Nabad Go'day ma xidhanto
Nin baa beri guri mas ku jiro degay. Markaasuu maskii arkay. Maskuna mas daallin ah ma ahayn. Casha walba xoolaha iyo carruurta dhexdooda ayuu iska dhex mari jiray oo waxba ma yeeli jirin.

Maalintii dambe ayaa ninkii tashaday oo is yidhi: "Waar horta maskani yaanuu carruurta iyo xoolaha kaa cunine maa dishid?" Markaasuu maskii oo geed jiriddiisa jiifa u yimid oo is yidhi: "Seef qoorta kaga jar" Markaasuu la waayay oo seeftii jiriddii ku dhacday. Markaasaa maskii toosay oo cararay oo god galay.

Habeenkii markii la seexday buu maskii soo baxay oo ninka inankiisii curadka u ahaa qaniinay, inankiina qaniinyadii buu u dhintay.

Subixii baa ninkii maskii u yimid oo yidhi: "Waar, masyohow, aan wacadtano oo is deyno!" Markaasuu maskii yidhi: "Waar ninyohow, berigii horeba waa taynu nabadda ahayn oo aad nabadii goysay; iminkana intaan seefta jiridda ku taal arkayo, adna aad inankaaga xabaashiisa arkayso, wacad inoo xidhmi maayo ee ina kala kaxee"!"