeshii boqorka Jaahilka ahi xukumi jiray. Salaadii Jimcaha oo boqorkii tukinayo ayuu la tukaday. Markii salaadii laga baxay ayuu boqorkii qudbad labaad jeediyay. Ileen waa Jaahile Quraankii iyo Xaadiistii ayuu ku galgashay oo wax iskaga hadlay.

Ninkii cilmiga diinta soo bartay baa is hayn kari waayay oo intuu kacay oo boqorkii ka barbar qudbadeeyay. Wax alaale wixii uu boqorku ku hadlay buu barkumataal iyo baabah ka dhigay. Boqorkiina askar buu ku beegay. Markaasaa ninkii inta Musaajidkii laga dhex qabtay la xidhay.

God madow baa lagu riday.

Laba sanadood ka dib baa inaadeerkii oo cilmigii siyaasada soo bartay beeshii boqrka Jaahilka soo dhex maray. Isagu ma oga in inaadeerkii la xidhay. Siddii ninkii ka horeeyay buu salaadii Jimcaha la tukaday. Markii Salaaddii laga baxay ayuu boqorkii wixiisii ku hadlay. Markuu dhameeyay ayuu ninkii cilmiga siyaasada soo bartay gacanta taagay. Markaasuu boqorkii u ogolaaday inuu hadlo.

Ninkiibaa wuxuu yidhi; "Maxaa boqorkiina xigmad loo dhiibay". Markaasuu qudbadii boqorka amaanay oo qurxiyay. Wuxuu amaanoba wuxuu yidhi: "Aduunyada waxa ugu nasiib badan ninka boqorkaa afar Jimce la tukada, waxa’se ka sii nasiib badan ninka tin madixiisa ka goosta!"

Markaasaa dadkii intay jiboodeen boqorkii dhakada lagaga booday oo timihii oo la rafay. Ileen waa Musaajid dhane makuu dusha looga baxay baa boqorkii naftii ka booday.

Beeshii baa ninkii cilmiga siyaasadda soo bartay boqortay. Markaasuu inadeerkii oo raamaystay godkii ka soo saaray.

Cilmi kastoo la bartaa maalin buu ku anfacaa