Usha haddii la jiifiyana way bannaantahay
Nin baa, wax la yidhi, meel u boqor ahaa. Maalintii dambaa sac beer daaqay. Markaasaa ninkii beerta sacu daaqay lahaa suldaankii u soo ashtakooday.

Markaasaa suldaankii xukun bixiyay oo yidhi intuu ushiisii kor u qaada: "Ninkii saciisu beer nin kale leeyahay daaqo ushaasuu hadhuudh ku qarinayaa."

Maalintii dambe ayaa suldaanka qudhiisu sac uu leeyahay beer daaqay. Markaasaa suldaankii loo soo sheegay oo la yidh: "Sacaagii baa beer daaqay." Markaasaa suldaankii yidhi: "Hadda usha haddii la jiifshona banaan."